Akhriso ka dib DAAWO: Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka oo noqday Xildhibaan Maxamed Mursal

WAAJIDPRESS – 30 April 2018:

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya u doortay Maxamed Mursal Sheekh CabdiRAXMAAN ka dib doorasho ka dhacday Muqdisho.

Xildhibaan Dr. Maxamed Sheekh Mursal CabdiRAXMAAN oo ka soo jeeda Beelweynta DIGIL IYO MIRIFLE  ayaa noqday Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya, kadib markii uu ka guuleystay Musharaxii la tartamaayay ee Ibraahin Isaaq Yarow.

Xildhibaan Dr.  Maxamed Mursal ayaa helay codad gaaraya 147 cod halka Musharax Ibraahin Isaaq Yarow uu helay codad gaaraya 118 cod.

Maxamed Mursal Sheekh CabdiRAXMAAN  waxa uu ku dhashay magaaladda Baydhabo sannadkii 1957-kii, wuxuuna Waxbarashadiisa ilaa Dugsiga Sare ku soo kala qaatay magaallooyinka Baydhabo iyo Muqdisho.

XILDHIBAAN Dr. Maxamed  Mursal Sheekh CabdiRAXMAAN waxa uu Waxbarashadiisa Jaamacadeed ku soo qaatay dalka Yemen, wuxuuna ka soo qalin jebiyey Jamaacadda Sayniska iyo Teknoolajiyadda (University of Science and Technology) oo ku taalla Caasimadda dalkaasi ee Sanca.

Waxa kale oo uu Shahaaho ama Diploma ka haystaa Teknoolajiyada Warfaafinta (Diploma of Information Technology) iyo Shahaadada  Xiriirka Dadweynaha (Diploma of Public Relation).

Xildhibaan Dr. Maxamed Mursal ayaa waxa uu soo noqday Ku-xigeenka Guddoomiyaha Baydhabo, Dowladii SouthWest ee uu Madaxweyne ka ahaa ALLAHA U NAXARIISTO Lawyer Xassan Sheekh Ibraahim (Avv. Xassey) sanadkii 1993 ilaa 1995.

wuxuu kale caan ku ahaa Hawlaha Bulshadda, isagoo gacan ka geysta Biyo-gelinta magaalladda Baydhabo iyo sidii Teknoolajiyadda Casriga loo gaarsiin lahaa Baydhaabo.

Maxamed Mursal Sheekh CabdiRAXMAAN  waxa uu dadaal dheer kadib nasiib u yeesho in loo magacaabo Xil Danjirenimo.

Danjire Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan waxa uu Waraaqihiisa Aqoonsiga Danjirenimo u gudbiyey Madaxweynihii hore ee  Turkiga, Cabdalla Guul taariikhdu markay ahayd  bishii July 6-dii ee sannadkii 2012-kii. – DAAWO LABO VIDEO:

Khudbada Gudoomiyaha cusub:

 

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: