Archive for Seteembar, 2018

DAAWO: SHACABKII KU SHAQEYSANAAYEY KAWAANKA MALAAYGA MUQDISHO OO BANAANBAX KA DHIGEY MUQDISHO

Seteembar 30, 2018

WAAJIDPRESS – 30 September 2018:

 

Advertisements

DAAWO: SHIR U DHAXEEYA WASAARADA ARIMAHA GUDAHA EE DOWLAD GOBOLEEDKA KOONFUR GALBEED IYO MAAMULADA DEGMOOYINKA WAAJID, XUDUR IYO CEELBARDE OO KA DHACAY BAYDHABA

Seteembar 30, 2018

WAAJIDPRESS – 30 September 2018:

 

War deg deg ah: Gabar Ardayad ah oo maanta lagu dilay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Seteembar 30, 2018

WAAJIDPRESS – 30 September 2018:

Kooxo biskoolado ku hubeesan oo watay mooto bajaaj ayaa maanta gabar yar oo ardayad ah waxa ay si bareer ah ugu dileen agagaarka hotelka Guuleed ee kuyaala degmada Yaaqshiid .

Gabadha la dilay oo 14-sano jir aheyd ayaa lagu magacaabayay Caa’isho Cali Saneey , waxaana la sheegay xiliga la dilayay gabadhan yar in ay ka timid iskuul ay dhiganeesay kuna sii jeeday gurigooda.

Fartuun Abuukar Suubiye oo ah hooyada dhashay gabadha la dilay ayaa sheegtay in koox wadatay Mooto bajaaj ay gabadheeda jiid jiideen kadibna dhoor xabadood ku dhufteen goobtaasi ugana tageen iyada oo dhaawac ah balse markii dambe Isbitaal ku geeriyootay.

Hooyo Fartuun ayaa sheegtay in aysan wali garaneyn sababta loo beegsaday loona dilay gabadheeda oo 14-sano jir aheyd, waxa ayna sheegtay xiliga la dilayay gabadheeda in ay ka timid iskuul ay dhiganeesay.

Dilka gabadhan ardayada ah loo geestay maanta ayaa imaaneysa xili dhawaan magaalada Muqdisho ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya ku dileen gabar 9-sano jir aheyd oo xiliga la dilayay katimid Iskuul ay dhiganeesay.

Dibedbax looga soo horjeedo Maamulka G/Banaadir oo Muqdisho ka socda

Seteembar 30, 2018

WAAJIDPRESS – 30 September 2018:

Waxaa maalintii labaad xiran suuqa kalluunka Kulmis ee degmada CabdulAZIZ, iyadoo ganacsatada kalluunka iyo xoogsatada kalluumeysiga ay si weyn uga cabanayaan dhibaato lagu hayo.

Ganacsatada Kalluunka ku iibiya Kawaanka Liido ee degmada CabdulAZIZ ee Gobalka Banaadir ayaa wada bannaanbax, iyadoo xiray wadooyinka qaarkood, waxayna socod ku tageen taallada Daljirka Dahsoon, iyagoo u dhawaaqayey in dhulkii la iibsaday, ayna shaqeyn la’ yihiin.

Dibad-baxayaasha ayaa socodkooda ka soo bilaabay Xeebta Liido, waxaynaa ayna ugu dambeyn isugu yimaadeen Taalada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere, iyagoo ku eedeeyay dowladda iyo maamulka G/Banaadir inay kumanaan qof u diidan yihiin shaqadoodii.

Ciidamada ka tirsan Dowlada Soomaaliya ayaa ku amray ganacsatada inay ka guuraan suuqaasi oo la sheegay in dhulka uu ku fadhiyo laga iibiyey haweeney ganacsato ah.

DAAWO: SHACABKA GALKACAYO OO SHEEGEY IN KAARARKA CUNTADA AY BIXISO HAYADDA WHO AAN LAGU QEYBININ HABKA SAAMI QEYBSIGA BEELAHA

Seteembar 29, 2018

WAAJIDPRESS – 29 September 2018:

 

DAAWO: XILDHIBAAN BLACK OO SHEEGEY CIIDAMADA DOWLADA AYAA DHIBAATO KU HAYA SHACABKA MARA JIDKA ISKU XIRA BAYDHABA IYO MUQDISHO

Seteembar 29, 2018

WAAJIDPRESS – 29 September 2018:

 

DAAWO: BEESHA JAREERWEYNE EE KU NOOL GAROOWE AYAA MAANTA KULAN AYAY KAGA HADLAYAAN WALAALKOOD OO LAGU GUBEY MUQDISHO KU YEESHEY MAGAALADA GAROOWE

Seteembar 29, 2018

WAAJIDPRESS – 29 September 2018:

 

DAAWO: SHIR LAGU DHIIRIGELINAYO BEERALEYDA KOONFUR GALBEED OO MAANTA BAYDHABA LAGU SOO GABAGABEEYEY

Seteembar 29, 2018

WAAJIDPRESS – 29 September 2018:

 

Iska hor imaad haweenay ku geeriyootay oo Garowe ka dhacay

Seteembar 29, 2018

WAAJIDPRESS – 29 September 2018:

Taliska ciidamada xasilinta magaalada Garowe ayaa ka warbixiyay hawlgal ay ciidamadu ka sameeyeen magaaladaasi iyo sidoo kale dagaal xalay ka dhacay magaalada Garoowe.

Hawlgalka ayaa inta uu socday waxay ciidamadu la kulmeen weerar sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Sarreeyo Guuto Muxudiin Axmed Muuse oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen waxyaabaha maanka dooriya, sidoo kalena iska difaaceen rag hubeysan oo doonayey in ay ciidanka ka qabsadaan waxyaabihii howlgalka lagu qabtay.

Waxa uu taliyaha sheegay in dagaalkii xalay ku geeriyootey haweeney xabad wiifto ah ugu tagtay hoygeeda sidoo kalena dhanka askarta ay Labo qof ka dhaawacantay.

Taliye Muxudiin ayaa sheegay iney ku raad joogaan cid walbo oo weerarkaasi ka dambeysay, isaga oo tilmaamay in weerarkii xalay ay soo qaadeen dad doonaya in magaalada lagu dhex iibiyo Qamrada iyo Xashiiska.

Ammaanka magaalada Garoowe ayaa habeennadii ugu dambeeyey faraha kasii baxayey, waxaana magaalada ka dhacay rasaas qaarkeed la ogeyn waxa ay ahayd iyo burcad dhac geysaneysay.

DAAWO: SHEEKH UMUL OO SI ADAG UGA HADLEY ARINTII NINKII MUQDISHO LAGU GUBEY

Seteembar 29, 2018

WAAJIDPRESS – 29 September 2018: