Archive for Nofeembar, 2017

War deg deg ah: Wariye-yaal caawa qarax kaga badbaaday Magaalada Muqdisho

Nofeembar 30, 2017

WAAJIDPRESS – 30 November 2017:

Laba Wariye oo ka hawlgala Xarunta Telefishinka Qaranka ee Magaalada Muqdisho, ayaa caawa qarax ka badbaaday, ka dib markii qaraxaasi oo gaarigooda loogu xiray uu qarxay, ka hor intii aanay gaariga kaxeysan.

Dhacdadan, ayaa waxay goor dhow ka dhacday Degmada Boondheere, gaar ahaan meel ku dhow Isbitaalka Somali Jarmal, gaariga oo keliya ayaana qaraxaasi ku burburay.

Wariye-yaashan oo lagu kala magacaabo Cabdullaahi Maxamed Weli iyo Daahir Cabdiweli, ayaa waxay jugta qaraxa ka war helayn xilli ay isu diyaarinayeen inay gaariga raacaan.

Goobjooge-yaal, ayaa laga soo xigtay in labada Suxufi ay ka badbaadeen qaraxaasi, isla-markaana aanay jirin cid kaloo wax ku noqotay, marka laga soo taggo in gaarigoodii uu qaraxaasi ku burburay.

Wariye Daahir C/weli, ayaa ahaa sawirqaadihii hore ee Madaxweyne Farmaajo, waxaana dhawaan lagu bedelay Badri Axmed Cabdulle.

Ciidamada ammaanka oo ku baxay halka uu qaraxu ka dhacay, ayaa xiray wadooyinka soo gala, waxayna ka wadaan baaritaano ay ku doonayaan in ay kaga daba taggaan kuwii qaraxaasi ka dambeeyay.

Dhinaca kale isla maanta, Kooxo hubeysan ayaa maanta askari ka tirsan ciidanka nabad sugida dowladda Soomaaliya ku dilay magaalada Muqdisho, xaafada janaraal daa’uud gaar ahaan degmada Warta Nabada ee gobalka banaadir.
Kooxaha dilka geystay ayaa la sheegay inay wateen bistoolad,iyadoona marka ay dilka fuliyeen kadib ay goobta ka baxsadee.
Dadka deegaanka ayaa idaacadda kulmiye u sheegay in kooxo bisloolado ku hubeysan ay askari ka tirsan nabad sugida Soomaaliya ku dilay warta Nabada ee Gobalka Banaadir.

Advertisements

DAAWO: MUSHARAXA MADAXWEYNENIMADA MAAMULKA PUNTLAND OO KA HADLEY KHILAAFKA WAREEJINTA DEKADA BOOSAASO

Nofeembar 30, 2017

WAAJIDPRESS – 30 November 2017:

 

DAAWO: Wasiirka Amniga ee Dowlad Goboleedka Koonfur Goboleedka iyo wafdi uu hogaaminayo oo Maanta gaarey Magaalada Qansaxdheere

Nofeembar 30, 2017

WAAJIDPRESS – 30 November 2017:

 

DAAWO: KHUDBADII RAISUL WASAARE KHEYRE UU KA JEEDIYEY XAFLADII BAYDHABA KU SHEEGEY IN UU KA SOO JEEDO ASAL AHAAN GOBOLADA KOONFUR GALBEED

Nofeembar 30, 2017

WAAJIDPRESS – 30 November 2017:

 

War deg deg ah: Qarax xoogan oo goordhow ka dhacay Magaalada Boosaaso ee gobalka Bari

Nofeembar 30, 2017

WAAJIDPRESS – 30 NOVEMBER 2017:

Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee gobalka barri ayaa sheegaya in Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay xaafada masjidu raxma ee Magaalada Boosaaso.

Qaraxa ayaa lala eegtey  ciidamo ka tirsan madaxtooyada Puntland oo magaalada boosaaso gaari aay saarnayeen lagu tuuray bambo gacmeed.

Bamkan ayaa geystey qasaaro iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in dad gaaraya 11 ruux oo badankood ahaa ciidamadii saarnaa gaariga bamka lagu weeraray la dhigey isbitaalka magaalada Boosaaso.

Dadka dhaawaca ah ayaa la sheegey  inay ku jiraan dad rayid ah oo ku dhacday rasaas ay fureen ciidamadii la weeraray.

Illaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Bari ama dowlad goboledka Puntland.

Dowlada Somalia oo maalinta beri ah fasaxday Shaqaalaha rayidka ah & Sababta ka dambeysa

Nofeembar 29, 2017

WAAJIDPRESS – 29 November 2017:

Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in maalinta berrito ah oo taariikhdu ku began tahay 30ka Novembar ee sanadka 2017-ka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Maxamed Cadde Mukhtaar, ayaa sheegay in maadaama beri ay ku began tahay 12ka bisha Mowliid munaasabadda xuska dhalashada Nabigeenna Muxamed NNKH darteed loo fasaxay shaqaalaha dowladda.

Wuxuu tilmaamay in ummadda Soomaaliyeed iyo dhamaan shucuubta muslimiinta ah ay dhalashada Nabigeena u tahay maalin farxadeed oo ay aad u weyneyaan isla markaana ay ka nastaan shaqooyinka kale.

Shaqaalaha dowlada ayuu ugu baaqay iney weyneyaan xuska dhalashada Nebigeena Maxamed NNKH, ayna qoysaskooda la qeybsadaaan farxada maalintaas, iyagoo ka nasanaya howlaha ay qaban jireen.

Akhriso ka dib DAAWO: Wafdi uu Hogaaminayo Sheekh Mukhtar Roobow oo ka mid ah Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga iyo xubno kale oo Maanta Gaarey Gobolka Bakool

Nofeembar 29, 2017

WAAJIDPRESS – 29 NOVEMBER 2017:

 

Wafdi Balaaran ee uu Hogaaminayo Sheekh Mukhtaar Roobow ee ay ka mid Wasiirkii Hore ee Gaashaandhiga ee dowlada Federaalka CabdiRashiid Cabdullaahi Maxamed, Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Federaalka IYO wasiiro ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Saraakiil ciidan  ayaa maanta gaarey Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool.

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Xudur ee xarunta gobalka Bakool ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Xubno ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed oo hore halkaasi ugu sugnaa iyadoo ay socdaan kulamo uu la qaadanayo mas’uuliyiin gobalka ka tirsan.

Maalinta beri ah ayaa lafilayaa in wafdiga uu meel fagaare ah uu kula hadlo shacabka iyo maamulka.

Sheekh Mukhtaar Roobow iyo wafdiga ayaa halkaasi u gaarey in la qarameeyo ciidamadiisa daacada u ah ee ku sugan degmada “ABAL” iyo Mushaarkooda iyo agabyo kale oo maanta la gaarsiiyey – DAAWO:

 

War deg deg ah DAAWO: GUDOOMIYAHA MAXKAMADA SARE EE GALMUDUG SHEEGEY IN XAAF UUSAN MADAXWEYNE AHEYN ISLA MARKAANA EEDEYN KULUL U JEEDIYEY DOWLADA FARMAAJO

Nofeembar 28, 2017

WAAJIDPRESS – 28 NOVEMBER 2017:

 

DAAWO: WAFDI KA SOCDA DOWLAD GOBOLEEDKA KOONFUR GALBEED OO MAANTA HOWLO SHAQO AH U GAAREY MAGAALADA WAAJID EE GOBOLKA BAKOOL

Nofeembar 28, 2017

WAAJIDPRESS – 28 NOVEMBER 2017:

 

DAAWO: Beesha Marxuum Wasiir Cabaas Siraaji oo maanta Madaxweyne Farmaajo Ugu Baaqdey Inuu Qalinka ku duugo Saxiixa Dilka Askarigii Diley

Nofeembar 28, 2017

WAAJIDPRESS – 28 NOV 2017:

Kullan maanta ay ku yeesheen Magaalada Baydhabo, Beesha uu ka dhashey Marxuum Ex. Wasiir Hore Ee Hawlaha Guud iyo Dib u dhiska Somalia Cabaas C/llaahi Siraaji ayaa  Madaxda Dowlada Federaalka Somalia Looga Dalbadey inay Tiirka Cadaalada Ay Marsiso Askarigii Diley Wasiir Cabaas Siraaji.

Kullankan oo ayaa oo ka qiib galey Malaaq Guud Ee Beesha Hubeer Malaaq Xasan Shurre Maxamuud, Xildhibaano, Wasiiro Ka Tirsan Dowlad Goboleedka KG Somalia iyo Ehlada Marxuum Cabaas Siraaji ayaa fariin kuluul looga direy Madaxweyne Farmajo.

Kullanka ayaa mar kale si wadajir ah Looga cadeeyay inaysan Beeshu wax diyo ah ka qaadan doonin dilkii marxuumka ee keliya cadaalada in la horkeeno ay ubaahanyihiin gacan ku dhiiglaha ku jira Gacanta Dowlada isla markaana waxay ka digeen in Mar kale dib loo dhigo Fulinta.

Dhawaan ayaa ahayd ka dib markii xildhibaano lagu soo doortey Koonfur Galbeed Somalia iyo Jubbaland iyo wasiiro kullan la qaatey Madaxweyne Famaajo ay ka dalbadeen inuu Saxiio Dilka Askarigii Diley Marxuum Cabaas Siraaji- DAAWO: