SHIRKADA HORMUUD WAA BLACK WATER-TA KOONFUR GALBEED

WAAJIDPRESS – 13 January 2018:

Xog aruuris aynu ka sameyney deeganada koonfurgalbeed ayaa waxey muujineysaa in shirkada isgaarisiinta lagu magacaabo hormuud oo ah shirkadaha ugu xooga badan deegaanada koonfureed ee soomaaliya in shirkadu dhiigmiirisho kusameyneyso deegaano gaar ah, halka deegaanada kalana ay ka qeyb qaadaneyso horumarada deeganadaas.

Hase ahaatee shirkada hormuud waxey kasoo xareysaa dakhliga ugu badan deegaanada koonfur galbeed tusaale magaalada 1aad ee dakhliga ugu badan kasoo xareyso hormuud waa caasimada mogadisho halka magaalada 2aadna ay tahay Baydhabo magaalada 3aadna ay tahay degmada Afgooye.

Ayadoo la xaqiijiyey in 83.5% faaiidada shirkada hormuud ay kasoo gasho deegaanada koonfur galbeed ayaa hadana deegaanada koonfur galbeed ka muuqan waxqabadka guud ee shirkada.

Xogta ayaa intaa ku dareysa Shacabka Deegaanada KOONFUR Galbeed ayaa inoo sheegey in dhibaatooyin faro badan ay Shirkada HORMUUD ku heyso shacabka deegaanadaasi, waxaana ka mid ah:

1 –  In aysan kaqeyb qaadan shirkada horumarka deegaanada KGS:

Waxaa jiro shirkadaha waaweyn sharuuc ay ku dhaqmaan taas oo ah ( magdhow) ay ugu magdhobayaan dhibaatada shirkadas gaarsiisa wax loo yaqaano ( negative externality ) dadka deegaan ah sida matoorada waaweyn ee shirkada ku dhax shido xaafada ay xaruumaheeda ku yaalaan iyo anteenooyinka dhaadheer oo hawada kusii daaya gaas sun ah.

Majirto cid kula xisaabtanta dhibaatooyinka ay geysato maadaama maamul sax ah aanu kajirn koonfur galbeed halka wasaarada boostada iyo isgaarsiintana shirkadu aanu la macaamilinba

Waxaa kaloo lagu eedeynayaa shirkada in ay shaqooyin farabadan oo dadka taagta daran kushaqeysan jireen ay hada suuqa kasaartey shaqooyin kaas oo kamid ahaa Suuqa malabka, oo shirkada hormuud darteed u xirmey iyo suuqyo kale oo aad u faraban sidoo kale darteed u xirmeen kagadaal markii ay bilowdey shirkada in ay lawareegto badeecooyinkaas oo jumlo ah isla markaana suuq gaar ah ay usameysatey ilaa hada lama sheegin school ama wado ay kudhistey deegaanadaasi.

Waxaana xusid mudan in maamul gobleydka puntland shirkada hormuud looyaqaano Golis ayadoo saamiyada Golisna 60% dadka deegaanka ay kuleeyhiin taas oo micneheedu yahay in faa’iidada shirkada goolis 60% ay qaadanayaan dadka deegaankaasi 40% shirkadu ledahay, halka koonfur galbeed shirkada kiliya 100% faaiidada qaadato waxna deegaanaka uqaban.

2 –  Tayo xumo xaga qadka teleefoonka:

Dadka ku dhaqan magaalooyinka, baraawe, baydhabo, WAAJID, Qansaxdheere, Afgooye, Daafeet, Qoryooley, Marka, Shalambood, Xudur, Luuq, Doolow iyo dhamaan deegaanada Koonfur Galbeed ayaa waxey si isla mid ah ugu wada cabanayaan in lacagtooda ka go’odo ayagoon lahadlin qofkii ay rabeen taas oo ay kusifeeyeen in aan la ismaqal lacagtana ku socoto taas oo ugu wacan in shirkada isgaarsiinta hormuud ay deegaanadaas geynin qalab tayo leh, mid kamid ah dadka deegaanka oo kusugun baydhabo ayaa sheegey in ismaqal la’aanta ay sabab utahay qalabka u yaala shirkada hormuud oo looga talagaley halkii mar in ay ku hadli karaan kiliya 10,000 oo qof halka magaalada baydhabo keliyana ay kunoolihiin dad kor u dhaafaya 100,000 qof sidaas darteed shirkada hormuud faa’iido keliya kasoo doonato oo aan wax dan ah kagalin ayadoo aanu jirin cid kadasha arintaan waxaana xusid mudan In shirkada hormuud local calls ( wicitaanka guduha) shirkada lacag ugu fadhinin keliya markii dibada lala hadlaayo shirkadu lacag kaga baxado, waxaana nasiib daro ah shirkada intaas oo faa’iida dadka ka qaadata.

Dhibaatooyinka shirkada hormuud ay ku heyso Deegaanada Koonfur Galbeed ayaa la soo koobi karin , waxaa ka loo ka mid ah :

In lacagaha ugu badan ay ka qaado Shacabka Deegaanada Koonfur Galbeed ay ku taalkuleyso dadka nabad diidka ah ee kusugan deegaanada koonfur galbeed,  waxaana shirkadu qeyb katahy caqabadaha kajira deegaanada koonfur galbeed.

Waxaana adkaaneysa in Koonfur Galbeed dib u xureen lagu sameyo bacdamaa ay shirkadu sidaan faaiido ugu jirto.

Majiro maamul xoogan oo ila gaar ah ku haayo laakiin shacabka ayaa hada shirkadan u arka mid Black Water aan waxba dhaamin keliyana dhiig miirasho u joogto Shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sikastaba ha ahaatee shirkada hormuud ayaa hadii aysan waxba kabedelin qaabka ugu shaqeyso lakulmi doontaa maacaamil la’aan reer koonfur galbeed waxeyna shirkada ku taagan tahay dakhliga kasoo xarooda Deegaanada koonfur galbeed Ee Soomaaliya.

qore: mohamed qasim wadaninews24.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: