Archive for Oktoobar, 2017

BEESHA JIROON EE KU ABTIRSATA BEELWEYNTA DIGIL IYO MIRIFLE OO MALAAQ CUSUB DOORATEY

Oktoobar 31, 2017

WAAJIDPRESS – 31 OCTOBER 2017:

Waxaa Degmada Waajid ee gobolka Bakool ka dhacday doorasho guud oo reerka degan ay ku dooranayeen Malaaqa guud ee Beesha JIROON, maadaama ay jegadaasi banaanayd mudo ku dhow toban bilood ay raadinayeen qofkii u buuxin lahaa booskaa, sida la wada ogyahayna uu dhintay malaaqii hore u hogaaminayay reer Jiroon.

Beesha oo doorasho ka gashey ayaa waxa ay si buuxda Bisha Markii ay aheyd 29/10/2017  ay si rasmi ah Malaaq ugu  doorteen Malaaqa cusub ee beesha oo la yiraah Malaaq Isaaq Aadan Xassan, xaflada doorashaduna ay ka dhacday isla degmada Waajid oo ah xarunta ugu wayn ee Reer Jiroon.

 

Malaaqa cusub ee reer Jiroon waxa uu noqonayaa kii ugu horeeyay ee la doorto asagoo wadanka dibadiisa jira, sababta keentay markaan la xiriirnay gudigii doorashada ee reer Jiroon waxay inoogu sheegeen in uu reerku soo maray wakhtiyo aad u adag oo ay ku waayeen xuquuqdoodii ay xaqa ugu lahaayeen Soomaaliya gaar ahaan DigilMirifle dhexdiisa.

Waxaa kaloo ay inoogu fasireen in guud ahaan reerku uu u baahan yahay isbedel deg-deg ah si ay ula jaan qaadaan guud ahaan dadka Soomaaliyeed oo walaalahooda ah, gaar ahaan DigilMirifle.

Gudiga doorashada reer Jiroon waxa kaloo ay inoo cadeeyeen in ay goor dhow dhici doonto xaflad caleemo saar ah ayna ka dhici doonto isla degmada Waajid, laguna wado in malaaqa cusub uu goor dhow kasoo degi doono degmada Waajid.

Advertisements

DAAWO: AXMED MADOOBE OO SHIRKII MAANTA EE MUQDISHO KA JEEDIYEY KHUDBAD DHAXALGAL AH

Oktoobar 31, 2017

WAAJIDPRESS – 30 OCTOBER 2017:

 

KA FAA’DEYSO OO DHAGEYSO QURAANKAN HADDII AAD RABTID IN ISHA IYO SIXIRKA IN UU KAA BAXO OO ALLE KU CAAFIYO

Oktoobar 31, 2017

WAAJIDPRESS  – 31 OCTOBER 2017:

 

 

DAAWO: GUDOOMIYE Prof. JAWAARI OO MAANTA KHUDBAD KA JEEDIYEY BAARLAMAANKA DALKA SUDAN

Oktoobar 30, 2017

WAAJIDPRESS – 30 OCTOBER 2017:

 

DAAWO: KULAN LOOGU DUCEEYEY WASIIR MADOOBE NUUNO ALLAHA U NAXARIISTO OO MAANTA BAYDHABA KA DHACY

Oktoobar 30, 2017

WAAJIDPRESS – 30 OCTOBER 2017:

 

 

Akhriso: Ajendaha shirka usocdo Madaxda Dowladda iyo kuwa Maamul Goboleedyada

Oktoobar 30, 2017

WAAJIDPRESS – 30 OCTOBER 2017:

Waxaa maalinkiisii labaad galay Shirka udhexeeya Madaxda Dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada ee ka socda Magaalada Muqdisho.

Shirka oo shalay uu furay Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa goobjoog ka ah Madaxweynayaasha Maamulada; Puntland, Galmudug, Koofur Galbeed, Hirshabelle iyo Jubaland, Sidoo kale waxaa goobjoog ka ah Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Duqa Muqdisho – Qodobada waa:

 

DAAWO: XILDHIBAANAD SAREEDO OO KA SOO JEEDA BEELWEYNTA DIGIL IYO MIRIFLE OO MAANTA KULUL BAARLAMAANKA UGA HADASHEY

Oktoobar 30, 2017

WAAJIDPRESS – 29 OCTOBER 2017:

 

DAAWO: XILDHIBAAN ZAKARIYE OO BAARLAMAANKA MAANTA SI KULUL UGA HADLEY

Oktoobar 30, 2017

WAAJIDPRESS – 29 OCTOBER 2017:

 

DAAWO ka dib Akhriso: Gudoomiyaha Baarlamanka Somalia oo Khartuum kula kulmay dhigiisa dalka Sudan

Oktoobar 30, 2017

WAAJIDPRESS – 29 OCTOBER 2017:

????????????????????????????????????

Wafdigii uu hogaaaminayey guddoomiyaha Baarlamanka Somalia Prof. Maxamed Sheekh  Cismaan (Jawaari) ee booqashada ku jooga dalka Sudan ayaa maanta magaaladda Khartuum kula qaatay gudoomiyaha Baarlamaanka ee dalkaas.

Prof. Jawaari iyo Wqfdigiisa ayaa lagu soo dhaweeyay xarunta Baarlamaanka ee dalka Sudan, waxaana labada Gudoomiye ay ka wada hadleen xiriirka labada dal gaar ahaan iskaashiga iyo wada shaqeynta iyo iskaashiga labada Baarlamaan.

Sidoo kale waxa ay labada dhinac wada qaateen kulan ay goob jog ahaayeen xildhibaano ka tirsan labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Suudaan ,waxaana kulanka looga hadlay sidii labada dal ay isaga kaashan lahaayeen,dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin dejinta shuruucda Baarlamaanada labada wadan.

Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan Nuux oo ah habdhowraha golaha shacabka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in sidoo kale ay labada Gudoomiye ka wada hadleen isdhaafsiga qubaro dhinaca sharciga ah.

DAAWO: MADAXWEYNAHA DOWLAD GOBOLEEDKA KOONFUR GALBEED SHARIIF XASSAN AYAA KA TACSIYEEYEY DILKII WASIIR MADOOBE NUUNOW IYO DHAMAAN SHACABKII KALE EE SOOMAALIYEED

Oktoobar 29, 2017

WAAJIDPRESS – 29 OCTOBER 2017: