Archive for Maarso, 2018

DAAWO: CAAQIL AY MAANTA SOMALILAND KU DOORTEEN JAALIYADA DIGIL IYO MIRIFLE EE KU DHAQAN SOMALILAND

Maarso 31, 2018

WAAJIDPRESS – 31 March 2018:

 

Advertisements

DAAWO: TV KOONFUR GALBEED OO XARUN KA FURTEY DEGMADA CADAADO CAAWANA GANACSATADA DIGIL IYO MIRIFLE IYO BULSHADA KALE WAREYSI KULA YEESHEY DEGMADAASI

Maarso 31, 2018

WAAJIDPRESS – 31 March 2018:

 

War deg deg ah: Caawa oo Muqdisho lagu diley Gudoomiye waaxeedkii degmada Xamarweyne

Maarso 31, 2018

WAAJIDPRESS – 31 March 2018:

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa goordhaw oo caawa ah Degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir waxa ay ku toogteen Gudoomiye Waaxeed katirsanaa Degmadaasi.

Sida aan Wararka ku helnay dhalinyaro hubeesan ayaa rasaas ku furay Gudoomiyaha Waaxda Kacaan ee Degmada Xamar Weyne Maxamuid Macalin Xasan (Fagaase) iyo nin kale oo la joogay.

Dilka ayaa la sheegay in uu ka dhacay afaafka hore ee xarunta Waaxda Kacaan, waxaana goobtaasi lagu dhaawacay nin kale oo la joogay Gudoomiyaha oo isna la sheegay in maamulka waaxda katirsanaa.

Ragii dilka iyo dhaawaca geestay ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday, ciidamo katirsan Nabad sugida iyo booliiska ayaa caawa la dhoobay Degmada Xamar Weyne kuwaa oo baaritaano ka wada qeybo kamid ah Degmadaasi.

Degmada Xamar Weyne ayaa kamid ah Degmooyinka ay inta badan ka dhacaan dilalka qorsheesan ee loo geesto dadka shacabka ah iyo sidoo kale dadka u shaqeeya Hay’adaha dowlada.

DAAWO: MADAXWEYNAHA SOMALILAND OO KA HADLEY DACWADII AY DOWLADA FARMAAJO KA GUDBISEY DOWLADA IMAARAADKA IYO DP WORLD

Maarso 31, 2018

WAAJIDPRESS – 31 March 2018:

 

War deg deg ah DAAWO : Madaxweyne Farmaajo oo ka codsadey Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa in la hakiyo kalfadhiga Maanta isla markaana laga aqbaley

Maarso 31, 2018

WAAJIDPRESS – 31 March 2018:

Madaxweynaha Somaliya Maxamed CabduLLAAHI (Farmaajo) ayaa codsadey isla markaana laga aqbalay in la hakiyay kulankii maanta lagu waday inuu ka qabsoomo Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Villa Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa xaqiijiyay in la hakiyay kulankii Baarlamaanka ee maanta loo balansanaa, ka dib codsi uu Madaxweynaha u direy Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo ku xigeenadiisa.

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid lagu baajinayo qalalaase iyo fowdo ka dhex bilowda Baarlamaanka, haddii uu kulanka furmo, waxaana tan iyo xalay soo baxayay hadalo dhiilo ah oo labada dhinac ay hawada isku marinayeen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa codsadey in uu si gaar gaar ah ula kulmo labada dhinac.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya mudane Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo goor dhow la hadlay Warbaahinta ayaa faahfaahin ka bixiyay sababtii keentay in maanta la hakiyo kulankii Baarlamaanka.

Waxaa uu sheegay in Guddoomiye Jawaari in isaga iyo labadiisa ku xigeen ay la kulmeen Madaxweynaha Soomaaliya, islamarkaana ay ku heshiiyeen in kulanka la baajiyo.

Guddomiye Jawaari ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu ka codsaday in la baajiyo kulanka, maadaama ay jirto kala aragti duwanaan ka dhex jirta Xildhibaanada.

Madaxweyne Farmaajo oo aan wali ka hadlin xiisada ka dhex bilaabatay Golaha Shacabka ayaa haatan u muuqda mid ku soo baxay oo soo farageliyay xaalada cirka isku shareertay  ka dib baaqyo kala duwan oo ka soo baxay siyaasiyiinta iyo Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya oo ku taliyay in xaalada la dejiyo, loona tanaasulo danta dalka – DAAWO:

 

War deg deg ah DAAWO: Xaalada halista ku ah xildhibaanada maalinimada Beri waxaa soo qorsheeyay Kheyre iyo Farmaajo waxaa sidaa yiri Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Mahad Cawad

Maarso 30, 2018

WAAJIDPRESS – 30 March 2018:

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad oo goor dhow qabtay shir jaraa’id oo uu kaga hadlayay xaalada amniga ee xarunta Golaha Shacabka ayaa sheegay in ciidamo uu og yahay Madaxweynaha ay la wareegeen Xarunta.

Mahad Cawad ayaa Madaxweynaha ugu eedeeyay inuu gabay ilaalinta xilkii ka saarnaa mabaa’diida aas aasiga ee dastuurka iyo shuruucda dalka ee kala madax banaanida Hey’addaha sharci dejinta, Fulinta iyo Garsoorka.

Waxaa uu sheegay in Xildhibaanada ay xaq u leeyihiin inay is difaacaan, maadaama ay xarunta golaha shacabka la wareegeen ciidamo aan ka amar qaadan Guddoomiyaha Golaha Shacabka – DAAWO ka dib Akhriso war saxaafadeedka:

 

 

DAAWO: BANAANBAX KA DHACAY DEGMADA XERAALE OO LOOGA SOO HORJEEDO SHIRKII KA DHACAY MAGAALADA DHUUSAMAREEB

Maarso 30, 2018

WAAJIDPRESS – 30 March 2018:

 

CabdiWelli Muudey oo soo saaray amar amni oo la xiriira kulanka berri

Maarso 30, 2018

WAAJIDPRESS – 30 March 2018:

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka CabdiWelli Ibraahim Muudey ayaa soo saaray warqad qoraal ah oo uu kaga hadlay xaalada ammaan ee kulanka berri ay yeelanayaan xubnaha Golaha Shacabka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo u kala qeybsan laba ayaa yeelanaya Sabtida kulan, iyada oo Jawaari iyo Muudey ay ku dhawaaqeen Ajendayaal kala duwan, oo kulanka looga hadlayo.

Warqada oo la ogeysiiyay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa loo kala diray Taliyeyaasha Booliska, Nabad Sugidda, Taliyaha Ilaalada Xarunta Baarlamaanka ee Ciidanka Midowga Afrika AMISOM.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in wax ciidan iyo hub aan lala soo geli karin agagaarka xarunta Baarlamaanka, gaar ahaan ilaalada Guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaanadaba.

Warqada oo laba bog ka koobneyd waxaa kaloo lagu sheegay in ciidanka Booliska ay mas’uul ka yihiin ammaanka xarunta iyo agabka yaalla, waxaana berri laga cabsi qabaa in gacan ka hadal uu ka dhaco xarunta Baarlamaanka, marka loo eego sida hada ay wax u socdaan.

Ciidanka Dowladda Federalka ayaa goor sii horeysay oo maanta ah waxa ay xireen qaar ka mid ah wadooyinka Magaalada Muqdisho, iyada oo shacabka maalinta berri ah ay ka war sugayaan waxa ay la yimaadaan Baarlamaanka.

DAAWO: DOOD KULUL OO U DHAXEYSA KUWA RAACSAN BURINTA MOSHINKA IYO KUWA KA SOO HORJEEDA

Maarso 30, 2018

WAAJIDPRESS – 29 March 2018:

 

War deg deg ah Akhriso ka dib DAAWO: Guddoomiye Jawaari oo ku dhawaaqay Ajendaha kulanka Golaha Shacabka ee Maalinta Sabtida

Maarso 29, 2018

WAAJIDPRESS – 29 March 2018:

Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa galabta shir guddoomiyay kulanka Guddiyada Joogta Golaha, kulanka waxaa looga hadlay ajandayaal dhowr ah oo ay ka mid yihiin sidii dib loogu bilaabi lahaa howlaha caadiga ahaa ee fadhiyada Baarlamaanka iyo shaqooyinka kale ee horyaalla Golaha Shacabka.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad, xubnaha Guddiyada joogtada ah, Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) iyo Hab dhowrayaasha ayaa ku sugnaa kulanka, sida lagu arkay sawirro xubnahan laga soo qaaday.

C/wali Ibraahim Muudey Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka oo la rumeysan yahay inuu hor boodayo xildhibaanada la sheegay in ay gadaal ka riixeyso xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayra ayaa ka maqnaa kulanka.

Xubnahan galabta shirka ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay isku raaceen inuu jiro Sabtida kulanka Baarlamaanka, ajandihiisana laga dhigo doono xiisada ka taagan Magaalada Beled Xaawo ee ka dhalatay xuduuda dalalka Somaliya iyo Kenya.

“Maanta waxaa dhacay kulankii 29-aad ee Guddiga joogtada, waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxaana looga hadlay ajandaha Goluhu uu ku shaqeyn doono, maadaama labadii todobaad ee u dambeysay uu galay howlo kale, kulanka Sabtida waxa looga hadlayaa xiisada ka taagan Magaalada Beled Xaawo.” Ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Cabdi (Buux).

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka C/wali Ibraahim Muudey ayaa horey u sheegay Sabtida soo aadan ee Taariikhda ay ku began tahay 31-ka bishan March in xildhibaanada ay ka doodi doonaan Mooshinka Guddoomiye (Jawaari).

Shacabka Somaliyed ayaa aad u hadal haya khilaafkan, waxaana ay ka dhowr sugayaan maalinta Sabtida ah, oo xildhibaanada iska horjeeda ay kala sheegeen hadalo isburinaya, welina aanan xal laga gaarin xiisadan – DAAWO: