Archive for Janaayo, 2018

DAAWO: MAGAALADA BAYDHABA OO LAGA MAMNUUCEY DRIVER LICENSE LA AAN IN AAN BAABUUR LAGU DHEX WADAN KARIN

Janaayo 31, 2018

WAAJIDPRESS – 31 January 2018:

 

Advertisements

DEG DEG: Kismaayo Oo Lagu Kala Cararay, Nin Walbow Naftaa…

Janaayo 31, 2018

WAAJIDPRESS – 31 January 2018:

Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada hoose ayaa sheegaya in xaafado ka mida magaalada ay isku hor fadhiyaan ciidamada Nabadsugida Jubbaland iyo maleeshiyaad hubeysan oo ka careysan xarigga xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamulkaas oo shalay Xabsiga la dhigay.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in xaafadaha qaar ee magaalada Kismaayo laga maqlayo rasaas aan badneyn oo loo maleynayo in ay isku ridayaan maleeshiyada hubeeysan in ciidamada amaanka ee maamulka Jubbaland.

Dhinaca kalana waxa weli xiran wadooyinka magaalada oo la dhigay ciidamo fara badan oo xaqiijinaya amniga’Waxaana ay baarayaan gaadiidka waaweyn iyo kuwa yar yar ee soogelaya magaalada.

Xaaladda Kismaayo ayaa shalay ilaa maanta waxaa ka taagan xiisad adag oo ka dhalatay xasaanad kala noqoshada xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Jubaland kadibna Xabsiga la dhigay iyada oo aan la ogeyn halka ay ku dambeyn doonto arintaan

War deg deg ah: Weerar lagu dhaawacay Wasiir Dawlaha Dekedaha Puntland oo Boosaaso ka dhacay

Janaayo 31, 2018

WAAJIDPRESS – 31 January 2018:

Wararka naga soo gaaraya magaalada Bosaso ayaa sheegaya in dhaawac loo gaystay Wasiir dawlihii Wasaarada Dekedaha Puntland Axmed Siciid Cabdi.

Wasiirka ayaa lagu dhaawacay Waddada Gaaca ee bosaaso, waxaa dhaawacay Nin la sheegay inuu muran dhexmaray kaa soo ku saabsan jaamka wadada oo la isku qabtay fur wadada sida ay sheegeen ilo xogogaal ah oo warkaasi aan ka soo xiganay.

Wararka waxay intaas ku darayaan in la garanayo Ninka dhaawacay Wasiir Dawlaha oo la qabtay, Lama oga qofka dhaawaca u gaystay Wasiir Dawlaha inuu Askari ahaa iyo in kale.

Falalka muranka Wadooyinka la xiriira ayaa maalmahan jiray, dhawaan Magaalada Garowe muran is fahan waa ah oo ku saabsan ciriiriga jidka ama jaamka wadada ayaa Garowe waxaa ugu dhaawacmay ku dhawaad sadex qof ,iyadoona markii danbe Ciidanka Booliska Garowe ay soo qabteen Ninkii falkaasi ku lug lahaa oo ahaa qof shacab ah kaa soo dhaawacay dadka rayidka ah.

DAAWO: KU SIMAHA MADAXWEYNAHA KOONFUR GALBEED OO MAANTA BAYDHABA KULA KULMEY 40 HAY ADOOD OO SAMAFAL AH AMA NGO

Janaayo 31, 2018

WAAJIDPRESS – 30 January 2018:

 

War deg deg ah: Xildhibaan lagu xiray Magaalada Kismaayo iyo xiisad culus oo ka dhalatay

Janaayo 30, 2018

WAAJIDPRESS – 30 January 2018:

Xaalada Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa kacsan iyadoo isku socodka dadka iyo Gaadiidka qeybo ka mid ah magaaladaas khal khal xoogan laga dareemay gelinkii dambe ee maanta illaa caawa.

Arrintan ayaa timid kadib markii Ciidamada Jubbaland ay Xabsiga dhigeen Xildhibaan Axmed Taajir oo ka mid ah Xildhibaanada Jubbaland kaasoo shalay Gudiga Anshaxa Baarlamaanka Jubbaland ay xasaanada ka xayuubiyeen.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in Xaafado ka mid ah Kismaayo ay gaaf wareegayaan ciidamo ku heyb ah yihiin Xildhibaan Axmed Taajir, iyagoo qoryo culus saartay dabaqyo halkaas ku yaalla.

Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad sugida Jubbaland ayaa wadooyinka Waaweyn ee Kismaayo la dhigay si ay amaanka u xaqiijiyaan, waxaana halkaas ka taagan xiisad beeleed.

Ciidamada Juballand ayey sidoo kale wararku sheegayaan iney baadi goob ku hayaan Xildhibaano dhawaan mooshin ka gudbiyay Axmed Madoobe si ay u xiraan

Dadwewynaha qaarkood ayaa sheegaya iney dareemayaan walaac badan iyadoo xaafadaha Kismaayo laga maqlayo mararka qaarkood rasaas ay ridayaan Ciidamada Jubbaland.

DAAWO LABO VIDEO: XISBIGA MUCAARADKA KENYA OO SHEEGEY IN AYSAN AQQONSANEYN AHURU ISLA MARKAANA AY MAANTA KU DHAWAAQEEN IN HOGAAMIYAHOODA UU YAHAY MADAXWEYNAHA DALKA KENYA

Janaayo 30, 2018

WAAJIDPRESS – 30 January 2018:

Hogaamiyaha mucaaradka dalka Kenya Rail Odinga ayaa goor dhow magaalada Nairobi loogu dhaariyay inuu yahay Madaxweynaha Shacabka Kenya.

“Anigoo ah Raila Amolo Odinga waxaan dhowaaq dheer ku sheegayaa in aan ahay qofka mas’uulka ka ah xafiisa Madaxweynaha Shacabka Jamhuuriyada Kenya.”ayuu yiri Odinga.

Munaasabada dhaarinta oo socotay muddo ka yar toban daqiiqo ayaa waxaa ka maqnaa inta badan madaxda xisbigga mucaaradka sida Kalonzo Musyoka, Musalia Mudavadi iyo Moses Wetang’ula.

Odinga ayaa saddex bilood kahor sheegay in la xaday doorashada dalka Kenya waxaana jirta cabsi ku aadan dhanka ammaanka iyadoo ciidamada Booliskana ay meel sare kala socdaan waxa ka dhacaya magaalada Nairobi – DAAWO 2 video:

 

 

Khudbadiisa Maanta:

DAAWO: WAREYSI GAAR AH UU WASIIRKA HOWLAHA GUUD IYO DIB U DHISKA UU SIIYEY TELIFISHINKA QARANKA

Janaayo 30, 2018

WAAJIDPRESS – 30 January 2018:

 

Midowga Afrika Oo Ku Baaqay In La Kordhiyo Mushaarka Ciidamada AMISOM

Janaayo 30, 2018

WAAJIDPRESS – 30 January 2018:

Ururka Midowga Afrika ayaa ku baaqay in la kordhiyo mushaaraadka Ciidamada howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, islamarkaana la dardar geliyo dagaalka dhanka ah Al Shabaab.

Guddoomiyaha gudiga nabadgelyada iyo ammaanka ee Midowga Afrika Smail Chergui oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa xusay in haddii la qaado tallaabadaasi lagu taageerayo howlgalka AMISOM uu wax badan iska badali doono ammaanka Soomaaliya.

Midowga Afrika ayaa sheegay in Ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM, sidoo kale ay u baahanyihiin saanad milateri, taas oo kor u qaadi karto niyadooda.

Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ka howlgala Soomaaliya oo tiro ahaan gaaraya 22,000 oo Askari ayaa waxaa Askari kasta uu mushaar ahaan u qaataa bishii $822 dollar, taas oo uu bixiyo Ururka Midowga Yurub.

Howlgalka AMISOM ayaa Dowladda Federaalka ah ka taageero ammaanka dalka iyo in ay tababaro siiyaan Ciidamada ammaanka Soomaaliya, si loo suuro geliyo in ay la wareegaan masuuliyadda amniga dalka.

Ururka Midowga Yurub oo bixiya mushaaradka Ciidamada AMISOM ayaa hore 20% u dhimay mushaarka ay qaataan Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ka howlgala Soomaaliya.

 

DAAWO: XILDHIBAANADA DOWLAD GOBOLEEDKA HIRSHABELLE AYAA U FARIISTEY MIISAANIYADOODA

Janaayo 30, 2018

WAAJIDPRESS – 30 January 2018:

 

Qarax Miino Ciidamada Puntland lagula Eegtay Duleedka Magaalada Boosaaso

Janaayo 30, 2018

WAAJIDPRESS – 30 January 2018:

Qarax xoogan ayaa waxa saaka laga maqlay Degmada Boosaaso duleedkeeda waxaana uu ahaa mid lala eegtay ciidan katirsan Maamul Gobolleedka Puntland.

Qaraxa waxa la sheegay in uu haleelay gaari nuuca Cabdibile ah oo Askarta Puntland la socdeen xilli uu marayey Wadada isku xirta Boosaaso iyo Gal gala.

Waxaa aad u adag in la helo khasaaraha ka dhashay Qaraxaasi ee ciidanka la weeraray soo gaaray.

Waxaa lasoo sheegayaa in Dhimasho iyo dhaawac qaraxa ugeystay Ciidanka marayey deegaanka galgala ee duleedka Boosaaso.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Qarax ciidanka Puntland lala eegto.

Dagaalamayasha Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda Miinada goobta la galiyay, kuwaas oo ku dhuumalaysta Buuralayda Galgala ee gobolka Bari.

Puntland ayaa todobaadyadii tagay dagaal culus ku qaaday Kooxaha Shabaab iyo Daacish, waxaana jira dad badan oo lagu tuhunsan yahay Kooxahaas oo Ciidanku ay gacanta ku dhigeen.