Raisul Wasaare Kheyre oo Maanta u duulay Magalada Davos ee Dalka Switzerland

WAAJIDPRESS – 22 January 2018:

Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta u amba baxay Dalka Switzerland,halkaas oo uu ka furmayo shirka Dhaqaalaha Adduunka.

Soomaaliya waxaa ay ka mid tahay dalalka yar ee ka tirsan Qaaradda Afrika ee lagu marti qaaday ka qeyngalka shirkaas,waxaana ku matalaya Ra’isalwasaare Kheyre iyo wafddi uu hoggaaminayo.

Shirkan waxaa uu ka dhacayaa Magalada Davos waxaana isugu imanaya in ka badan 120 Dal oo heysta ka qeybgalka casuumadda shirkan.

Shirkan waxaa diiradda lagu saarayaa kobcinta dhaqaalaha Caalamka,iyada oo lagu gorfeeyo si loo kordhin karo dhaqaalaha Caalamka,loona yareyn karo dhaqaale xumada.

Dowladda Soomaaliya waxaa ay sheegtay in ay isbeddel ku sameysay hanaanka Canshuuraha iyo maaliyadda islamarkaana hadda tahay dal dalbanaya in laga cafiyo deymaha lagu leeyahay.

Faallo u dhaaf