Archive for Febraayo, 2018

War hadda soo dhacay: Nin Darawal ka ahaa Mootooyinka Bajaaj oo caawa Muqdisho lagu dilay & faahfaahino ka soo baxaya

Febraayo 28, 2018

WAAJIDPRESS – 28 February 2018:

Nin la sheegay inuu ka mid ahaa darawaliinta ku xamaasha Mootooyinka bajaajka ayaa caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho caasimada Somalia.

Dilkan oo ka dhacay wadada Taleex ee degmada Hodan ayaa yimid ka dib markii askariga oo ka mid ahaa ciidamada amaanka iyo darawalkan uu soo dhex galay muran aan la ogeyn waxaa uu salka ku hayey taasoo keentay in darawalka lagu furo rasaas.

Askariga dilka geystay ayaa baxsaday, waxaana isla goobtii ku naf baxay ninka darawalka ahaa oo la toogtay, iyadoo la arkayey mootadii uu watay oo dhiig badan uu dhex yaallo.

Waa darawalkii labaad ee ka mid ah kuwa bajaajta oo muddo 48 saacadood gudahood ah ciidamada dowladu ku dilaan Magaalada Muqdisho, waxaana ka sii horeeyey kuwo iyaga la mid ah oo horey siyaabo kala duwan magaalada loogu dilay.

Ciidamada amaanka ayaa baadi goobaya askariga caawa dilka ka geystay degmada Hodan, waxaana lala yaaban yahay sababaha soo celceliya dilalka ciidamada dowladu u geystaan darawalada Mooto bajaajka.

Advertisements

DAAWO: DOWLAD GOBOLEEDKA KOONFUR GALBEED OO MAANTA BAYDHABA SHACABKA UGA FURTEY TABABAR LAGU BARANAYO MAAMUL WANAAGA

Febraayo 28, 2018

WAAJIDPRESS – 28 FEB 2018:

 

 

War hadda soo dhacay: Dowlada Maraykanka oo Liiska Argagixisada ku daray Garabka Daacish ee Buuraha Galgala ee deegaanada Puntland

Febraayo 28, 2018

WAAJIDPRESS – 28 FEB 2018:

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka  ayaa Ururo ay ka mid yihiin Daacishta Somalia ku daray Liiska Argagixisada.

Warbixin ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowlada Maraykanka  ayaa lagu daray Liiska loogu yeero Argagixisada illaa 7 Urur oo gacansaar laleh Ururka Daacish.

Ururada lagu daray Liiska Argagixisada Maraykanka ayaa ka mid ah Garabka Daacish, ee Galbeedka Africa ,Garabka Daacish ee Philippine,Garabka Daacish ee Bangladesh, Garabka Daacish ee Somalia ee ka dagaalama Buuraha Galgala ee deegaanada Puntland, Ururka Jundul Khilaafa ee ka dhisandalka Tunisia ,Garabka Daacish ee Masar ,iyo Ururka Muuti.

Waxaa kaloo Liiskaan iyagana lagu daray Labo Hoggaamiye oo lagu kala Magacaabo Mahad Mucallim (oo ka soo jeeda Soomaaliya) iyo Abuu Muscab Albarnaawi.

 

War deg deg ah DAAWO: WASIIRKA MAALIYADA OO SHEEGEY IN CANSHUURTA LA KORDHIYEY AY QASAB TAHAY IN LA BIXIYO IYO DEYMAHA DOWLADA OO LAGA CAFINAAYO

Febraayo 28, 2018

WAAJIDPRESS – 28 February 2018:

Wasiirka Wasaarada Maaliyadda ee Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle shir jaraa’id  qabtay ayaa ka hadlay canshuuraha iyo waxyaabihii u qabsoomay wasaaradiisa bishaan Febraayo.

Wasiirka Beyle: “Qof waliba waa inuu Canshuur bixiyaa, haddii kale waa in Wadanka la xiro oo la isaga tago..”—DAAWO:

 

Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo ansixiyay miisaaniyaddii u horeysay ee sanadka 2018

Febraayo 28, 2018

WAAJIDPRESS – 28 February 2018:

Golaha Wasiirada Maamulka Hirshabeelle ayaa ansixiyay miisaaniyadda sanadka 2018 uu ku shaqeynayo, kaddib shir gaar ah oo ay ku yeesheen magaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa waxaa shir guddoominayay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo uu wehliyay Madaxweyne kuxigeenka Cali Guudlaawe, waxaana Wasaaradda Maaliyadda Hirshabelle ay Golaha Wasiirada u soo gudbisay Miisaaniyada ay ku shaqeyn doonto sanadkan.

Miisaaniyaddan ayaa ka kooban dakhliga gudaha ka soo xerooda iyo deeqaha laga helo Dowladda Dhexe iyo hey’adaha caalamiga ah, miisaaniyada ayaa gaareysa wadarta guud $8,556,34.

Miisaaniyadani ayaa inteeda badan ku bixi doonta dhinacyada ammaanka, adeegyada bulshada, mashaariic horumarineed iyo bixinta musharaadka shaqaalaha iyo ciidanka.

“Miisaaniyadda Dowladda Hirshabelle waxay ka kooban tahay dakhli iyo kharash si cad u daahfuran oo isla-xisaabtan ku salaysnaan doona, waxaana Wasaaradda Maaliyadda ay Sameysay bilow saldhig u ah horumar dhinaca maaraynta dhaqaalaha, Hirshabelle waxay ambaqaadeysaa inay sii horumariso hay’adaheeda kale duwan, gaar ahaan kuwa maaliyada oo muhiimad weyn inoo leh. Sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare.

Ugu damayntii Tallaabadan Golaha Wasiirada Hirshabeelle ku meelmariyeen Miisaaniyada 2018 ayaa ka dhigan in markii u horeysay in Hirshabelle Miisaaniyad ay yeelatay, waxaana bilow u tahay hanaanka maamulkaas uu ku shaqeynayo, iyadoo maamulkan uu yahay mid curdan ah oo aanay u dhisneyn hey’adihii aas aasiga ahaa.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Hirshabelle Dr. Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay xaaladaha abaareed ee ka jira deegaanada maamulkaasi.
Waxaana uu sheegay in dhibaatooyin xoogan oo ay sababtay abaarta weli ay ka taagan tahay gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Madaxweyne Waare ayaa xusay in dhibaatooyinkaasi ay ugu wacan tahay Wabiga Shabelle oo guray iyo khilaaf u dhaxeeya labada gobol oo ka taagan Wabigaasi.

Ciidamada Dowlada oo saakay dagaal kula wareegay Deegaanka Moqokori ee Gobolka Hiiraan

Febraayo 28, 2018

WAAJIDPRESS – 28 February 2018:

Ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya ayaa saakay dagaal kula wareegay deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan, waxaana deegaankaan mudooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa kooxda Al Shabaab.

Sida aan Wararka ku helnay ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya ay wehliyaan Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa xalay saqdii Dhaxe weerar ku qaaday Deegaanka Maqokori, waxa ayna ciidamada ugu dambeyn saakay la wareegeen deegaankaasi.

Dagaalyahandii Al Shabaab ee ku sugnaa deegaanka Maqokori ayaa dagaal kadib banaanka uga baxay, waxaana xarumaha muhiimka ah ee deegaankaasi saakay lagu arkayaa ciidamada Milatariga Soomaaliya.

Deegaanka Maqokori ayaa waxaa kal hore sidan oo kale ula wareegay ciidamada Dowlada iyo kuwa Itoobiya, hasa ahaatee ciidamadan ayaa si lama filaan ah Moqokori uga baxay waxa ayna tilaabadaasi dhibaato kasoo gaartay qaar kamid ah shacabka deegaankaasi.

DAAWO: BARNAAMIJ DHEER OO LAGU WAREYSTEY AFHAYEENKA WASAARADA AMNIGA EE DOWLADA DHEXE

Febraayo 28, 2018

WAAJIDPRESS – 27 February 2018:

 

DAAWO: CULIMADA SOOMAALIYA OO MAANTA FATWO KA SOO SAAREY KOOXDA MUCAARADKA KU AH DOWLADA

Febraayo 27, 2018

WAAJIDPRESS – 27 February 2018:

 

DAAWO: MAGAALADA MUQDISHO AYAA MAANTA SHIR JARAAID KU QABTEY ODAYAAL KA SOO JEEDA GOBOLKA BAKOOL OO KA CABANAYA TUULADA YEED EE UU MAAMULKA KOONFUR GALBEED U AQOONSADEY DEGMO

Febraayo 27, 2018

WAAJIDPRESS – 27 February 2018:

 

DAAWO: WASAARADA ARIMAHA GUDAHA EE DOWLAD GOBOLEEDKA KOONFUR GALBEED OO MAANTA BAYDHABA UGA FURTEY SEMINAAR KU SAABSAN ISKU XIRNAASHAHA DOWLADA IYO GANACSATADA KOONFUR GALBEED

Febraayo 27, 2018

WAAJIDPRESS – 27 February 2018: