Archive for Maajo, 2018

DAAWO: SHEEKH XASSAN GAAB OO AF MAAY MAAY KU FASIRAYA SURATUL NISA AMA SURADA HAWEENKA

Maajo 31, 2018

WAAJIDPRESS – 31 MAY 2018:

 

 

Advertisements

DAAWO: KULANKA KHAMIISLAHA EE DOWLAD GOBOLEEDKA KOONFUR GALBEED AYAA MAANTA LOOGU HADLEY..

Maajo 31, 2018

WAAJIDPRESS – 31 MAY 2018:

 

War deg deg ah: Guddoomiyihii ururka dhalinyarada Warta-nabadda oo caawa lagu dilay Muqdisho

Maajo 31, 2018

WAAJIDPRESS – 31 May 2018:

Rag hubeysan ayaa caawa gaar ahaan xilliga afurka waxa ay agagaarka Masjidka Cabdalla Cawareero, degmada Warta-nabadda ee gobolka Banaadir ku dileen Guddoomiyihii ururka dhalinyarada degmadaasi, kaasi oo lagu magacaabi jiray CabdiWELLI Axmed Maxamed.

Dableyda ayaa CandiWELLI  markii uu salaada ka soo baxay Bastoolad ula soo baxay, kadibna wuu ka cararay, iyaga oo eryanaya ayay rasaas ku rideen, wayna dhaawaceen, intaasi kadib markii uu dhacay ayay kor tageen oo ay dileen, sida ay inoo sheegeen dadka degaanka.

Guddoomiyaha degmada Warta-nabadda Seynab Maxamuud Warsame (Xaabsey) iyo Hay’adaha ammaanka ayaa markii ay baxsadeen dableyda tagay goobta uu dilka ka dhacay, waxayna halkaasi ka soo qaadeen meydka Marxuum CabdWELLI.

Guddoomiyaha Warta-nabadda ayaa sheegtay falkan in ay caawa kulan deg deg ah ka yeelan doonaan, waxayna ciidamada ammaanka ku amartay in ay ka daba tagaan raggii dilay Guddoomiyihii ururka dhalinyarada degmada Warta-nabadda.

Allaha u naxariistee C/wali Axmed Maxamed ayaa ka mid ahaa dhalinyarada ugu firfircoon magaalada Muqdisho,

Waxaa sida xarig goostay oo kale magaalada Muqdisho uga socda dilalka qorsheysan ee loo geysanayo dadka dhaxalgalka u ah buslahada iyo masuuliyiinta dowladda, tan iyo markii la guda galay bisha barakeysan ee Ramadaan, dowladda federaalka weli xal uma aanay helin in ay ka hortagto falalka amniga ka baxsan.

DAAWO: XAFLAD LAGU QABTEY MUQDISHO OO AH XIL LA WAREEGIDA WASIIRKA CUSUB EE GAASHAANDHIGA

Maajo 31, 2018

WAAJIDPRESS – 30 May 2018:

 

Akhriso Maxey kawada hadleyn Madaxweyne Farmaajo iyo Dhigiisa kenya Uhurro Kenyaatta

Maajo 30, 2018

WAAJIDPRESS – 30 May 2018:

Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhigiisa Kenya wadahadal kula yeeshay Madaxtooyada dalkaasi ee Nairobi.

Madaxweyne Farmaajo iyo Uhurro Kenyaatta ayaa waxa ay ka wadahadleen xiriirka labada wadan iyo arrimo ay ka mid yihiin howlgalada ciidamada AMISOM ee ay dowlada Kenya ciidamadeedu ka mid yihiin.

Inta uu kulanka socday waxa ay isla soo hadal qaaden darbiga Kenya ay ka dhiseyso xuduudda, oo dowladda Soomaaliya ay kasoo horjeedo, inkasta oo aan la ogeyn go’aanadii ay ka gaareen.

Kenyatta waxa uu dhankiisa Farmaajo uga ballanqaaday in dhismaha darbiga xadka uusan dhibaato ku noqon doonin Somalia, iyadoo la eegaayo dhammaan xaalada amni ee labada dal.

Waxa ay si wada jira usoo daraaseeyen xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasada ee gobolka waxayna kulankooda diirada ku saareen sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka u dhexeeya labada dal ee jaarka ah.

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya ayaa kulanka ka sheegay in dowladiisu ay taageersan tahay dadaalka ay ugu jirto dowlada Kenya inay golaha joogtada ah ee Qaramada Midoobay kursi ku yeelato.

Kenyatta ayaa dhinaca kale usoo bandhigay madaxweyne Farmaajo in Somalia ay taageerto dadaal ay Kenya ku dooneyso inay ka mid noqoto xubnaha joogtada ah ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Farmaajo codsiga loo soo jeediyay kadib waxa uu dhigiisa Kenya u xaqiijiyay in Soomaaliya ay si buuxda u taageereyso in Kenay ay ka mid noqoto golaha ammaanka, sida ay shaaciyeen warbaahinta Kenya.

