Archive for Juunyo, 2018

DAAWO: MAGAALADA WAAJID EE GOBOLKA BAKOOL OO XARUN CAAFIMAAD LAGA HIRGELIYEY

Juunyo 30, 2018

WAAJIDPRESS – 30 June 2018:

 

Advertisements

War cusub DAAWO: SAFIIRKA DOWLADA ETHIOPIA U FADHIYA SOOMAALIYA OO SHEEGEY IN CODSI KA YIMID DOWLADA FEDERAALKA DARTEED LOO SII DAAYEY QALBIDHAGAX

Juunyo 30, 2018

WAAJIDPRESS – 30 JUNE 2018:

 

Qarax bam oo caawa ka dhacay Muqdisho iyo khasaare nafeed oo ka dhashay

Juunyo 30, 2018

WAAJIDPRESS – 30 June 2018:

Caawa ayaa waxaa Bam gacmeed lagu weeraray fariisin ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugida Soomaaliya ay ku leeyihiin meel an ka fogeyn isgoyska Baar Ubax ee Magalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in jugta bambada lagu weeraray ciidamada Nabadsugida ee ku sugan baar Ubax ay maqleen,kadibna ay dhacday rasaas aan badneyn.

Inta la xaqiijiyey ilaa Afar ruux ayaa weerarka Bam Gacmeedka ah ku dhaawacantay oo la sheegay in qof ka mid ah uu yahay shacab halka Saddexda kale ay yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda.

Ciidamada ayaa la soo sheegayaa in ay sameeyeen howlgal wallow goobta fariisinka u ah dadka ku dhow ay xilli hore sii xaroodeen,maadaama Caawa Muqdisho degmoooyin ka mid ah laga dareemayo munaasabada 1-da luulo sidoo kalena Wadooyinka qaar ciidamo la soo dhoobay.

DAAWO: Saldhiga Degmada WAAJID ee Gobolka Bakool oo laga dareemayo burbur xoogan

Juunyo 30, 2018

WAAJIDPRESS – 29 June 2018:

 

DAAWO: SHACABKA MAGAALADA WAAJID OO CABASHO XOOGAN KA MUUJIYEY XIRNAANSHAHA WADADA ISKU XIRTA WAAJID IYO BAYDHABA

Juunyo 29, 2018

WAAJIDPRESS – 29 June 2018:

 

DAAWO: XILDHIBAANO KA TIRSAN DOWLAD GOBOLEEDKA KOONFUR GALBEED OO MAANTA TABABAR LOOGU SOO GABAGABEEYEY DALKA KENYA

Juunyo 29, 2018

WAAJIDPRESS – 29 June 2018:

 

DAAWO: MUXAADARO KU SAABSAN SIDII AAD U HELI LAHEYD NOLOL RAAXA BADAN OO WANAAGSAN OO AAN CIRIIRI LAHEYN

Juunyo 29, 2018

WAAJIDPRESS – 29 June 2018:

 

 

DAAWO: DOWLADA ETHIOPIA OO SHAACISEY IN AY SOO SAAREYSO SALIIDA CEYRIIN EE KU JIRTA DHULKA SOMALIDA ETHIOPIA

Juunyo 29, 2018

WAAJIDPRESS – 28 June 2018:

 

DAAWO: MADAXDA DOWLAD GOBOLEEDKA KOONFUR GALBEED IYO SHACABKA BAYDHABA OO MAANTA SI WADAJIR U QABTEY BANAANBAX KU SAABSAN MAALINTA IS CAFISKA

Juunyo 28, 2018

WAAJIDPRESS – 28 June 2018:

 

Wararkii ugu dambeeyay dil ka dhacay Magaalada Muqdisho

Juunyo 28, 2018

WAAJIDPRESS – 28 June 2018:

Wararka inaga soo gaaraya Suuqa Siinaay ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in barkhanimadii maanta halkaasi uu ka dhacay dil, kaasi oo ay geysteen koox ku hubeysan Bastoolado.

Dadka deegaanka ayaa Idaacadaha  u sheegay dilkan in loo geystay nin Xarqaanle ahaa oo dukaan yar ku lahaa gudaha suuqa, waxaana ragga dilka geystay ay ka beegsadeen qeybta sare ee jirkiisa, kadibna goobta ayay ka baxsadeen.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa sidan ku waramay “Walaal waxaan kuu xaqiijinaa in barkhanimadii maanta gudaha Suuqa Siinaay lagu dilay nin ka tirsanaa dadka deegaanka oo xarqaanle ahaa, dhalinyaro hubeysan ayaa dishay, ma naqaano sababta loo dilay, laakiin waxaa la sheegay in wiilkisa uu yahay sarkaal ciidan.”

Warar madax banaan ayaa sheegaya ninka la dilay in wiilkiisa uu yahay sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda Somaliya, sidaasina loo beegsaday.

Laamaha ammaanka dowladda federaalka ayaa sidii caadada aheyd tagay goobta markii ay baxsadeen raggii dilka geystay, waxayna halkaasi ka bilaabeen baaritaanada la xiriira dilkan dhacay iyo sidii looga daba tagi lahaa dableyda.

Waxaa muuqata in maalamahan ay soo kordheen dilalka qorsheysayn ee kooxaha hubeysan ay ka geysanayaan magaalada Muqdisho, shalay ayaa isla Suuqa Siinaay waxaa lagu dilay askari Boolis ahaa, Hay’adaha ammaanka dowladda ayaa isku dayaya in ay ka hortagaan dilalka dhacaya.