Khasaaraha ka dhashay Gaari Caasi ah oo lagu rasaaseeyay duleedka degaanka Qalimow

WAAJIDPRESS – 10 July 2018:

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Gaari Caasi ah oo ciidanka Booliska Hirshabeelle ay maanta ku rasaaseeyeen duleedka degaanka Qalimow oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Gaariga oo ay saarnaayeen dad shacab ah ayaa ka soo baxay magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabeelle, wuxuuna ku soo jeeday magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen dad degaanka.

Ciidankan ayaa in ay rasaasta furaan waxa ay ka dambeysay kadib markii ay ka shakiyeen gaarigan oo ku soo dhawaaday barta kontorool ee ay ku sugnaayeen, halkaasina waxaa ku geeryooday laba ruux oo midi ay haweeney aheyd, halka ay ku dhaawacmeen Saddex qof oo kale.

Ciidamada rasaasta ku furay gaariga ayaa la sheegay in ay ka mid ahaayeen ciidamo ka tirsan ciidamada Booliska Hirshabeelle oo shalay fariisimo ka sameystey deegaanka Qalimow.

Masuuliyiin ka tirsan Hirshabeelle oo goobta soo gaaray ayaa Isbitaalka Magaalada Jowhar u qaaday dadkii ku dhaawacmay rasaastan ay fureen ciidanka Booliska Hirshabeelle.

Hay’adaha ammaanka maamulka Hirshabeelle ayaa waxa ay sheegeen inay wadaan baaritaanada la xiriira dhacdadan, waxayna tilmaameen in lagula xisaabtami doono cidii falkan ka dambeysay.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: