War deg deg ah: Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Madaxa-banaan oo lagu xirey Dhuusamareeb

WAAJIDPRESS – 12 January 2018:

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Madaxabanaan Marwo Xaliimo Ismaaciil Xaliimo Yarey ayaa gelinkii dambe ee maanta lagu xirey magaalada Dhuusamareeb kadib markii safar dhulka ah ku tegey magaaladaas.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Xaliimo Yarey guddoomiyaha guddiga doorashada madaxa banaan ay ciidamo daacad u ah maamulka Ahlu Sunna ee ka taliya magaalada Dhuusamareeb iyo ilaaladeeda ay isku khilaafeen baaritaan la doonayay in lagu sameeyo Guddoomiyaha Doorashada Madaxabanaan.

Hase yeeshee warar kale ayaa sheegaya in aan la xirin Marwo Xaliimo Yarey balse ay ciidamada maamulka ay xabsiga dhigeen qaar kamid ah ilaaladeeda.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dowlad goboleedka Galmudug oo ku saabsan xarigan la sheegay in loo geystey Guddoomiyaha Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Madaxabanaan Marwo Xaliimo Ismaaciil.

Marwo Xaliimo Yarey ayaa shalay gaartay magaalada Guriceel halkaa oo ay kulamo kula yeelatay maamulka degmadaas iyo qeybaha kala gedisan ee bulshada ku nool degmadaas,waxayna gelinkii dambe ee maanta safar dhulka ah ku tagtay magaalada Dhuusamareeb.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: