Archive for Luulyo, 2018

DAAWO: MADAXWEYNAHA DOWLAD GOBOLEEDKA KOONFUR GALBEED OO MAANTA WAREYSI DHINACYO BADAN TAABANAYA KU BIXIYEY XAFIISKIISA BAYDHABA

Luulyo 31, 2018

WAAJIDPRESS – 31 July 2018:

 

Advertisements

DAAWO: BEESHA AWRMALE OO MAANTA EEDEEYEY DOWLADA DHEXE

Luulyo 31, 2018

WAAJIDPRESS – 31 July 2018:

 

DAAWO: FEYSAL CALI WARAABE OO GAAREY CEERIGAABO ISLA MARKAANA EEDEYN KULUL U JEEDIYEY MADAXWEYNAHA PUNTLAND

Luulyo 31, 2018

WAAJIDPRESS – 31 July 2018:

 

Askari ka tirsanaa ciidanka dowladda oo lagu dilay Muqdisho

Luulyo 31, 2018

WAAJIDPRESS – 31 July 2018:

Wararka inaga soo gaaraya isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho, rag hubeysan ayaa duhurnimadii maanta waxa ay halkaasi ku dileen askari ka tirsanaa ciidanka Booliska Somaliya.

Laba dhalinyaro oo ku hubeysan bastoolado ayaa rasaas hubiyay askarigan oo xilliga la dilayay fadhiyay maqaaxi yar oo lagu shaaheeyo, watayna qori AK-47 oo aysan ka qaadan kooxdii hubeysneyd.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen dilkaasi inay ku baxeen ciidan halkaasi ka akdhawaa oo rasaas ku furay raggan, taasi oo sababtay in la dhaawaco mid ka mid ah Dableyda, balse aan gacanta lagu dhigin.

Meydka askariga la dilay oo lagu magacaabi jiray Cabdi Muuse ayaa waxaa loo qaaday xarunta dambi baarista ee CID-da, si baaritaano loogu sameeyo.

Ciidanka halkaasi tagay ayaa waxa ay sameeyeen baaritaano amni xaqiijin ah, iyada oo ciidamada ay dilkan u soo qabteen tiro dhalinyaro ah oo la tuhunsan yahay inay wax ka ogaayeen falkan.

Dilalka loo geysto ciidanka dowladda aya inta badan waxaa Magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda ka geysta rag hubeysan oo ka tirsan Mintidiinta Al Shabaab.

War deg deg ah: Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubbaland oo Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho lagu xirey

Luulyo 31, 2018

WAAJIDPRESS – 31 July 2018:

Wararka laga helaayo Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay Maanta  xireen Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubbaland Shaafi Raabi.

Shaafi Raabi ayaa la sheegay inuu ka yimid Magaalada Brussels ee dalka Belguim-ka halkaasi oo uu kaga qaybgalay Shirkii arrimaha Somaliya looga hadlaayay ee dhawaan ka dhacay dalkaasi.

Shaafi Raabi, ayaa la sheegay ciidamada ammaanka Garoonka Aadan  Cadde inay ka qaadeen Passport Diblumaasiga ah ee uu watay, kadibna ay ku xireen Garoonka dhexdiisa Saldhig ku yaallo.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ciidamada ammaanka ay u xireen Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubbaland ahna sidoo kale Xoghayaha Rugta Ganacsiga Somaliya.

Xubno ka mid ah Rugta Ganacsiga Jubbaland oo ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa xaqiijiyay xarigga masuulkaan.

Saraakiisha ammaanka Garoonka Aadan Cadde wali kama aysan hadlin xarigaan loo gaystay Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubbaland.

DAAWO: FEYSAL CALI WARAABE OO MAANTA LA KULMEY IGAD ISLA MARKAANA DACWAD KA GUDBIYEY WASIIRKA QORSHEYNTA SOOMAALIYA JAMAAL

Luulyo 30, 2018

WAAJIDPRESS – 30 July 2018:

Wafdi isugu jira Qaraada Midoobay iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa kullan gooni gooni waxay maanta magaalada Hargeysa kula qaateen Mas’uuliyiinta ugu sareysa Xisbiyada Mucaaradka ah ee Somaliland ee UCID IYO WADANI.

Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in wafdiga u sheegeen in warbixin been abuur ah la siiyay markii Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan uu socdaal ku tagay deegaanada sanaagta bari halkaasi uu muran u dhaxeeyo Puntland iyo Somaliland uu ka taagan yahay – DAAWO:

 

Somaliya iyo Eritrea oo ku heshiiyay Afar qodob

Luulyo 30, 2018

WAAJIDPRESS – 30 July 2018:

Waxaa lasoo saaray war-murtiyeed ku saabsan heshiiskii ay gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Eritrea kadib booqasho rasmi ah oo dalkaasi uu ku tagay madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaaliya, Maxamed CabduLLAAHI Maxamed Farmaajo.

Madaxda Labadan dal ayaa ku heshiiyey Afar qodob oo muhiim ah, iyadoo war-murtiyeedkana sidan hoose u qoran yahay:

War-murtiyeedka heshiiska Dowladaha Ereteriya iyo Soomaaliya

Iyada oo maanka lagu hayo xiriirka iyo saaxiibtinimada qotoda dheer ee labada shacab ee Ereteriya iyo Soomaaliya.

Iyada oo dib loo millicsanayo xaqiiqada ah in shucuubta Soomaaliya iyo Ereteriya ay si joogta ah isu garab istaageen, isuguna taageereen halgankii mid kasta ugu jirey xornimada, madaxbannaanida iyo horumarka.

Iyada oo lagu salaynayo xiriirka walaaltinnimo ee taariikhiga ah iyo dadaalka ay labada dowladood ugu jiraan yagleelidda iskaashi labada dhinac ah, oo u faa’iidaynaya labada dal iyo guud ahaan gobolka.

Dowladaha Ereteriya iyo Soomaaliya waxay ku heshiiyeen qodobbada soo socda: –

1. Soomaaliya waxay ku taallaa goob istiraatiiji ah, waxayna
leedahay khayraad tiro badan oo isugu jira kuwo aadmi iyo kuwo dabiici ah.
Laakiin, ka faa’iideysiga khayraadkaas waxa ka hor istaagey dhibaatooyinka gudaha ka jira iyo faragelin dibadeed. Sidaasi darteed, Ereteriya waxay si mug leh u taageereysaa madaxbannaanida, siyaasadeed, qarannimada iyo midnimada Soomaaliya si dalku u soo ceshado maqaamkii uu ku dhex lahaa dunida, loona xaqiijiyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.
2. Soomaaliya iyo Ereteriya waxay dedaal gelinayaan sidii ay u sameysan
lahaayeen iskaashi taabanaya dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, arrimaha bulshada, dhaqanka, difaaca iyo amniga.
3. Labada dal waxay yagleelayaan xiriir diblomaasiyadeed iyaga oo is dhaafsanaya danjireyaal, sarena u qaadaya ganacsiga iyo maalgashiga dhexdooda ah, sidoo kalena isweydaarsanaya fursadaha la xiriira waxbarashada iyo dhaqanka.
4. Ereteriya iyo Soomaaliya waxay si wadajir ah uga hawlgelayaan sidii loo
horumarin lahaa nabadgelyada, xasilloonida iyo isdhexgalka dhaqaale ee gobolka.

DAAWO: SOMALILAND OO MAANTA SHEEGTEY IN AY KA TALIYAAN ILAA DEGMADA BUUHOODLE

Luulyo 29, 2018

WAAJIDPRESS – 29 July 2018:

 

DAAWO: RAISUL WASAARE KHEYRE IYO WAFDI UU HOGAAMINAYO OO GAAREY PUNTLAND

Luulyo 29, 2018

WAAJIDPRESS – 29 July 2018:

 

War deg deg ah: madaafiic lagu weeraray xero Amisom ku leeyihiin duleedka Muqdisho

Luulyo 29, 2018

WAAJIDPRESS – 29 July 2018:

Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa la sheegay in xalay saqdhexe ay dhawr madaafiic oo hoobiye ah ku weerareen saldhig ciidamada Amisom ku leeyihiin deegaanka Arbacow ee duleedka deegaanka Ceelasha Biyaha.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen madaafiic dhawr ah oo ku dhacday gudaha iyo banaanka saldhigan, kuwaasi oo daqiiqado socday.

Sidoo kale, waxay goob joogayaasha sheegayaan in Amisom dhankeeda ay jawaab ka bixisay duqeyntan, balse lama oga khasaaraha guud ee ka dhashay.

Al-Shabaab ayaa marar badan sidan oo kale waxay madaafiic ugu weerareen saldhigyada ciidamada Amisom ku leeyihiin gobollada dalka.

Saldhiggan xalay lagu tuuray madaafiicda ee Amisom ku leeyihiin deegaanka Arbacow ayaa waxaa si gaar ah u deggan ciidanka ka socda dowladda Burundi.

Xoogaga Shabaab ayaa badanaa madaafiicda ku weerara Saldhigyada Ciidamada Amisom iyo kuwa Xoogga dalka ay ka degan yihiin Gobolada dalka.