Sidoo kale, Farmaajo waxa uu kulanka ka sheegay in Somalia aysan garaneynin meel ay uga harto Kenya, waxa uuna ku nuux-nuuxsaday inay meel marin doonaan wax waliba oo maslaxad u ah Somalia iyo Guud ahaan labada dal.

DAAWO: SIYAASI CABDULLAAHI IDIRIS LEESTO OO SHIR JARAAID UU KAGA HADLAYO SIYAASADA DALKA KU QABTEY MAGAALADA BAYDHABA

Maajo 30, 2018

WAAJIDPRESS – 30 May 2018:

 

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray dalka Kenya

Maajo 30, 2018

WAAJIDPRESS – 30 May 2018:

Madaxweynaha Somaliya Maxamed C.laahi Farmaajo ayaa gaaray Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Farmaajo ayaa si wanaagsan waxaa loogu soo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha Jomma Kenyatta ee dalkaasi Kenya.

Ujeedka safarka Madaxweyne Farmaajo ee Magaalada Nairobi ayaa wararka waxa ay sheegayaan inuu la xiriiro sidii kulamo uu ula soo qaadan lahaa madaxda dalka Kenya.

Safarka Madaxweyne Farmaajo oo muddooyinkaan dambe aad si wayn loo hadal haayay ayaa warar kala duwan ka soo baxayaan ujeedka rasmiga ah ee safarkiisa.

Kenya ayaa ka mid ah dalalka taageera Somaliya, waxayna ciidamo ka joogaan Somaliya kuwaasi oo ka tirsan Amisom.

War deg deg ah: Mid ka mid ah odeyaashii Ergada xildhibaanada soo dooratay oo caawa lagu dhex dilay hoygiisa

Maajo 30, 2018

WAAJIDPRESS – 30 May 2018:

Mid ka mid ah Ergadii Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya soo dooratay ayaa caawa lagu dhex dilay hoygiisa, ka dib markii ay ku weerareen rag bastoolado ku hubeysnaa.

Ninkan oo la oran jiray Xasan Codey Julaas ayaa lagu dhex dilay hoygiisa oo ku yaala Deegaanka Far Leysaan, oo qiyaastii 40km dhinaca galbeed kaga toosan Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo.

Nin ka tirsan dadka deegaanka ayaa sheegay in ninkaasi ay dileen laba nin oo watay mooto/dhugdhugley, kuna hubeysnaa bastoolado.

Ninkan oo codsaday inaanan magaciisa warbaahinta loo adeegsan ayaa sheegay raggaasi inay gudaha u galeen hoyga marxuumka, ka dibna ay ku dhex dileen.

Waxa uu intaa ku daray marxuumka in laba cisho ka hor uu soo booqday reerkiisa oo halkaasi ku dhaqan, ka dib markii uu ka tagey Magaalada Garbahaarey oo uu deganaa.

Xasan Codey Julaas ayaa ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada ku soo dooratay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Julaas ayaa si weyn uga dhex muuqday bulshada ku dhaqan Magaalada Garbahaarey, isagoo ahaa nin ay dadku aad u garanayeen.

Majirto cid sheegatay masuuliyadda dilkiisa, hase ahaatee waxaa si dhow loola xiriirinaya maleeshiyada Ururka Al Shabaab, oo muddooyinkii ugu dambeysay beegsanayay Ergada soo dooratay Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya.

DAAWO: XARUNTA TV DOWLAD GOBOLEEDKA KOONFUR GALBEED EE WADANKA TURKEY OO MAANTA LAGU SOO BANDHIGEY XAFLADA HIDAHA IYO DHAQANKA SOOMAALIDA IYO MADAX KA QEYBGASHEY

Maajo 29, 2018

WAAJIDPRESS – 29 May 2018:

DAAWO: XARUNTA TV DOWLAD GOBOLEEDKA KOONFUR GALBEED EE WADANKA TURKEY OO MAANTA LAGU SOO BANDHIGEY XAFLADA HIDAHA IYO DHAQANKA SOOMAALIDA IYO MADAX KA QEYBGASHEY AYAA KA MID AH KUWA SAFAARADA SOOMAALIYA IYO DOWLADA TURKEY – DAAWO:

 

DAAWO: SAFAARADA ETHIOPIA EE MUQDISHO AYAA LAGU XAFLADA MAALINTII ETHIOPIA LAGA XOREEYEY JABHADAHA IYO MADAXDA SOOMAALIDA OO KA QEYBGALEY

Maajo 29, 2018

WAAJIDPRESS – 29 May 2018: