War deg deg ah Akhriso Ka dib DAAWO: Sheekh Mukhtaar Roobow oo ay isla socdaan Wasiirka Gaashaandhiga oo hadda MUQDISHO soo gaarey

WAAJIDPRESS – 13 AUG 2017:

Diyaaraddii sidday Sheekh Muqtaar Rooboow Cali Abuu Masuur islamarkaana ka soo qaaday Degmada Xudur Ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa Goor Dhow ka soo degatay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee Aadan C/lle Cismaan Aadan Cadde.

Sheek Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo ay la socdaan Wasiirka Gaashaandhiga SOOMAALIYA CABDIRASHIID iyo taliye ku xigeenka NISA Col. ABDULQAADIR sheekh axmed (oo Ka soo jeeda JIROON – DIGIL IYO MIRIFLE) Ayaa Ka soo degtey Garoonka DIYAARADAHA AADAN CADDE ee magaalada  Muqdisho, ayaa waxaa uu isla maanta  kulmay Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xasan Cali Khayre iyo Madaxweynaha Koonfur GALBEED Shariif Xassan Sheekh Aadan, waxaana lagu wadaa in uu beri la kulmo MADAXWEYNE Farmaajo.

Sheekh Mukhtaar Roobow oo gaadiid gaar ahaa looga gelbiyay Garoonka Aadan Cadde, ayaa waxaa la geeyay Qasriga Madaxtooyada ee Villa Somaliya, halkaasoo uu ku qaabilay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda.

Ra’iisal Wasaaraha waxa uu si diiran u soo dhaweeyay in Abuu Mansuur uu isu soo dhiibo Dowladda Dhexe, isagoona bogaadiyay tallaabada geesinimada leh ee ninkaasi uu qaaday.

Kulanka labada dhinac oo mid kooban ahaa, ayaa waxaa laga soo saaray in Abuu Mansuur loo kaxeeyo mid ka mid ah xarumaha caafimaadka ee Magaalada Muqdisho ku yaala, sababo ku aadan isagoo wa-xooggaa xanuun ahi ka sheeganaya.

Sarkaalka Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa Idaacaddaha u sheegay in tallaabada Saxaafadda loogu diiday inay muuqaalo ka qaaddo Abuu Mansuur ay tahay, in bal marka hore baaritaan xagga caafimaadka ahi uu maro, ka dibna uu shir jaraa’id Warbaahinta ugu faah faahiyo isu soo dhiibidiisa dowladda, isla markaana uu shirka qaban doono maalmaha soo socda.

Dhanka kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in Villa Somalia ay qorsheysay in Abuu Mansuur la dejiyo DhGuryaha Ka dambeeya Xarunta dhismaha maama  Khadiija – DAAWO:

 

 

 

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: