War deg deg ah: Wasiiro badan oo ka tirsan Hirshabeelle oo is casilay si ay xilka uga tuuraan Madaxweyne Cosoble

WAAJIDPRESS – 13 AUG 2017:

Jowhar (wadaninews24 Online)- War goor dhow naga soo gaaray magaalada Jowhar ayaa
sheegaya in illaa 13 Wasiiro oo isugu jira Wasiir iyo Wasiir kuxigeeno ay goor dhow iska
casileen xilkooda.

Arrintan ayaa qeyb ka ah ololaha lagu doonayo in xilka looga qaado madaxweynaha
maamulkaasi Cali C/llaahi Cosoble oo mooshin ka dhan uu ka socdo xarunta Hirshabeelle
ee magaalada Jowhar.

Ilaa 13 wasiir iyo wasiir ku xigeen oo ka tirsan Hirshabeelle ayaa la sheegay inay mar qura
ku dhawaaqeen is-casilaadooda, taasoo qeyb ka ah ololaha looga horjeedo maamulka
Hirshabeelle, waxayna ku biireen mooshinka laga wado madaxweynaha Hirshabeelle.

Shir jaraa’id oo Wasiirada goor dhow ku qabteen Hotel ku yaalla magaalada Jowhar ayaa
sheegay inay isku casileen waxqabad la’aan Madaxweynaha Hirshabeelle iyo inuu ka
gaabiyay howlihii loo igmaday.

Qaar ka mid ah Wasiirada is casilay ayaa ka mid ah xubnaha aaarlamaanka Hirshabeelle,
ayaa ku biiray ololaha ka dhanka ah Madaxweynaha Hirshabeelle oo saaka laga diyaariyay
Mooshin xil ka qaadis ah.

Xildhibaannada maamulka Hirshabeelle ayaa isku urursanaya sidii ay mooshinkan uga furi
lahaayeen Saarlamaanka maamulka oo lagu wado inuu fadhi ku yeesho magaalada Jowhar.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: