Baarlamaanka oo ku dhagan Wasiir Yuusuf Garaad

WAAJIDPRESS – 13 AUG 2017:

Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa waxa ay ku dhagan yihiin Wasiirka arrimaha dibadda Somaliya Yuusuf Garaad Cumar oo la filaayo maanta oo Axad ah inuu hortago Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Fariinta Xildhibaanada loo diro, ayaa xalay lagu ogeysiiyay in Ajandaha maanta uu yahay in Wasiirka arrimaha Dibadda Somaliya uu hor imaanaayo Baarlamaanka, ayna su’aalo waydiin doonaan Xubno ka tirsan Baarlamaanka dalka.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya ayaa sheegay sababta Wasiirka loogu yeeray inay tahay kaliya arrimo ku aadan wax ka waydiinta shaqada Wasaaradda arrimaha Dibadda Somaliya.

“Fariinta waxa ay nagu soo gaartay in Wasiirka arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Cumar uu hor imaanayo Baarlamaanka, Xildhibaanadana ay wax ka weydiinayaan arrimo ku saabsan shaqada Wasaaradda arrimaha Dibadda Somaliya.” Ayuu yiri Xildhibaan Dalxa.

Xildhibaan Dalxa ayaa la waydiiyay su’aal ku aadan jiritaanka warar la isla dhexmaraayay oo ku saabsan in Mooshin laga keenay Wasiirka arrimaha Dibadda Somaliya, ayaa wuxuu ku jawaabay in dadka si qaldan ay u fahmeen Mooshin, Wasiirkana aanan laga keenin Mooshin.

Wuxuu sheegay sababta loogu yeeray Wasiir Yuusuf Garaad inay tahay arrin ku aadan talo soo jeedin ay qabaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliya, balse uusan aheyn wax lidi ku ah Wasiirka oo lagu cayrsanaayo.

Baarlamaanka Somaliya ayaa muddooyinkii dambe waxa ay wadeen isla xisaabtan ku aadan Wasiirada Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: