Archive for Seteembar, 2017

Genaraal Cabdulaahi Waafow Iyo Gudoomiye Maxamed Yariisow Oo Maanta Ka Degay Magaalada Baydhabo Janaay (Sawiro)

Seteembar 30, 2017

WAAJIDPRESS – 30 SEPTEMBER 2017:

Magaalada Baydhabo ee Xarunta ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed ayaa maanta waxa gaarey Jenaraal Cabdulaahi Cali Axmed Waafow iyo Gudoomiye Maxamed Cusmaan Cali (Yariisow) oo labaduba ka soo jeeda beesha Biimaal ee DIR .

Labadan mas’uul oo maalmihii lasoo dhaafey ku sugnaa magaalada Muqdisho, halkaas oo shirar kala duwan oo wadatashiyo ah ay kula lahaayeen siyaasiyiin, xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.

Safarka ay ku gaareen magaalada Baydhabo ayaa lagu wadaa in dhameystir uu u noqdo shirar iyo kulamo u socdey Janaraal Waafow iyo Maamulka Koonfur galbeed, kuwaas oo loogu tashanaayey sidii xal loogu gaari lahaa khalalaasha Gobolka Shabeelada hoose.

Mas’uuliyiintan ayaa magaalada Baydhabo waxa kusoo dhaweeyey Wasiirka Beeraha iyo Waraabka, Maxamed Xasan Fiqi, Wasiirka Amniga Xasan Eelaay iyo Wasiiradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka Marwo Binti Ibraahim Cali.

Advertisements

DAAWO: MASJID CASRI AH OO LAGA FUREY DEGMADA DAYNIILE

Seteembar 30, 2017

WAAJIDPRESS – 30 SEPTEMBER 2017:

 

War Deg deg ah: Saddex Caruur oo ku dhaawacmay Qarax miino ka dhacay Deegaanka Carbiska

Seteembar 30, 2017

WAAJIDPRESS – 30 SEPTEMBER 2017:

Wararka laga helayo Duleedka Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay ku Waramayaan in qarax laga maqlay deegaanka carbiska ,kadib markii Saddex Caruur ah ay garaaceen qaraxaasi waxaana ka soo gaaray dhaawacyo halis ah Saddexdii canug ayaa garaacday.

Dadka Deegaanka Carbiska oo la hadlay idaacadda Kulmiye  ayaa Sheegay in Saddexdan Caruur ay ka yimaadeen Dugsi lagu barto qur’aanka kariinka,kadibna ay u soo socdeen Hoygooda oo ku yaala Deegaanka carbiska,sidaasina uu qaraxa ku haleelay.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa u dhow Xarun ay Degan yihiin Ciidamada AMISOM,inkastoo caruurtan ay deganaayeen Kaam ku yaala Deegaanka Carbiska.

Saddexdaan Caruur ee ku dhaawacmay Qaraxan ayaa waxaa loola Cararay Xarumaha Caafimaadka Sida uu soo Sheegayo Wariyaheena Gobalka Shabeelaha Hoose.

Maalmihii uguu dambeeyay Ayay Aheyd markii Caruur Sidan oo kale ugu ciyaaraya Waxyaabaha Qarxa ay ku dhinteen kuwa kalana ay ku dhaawacmeen.

Dowladda Federaalka oo qorsheyneysa inay hakiso shirka Kismaayo (Warbixin)

Seteembar 30, 2017

WAAJIDPRESS – 30 SEPTEMBER 2017:

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal uga jirta sidii ay u baajin laheyd shirka lagu wado in Kismaayo uu ku dhex maro Madaxda Maamul goboleedyada dalka, kaasoo uu dhowaan uu ku baaqay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Jowhar.com ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Mas’uuliyiin kale ay saacadihii la soo dhaafay kulamo gaar ah ka yeesheen xaalada siyaasadeed ee dalka, Khilaafka Galmudug iyo shirka maamul goboleedyada ee dhowaan Kismaayo ka dhici doona.

Shirka Kismaayo ayaa loo arkaa mid caqabad ku noqon kara nidaamka Federaalka, hadii shanta Madaxweyne goboleed ay si gaar ah kulan ka dhan ah dowladda Federaalka yeeshaan, kaasoo noqon doona kulankii u horeeyay ee ay dowladda dhexe ka maqan tahay, hadii Maamul goboleedyada uu isbaheysi dhex maro uu saameyn ku yeelan karo.

Shakiga kale ee dowladdu ka qabto shirkaas ayaa ah in loo arko in dowladda Federaalka aanay xilligan gacanta ugu jirin jaan-goynta arrimaha siyaasada gudaha, isla markaana ay keeni karto khal-khal siyaasadeed oo uu dalku galo.

Waxaa kaloo shirka Kismaayo u aragtaa mid awood siin kara Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf oo uu xaalka ku xun yahay, kaasoo dhowaan taageero ka helay qaar ka mid ah Madaxda maamul goboleeydada.

Wararka ayaa sheegaya in dowladda Federaalka ay dooneyso in shirka Kismaayo la hakiyo, iyadoo u mareyso dhinacyo kala duwan, sida dowladaha deriska ee sida dhow xiriirka ula leh maamulada dalka, waxaana lagu wadaa in dowladdu ku baaqdo shir guud oo bisha soo socota ee October dhici doona.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maalmo ka hor sheegay in gogol uu Kismaayo ugu fidinayo Maamul goboleedyada, si looga tashanayo xaaladaha siyaasadeed ee dalka, isla markaana wixii ay ka soo tashadaan ay dowladda Dhexe ula tagi doonaan.

Dowladda Federaalka ayaa xilligan wajaheysa caqabado siyaasadeed oo gudaha ah, kaddib markii qaar ka mid ah maamul goboleedyada ay ka hor yimaadeen go’aanada qaar ee dowladda ka gaartay arrimaha siyaasada, gaar ahaan go’aankii Khilaafka Khaliijka oo noqday mid saameyn ku yeeshay siyaasada arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Gudoomiyaha Gobolka Sh/hoose ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Ayaa Booqasho Ku Tagay Deegaanka Bariire

Seteembar 30, 2017

WAAJIDPRESS – 29 SEPTEMBER 2017:

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose ee dowlad Goboleedka Koonfur galbeed  Ibraahim Najax ayaa maanta booqday deegaanka Bariire oo maanta lagu dilay tiro ka tirsan ciidamo dhowaan halkaasi la geeyey oo uu hogaamiyo Liibaan Madaxweyne.

Waxaa uu gudoomiyaha deegaanka Bariire kula kulmay abaanduulaha ciidamada Xoogga Dalka C/laahi Cali Caanood oo maanta halkaasi u gaaray inuu soo qiimeeyo xaaladda amni ee deegaankaasi.

Kooxda Alshabaab ayaa saakey weerar culus ku ekeeyey saldhig deegaanka Bariire laga dejiyey maleeshiyaad aan deegaanka u dhalanin oo uu wato Liibaan Madaxweyne oo lagu haysto dambiyo dagaal uu ka galay shacabka gobolka Sh/hoose.

Deegaanka Bariire oo caawa deggan ayaa waxaa laga dareemayaa saansaan colaadeed.

DAAWO: TALIYAHA CIIDAMADA TURKEY OO MAANTA MUQDISHO GAAREY

Seteembar 29, 2017

WAAJIDPRESS – 29 SEPTEMBER 2017:

 

War deg deg ah Akhriso ka dib daawo: Qarax xoog leh oo goor-dhaw ka dhacay Nawaaxiga Bacadlaha Xamar-weyne ee magaalada Muqdisho

Seteembar 28, 2017

WAAJIDPRESS – 28 SEPT 2017:

Qarax xoog leh oo loo Adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa ayaa goor-dhaw ka dhacay meel ku dhaw Isgoyska bacadlaha ee degmada Xamar weyne Waxaana ka dhashay khasaaro badan oo dhimasho iyo dhaawac ah.

Qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoyska bacadlaha ee Degmada Xamar-weyne iyo Kaalin Shidaalka ee ka soo hor jeeda Waxaana la sheegay in uu ahaa Gaari weyn oo laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay Dad Shacab ah oo xilligaa qaarkood saarnaa Gaadiidka Dadweynaha.

Inta la og yahay Dadka Shacabkaa ee ku dhintay Qaraxa waxaa ay gaarayaan illaa 10, halka dhaawacu uu ka badan yahay 20 kale – DAAWO:

 

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Safar ugu ambabaxay dalka Masar

Seteembar 28, 2017

WAAJIDPRESS – 28 SEPTEMBER 2017:

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Wafdi uu hoggaaminaayo, ayaa u ambabaxay Magaalada Qaahira ee dalka Masar, saaka oo Khamiis ah.

Jawaari, ayaa Garoonka Aadan Cadde, waxaa ku sii sagootiyay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliya, halka horay ay u sii raaceen Xildhibaano kale.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa waxaa raacay in ka badan 10 Xildhibaan oo Wafdigiisa ka mid ahaa.

Ujeedada dalka Masar uu u tagaayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa waxa ay tahay mataaneynta Golayaasha Shacabka Somaliya iyo Golaha Shacabka dalka Masar.

Kulamo kala duwan ayuu Gudoomiye Jawaari la soo qaadan doonaa madaxda dalka Masar, sida uu sheegay Xoghayaha Baarlamaanka Somaliya C/kariin Buux.

Safarka Jawaari uu maanta ugu ambabaxay Magaalada Qaahira ee dalka Masar, ayaa ku soo aadaya, iyadoo Madaxweynaha Somaliya Iyo Ra’iisal Wasaaraha ay ka maqan yihiin dalka.

DAAWO: JAAMACAD LOOGU MAGACDAREY RAISUL WASAARE KHEYRE ISLA MARKAAN UU KHARASHKEEDA UU ISAGA BIXIYEY AYAA LAGA FUREY MAGAALADA BAYDHABA

Seteembar 28, 2017

WAAJIDPRESS – 28 SEPTEMBER 2017:

 

DAAWO: Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee dowlad goboleedka Koonfur galbeed iyo ciidan uu hogaaminayo oo gaarey degmada Bariire oo aheyd meeshii uu ka dhacay duqeyntii diyaaradaha

Seteembar 28, 2017

WAAJIDPRESS – 27 SEPTEMBER 2017:

WAZIIRKA XOOLAHA DHIRTA DAAQA MAXAMED CABDI RAXIIN IYO GUDOOMIYAHA GOBALKA SH/HOOSE EE DOWLAD GOBOLEEDKA KOONFUR GALBEED  OO BOOQDEY DEEGAANKA BARIIRE EE SHABEELAHA HOOSE – DAAWO: