War deg deg ah: Mid ka mid ah Nabadoonada ugu caansan ayaa xalay lagu diley Magaalada BOOSAASO ee PUNTLAND

WAAJIDPRESS – 12 July 2018:

Faah faahin ayaa laga helayaa dil xalay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari loogu geystay mid ka mid ah nabadoonada ugu caansan gobolkaasi.

Nabadoonka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Maxamed Saciid Cawaare, waxaana la sheegay in rag hubeysan ay gurigiisa ugu dhaceen, sidaasina lagu diley.

Booliska Boosaaso ayaa saakay waxay howlgal ballaaran ka sameeyeen xaafadaha magaaladaasi, iyaga oo raadinaya dableydii dilka ka dambeysay.

Waxaa jira dad ay ciidamada ammaanka usoo qabteen dilkan, balse faah faahin intaan ka badan ma aanay bixin saraakiisha howlgalkaan hoggaamineysa.

Ma jirto cid sheegatay dilka Nabadoon Cawaare, iyadoo Boosaaso ay marar badan ka dhaceen falal amni darro.

Cabsi ayaa soo food saartay Nabadoonada Gobolka Bari kuwaasi oo ka baqdin qaba beegsiga lagu haayo.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: