Archive for Abriil, 2018

Akhriso ka dib DAAWO: Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka oo noqday Xildhibaan Maxamed Mursal

Abriil 30, 2018

WAAJIDPRESS – 30 April 2018:

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya u doortay Maxamed Mursal Sheekh CabdiRAXMAAN ka dib doorasho ka dhacday Muqdisho.

Xildhibaan Dr. Maxamed Sheekh Mursal CabdiRAXMAAN oo ka soo jeeda Beelweynta DIGIL IYO MIRIFLE  ayaa noqday Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya, kadib markii uu ka guuleystay Musharaxii la tartamaayay ee Ibraahin Isaaq Yarow.

Xildhibaan Dr.  Maxamed Mursal ayaa helay codad gaaraya 147 cod halka Musharax Ibraahin Isaaq Yarow uu helay codad gaaraya 118 cod.

Maxamed Mursal Sheekh CabdiRAXMAAN  waxa uu ku dhashay magaaladda Baydhabo sannadkii 1957-kii, wuxuuna Waxbarashadiisa ilaa Dugsiga Sare ku soo kala qaatay magaallooyinka Baydhabo iyo Muqdisho.

XILDHIBAAN Dr. Maxamed  Mursal Sheekh CabdiRAXMAAN waxa uu Waxbarashadiisa Jaamacadeed ku soo qaatay dalka Yemen, wuxuuna ka soo qalin jebiyey Jamaacadda Sayniska iyo Teknoolajiyadda (University of Science and Technology) oo ku taalla Caasimadda dalkaasi ee Sanca.

Waxa kale oo uu Shahaaho ama Diploma ka haystaa Teknoolajiyada Warfaafinta (Diploma of Information Technology) iyo Shahaadada  Xiriirka Dadweynaha (Diploma of Public Relation).

Xildhibaan Dr. Maxamed Mursal ayaa waxa uu soo noqday Ku-xigeenka Guddoomiyaha Baydhabo, Dowladii SouthWest ee uu Madaxweyne ka ahaa ALLAHA U NAXARIISTO Lawyer Xassan Sheekh Ibraahim (Avv. Xassey) sanadkii 1993 ilaa 1995.

wuxuu kale caan ku ahaa Hawlaha Bulshadda, isagoo gacan ka geysta Biyo-gelinta magaalladda Baydhabo iyo sidii Teknoolajiyadda Casriga loo gaarsiin lahaa Baydhaabo.

Maxamed Mursal Sheekh CabdiRAXMAAN  waxa uu dadaal dheer kadib nasiib u yeesho in loo magacaabo Xil Danjirenimo.

Danjire Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan waxa uu Waraaqihiisa Aqoonsiga Danjirenimo u gudbiyey Madaxweynihii hore ee  Turkiga, Cabdalla Guul taariikhdu markay ahayd  bishii July 6-dii ee sannadkii 2012-kii. – DAAWO LABO VIDEO:

Khudbada Gudoomiyaha cusub:

 

Advertisements

DAAWO OO KA FAAIDEYSO: DUCADA AMA DAAWADA HADDII AY HURDO LA’AAN KUGU DHACDO

Abriil 30, 2018

WAAJIDPRESS – 30 April 2018:

 

DAAWO: SHACABKA REER HIIRAAN OO DALBADEY GARGAAR DEG DEG AH

Abriil 29, 2018

WAAJIDPRESS – 29 April 2018:

 

War deg deg ah DAAWO: SHURKADA DP WORLD OO LA WAREEGTEY DEKADA BERBERA AYAA AMARO CUSUB KU SOO ROGTEY MAANTA GAADIIDLEYDA KA SHAQEYSTA DEKADA

Abriil 29, 2018

WAAJIDPRESS – 29 April 2018:

 

DAAWO: JAALIYADA DIGIL IYO MIRIFLE EE GOBOLKA TOGDHEER EE SOMALILAND OO SOO SAAREY DIGNIIN LA XARIIRTA NIN BEEN KA SHEEGEY GUDIGA IYO JAALIYADA

Abriil 29, 2018

WAAJIDPRESS – 29 April 2018:

 

DAAWO: Madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed oo Maanta booqdey Xarunta Muqdisho uu ku leeyahay TV Koonfur galbeed

Abriil 28, 2018

WAAJIDPRESS – 28 April 2018:

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Warfaafinta Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed oo ay ka mid yihiin Wasiir ku xigeenka iyo Agaasima TV Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed ayaa Maanta Booqasho rasmi ah ku tagey Xarunta Weyn ee uu TV Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee ku leeyahay Magaalada Muqdisho, isla markaana madaxda waxa ay ku kordhiyeen shaqaalo cusub oo ka howlgala TV-ga si umada ay uga faa’ideysato – DAAWO:

 

 

DAAWO: ARDEY BADAN OO MAANTA KA QALINJEBISEY JAAMACADA BAY UNIVERSITY EE KU TAALA MAGAALADA BAYDHABA

Abriil 28, 2018

WAAJIDPRESS – 28 April 2018:

 

DAAWO: NAAFADA KU NOOL MUQDISHO OO SHEEGEY IN AY U RABAAN GUDOOMIYAHA BAARLAMAANKA

Abriil 28, 2018

WAAJIDPRESS – 28 April 2018:

 

War deg deg ah: Qarax gaari oo ka dhacay Degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho

Abriil 28, 2018

WAAJIDPRESS  – 28 April 2018:

Waxaa saakay xaafada Unicef ee degmada Waabari ka dhacay qarax gaari loogu soo xiray nin u shaqeeya dowlada, waxaana qaraxaasi ka dhashay dhaawac soo gaaray sargaal katirsan ciidanka Nabad sugida.

Sarkaalka dhaawacmay ayaa waxaa lagu magacaabaa C/qaadir Maxamed Cali, waxaana dhaawaciisa loo qaaday goobaha caafimaadka ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa gaarigan ku xirnaa ayaa la sheegay inuu yahay nooca Somalida ay u taqaan dhajiska ee gaadiidka lagu xiro.

Ciidamada amaanka ayaa qaraxa kadib bilaabay baaritaano ku aadan cida qaraxa gaariga ku xirtay iyo sida loogu xiray, mana la oga in ciidamada amaanka soo qabteen dadkii qaraxan ka dambeeyay.

Muqdisho waxaa mararka qaar ka dhaca qaraxyada gaadiidka loogu soo xiro dadka wata, waxaana inta badan qaraxyadan dhimasho ama dhaawac culus uu kasoo gaaraa shaqsiga wada gaariga qaraxa lagu xiro.

MUSHARAXA GUDOOMIYAHA BAARLAMAANKA Dr. MAXAMED MURSAL

Abriil 27, 2018

WAAJIDPRESS – 27 April 2018: