Wararkii ugu dambeeyey ee gobolka Bakool

WAAJIDPRESS – 12 AUG 2017:

Ciidanka taabacsan Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), ay Jimcihii dhaawaceen Amiir Kuxigeenka Ururka Al Shabaab, Mahad Warsame Qaley (Mahad Karataay oo Ka soo jeeda beesha CIISE MAXAMUD – MAJEERTEEN), ka dib markii uu dagaal ku dhex maray Gobolka Bakool.

Maleeshiyada Al Shabaab iyo xoogaga uu wato Mukhtaar Roobow oo Arbacadii ku dagaalamay Deegaanka Abal, ayay hadana shalay ku wada dagaalameen Deegaanka Seeyalow.

Warar madax bannaan, ayaa sheegaya in qayb ka mid ah maleeshiyada Shabaab, ay dib uga gurteen deegaankii lagu dagaalamay, markii uu lugta ka dhaawacmay Mahad Karataay, oo ururka dhexdiisa looga yeero Abuu C/raxmaan.

Wararka, ayaa sheegaya in Mahad Karataay uu kolkii hore wada hadalo ku deyay Abuu Mansuur, si uu dib ugu soo laabto Shabaabka, balse uu ku gacan-seyray, taa dhabaha u xaartay in uu weeraro.

Wararka waxay intaa ku darayan in maleeshiyada Shabaabku, ay Mahad Karataay ku hayaan hawdka fog ee Gobolka Bakool.

Dhinaca kale, Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa ku waramaya in Madaxweynaha Maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan uu qorsheynaayo safar inuu ku tago Magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool.

Xudur hadda waxaa jooga Saraakiisha ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed oo uu hoggaaminaayo Taliyaha Booliska gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Shiine Macalin Nuur iyo Taliyaha ciidanka Daraawiishta EE Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed EE ku sugan Gobolka Bakool General Maxamed Xasan Tima Cadde.

Saraakiisha Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa ku waramaya safarka Madaxweyne Shariif Xasan in la qorsheeyay suuragalna ay tahay maanta ama beri inuu u ambabaxo Magaalada Xudur.

Ujeedada socdaalka Shariif Xasan uu ku tagaayo Magaalada Xudur, ayaa lagu soo waramayaa inay la xiriirto arimo ku saabsan dhiiragelinta ciidanka  Koonfur Galbeed ee Magaaladaasi ku sugan iyo in garab buuxda la siiyo Ciidanka Sheekh Mukhtaar Roobow.

Wasiirka amniga Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Eelay oo maalin ka hor tagay Degmada Xudur, ayaa halkaasi wuxuu gaarsiiyay saanad ciidan oo loogu talo galay ciidamada gurmadka u fidinaya Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo Shabaab ay isku hayaan duleedka Degmada Xudur.

Saanada Ciidan ayaa waxaa loo qaybiyay Ciidamada Koonfur Galbeed oo Taliyeyaashooda Xudur ay joogaan, iyadoo Wasiirka amniga Koonfur Galbeed uu balan qaaday ciidamada aanan haysan hubka inay deg deg ku soo gaarsiin doonaan hub.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: