Archive for Oktoobar, 2018

DAAWO: MADAXWEYNE SHARIIF XASSAN OO MAANTA BAYDHABA KU SOO DHAWEEYEY WAKIILKA CUSUB EE QARAMADA MIDOOBEY IYO WAKIILKA AMISOM

Oktoobar 31, 2018

WAAJIDPRESS – 31 October 2018:

Wafdi ka socda Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhaba ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Nicholas Haysom iyo Francisco Madeira, ayaa Magaalada Baydhabo kula kulmay Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa hadda ah Gudoomiyaha Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda, waxaana Kulanka  diiradda lagu saaray khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka ah iyo dowlad Goboleedyada.

Waxaa kale oo ay ka wada hadleen doorashada Madaxtinimada ee bisha soo socota ka dhaceysa degaannada Koofur Galbeed.

 

Advertisements

Guddiga doorashada Koonfur Galbeed oo soo saaray habraaca doorashada Madaxtinimada Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed

Oktoobar 30, 2018

WAAJIDPRESS – 30 October 2018:

Guddiga doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa soo saaray habraac u gaar ah doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed – Akhriso:

 

DAAWO: WASAARADA CADAALADA JUBALAND OO KISMAAYO KU QABATEY TABABAR……

Oktoobar 30, 2018

WAAJIDPRESS – 30 October 2018:

 

DAAWO: ODAYAASHA DHAQANKA EE KOONFUR GALBEED AYAA CANBAAREEYEY FAROGELINTA AY DOWLADA FARMAAJO KU HEYSO DOORASHADA KOONFUR GALBEED

Oktoobar 29, 2018

WAAJIDPRESS – 29 October 2018:

 

War deg deg ah: MOSHIN XILKA LOOGA QAADAYO MADAXWEYNE FARMAAJO OO XILDHIBAANO BADAN SIXIIXAY IYO BAARLAMAANKA OO LA HORGEYNAYO

Oktoobar 29, 2018

WAAJIDPRESS – 29 October 2018:

Qorshaha Mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Farmaajo uu door weyn ka ciyaarayo Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo laga soo doorto deegaanada Koofur Galbeed isla markaana si gaara ugu xiran Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koofur Galbeed ayaa saxiixay Mooshinka la doonayo in Baarlamaanka laga geeyo Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu eedeynayaa inuu ku guul-dareystay arrimaha siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha loo dhanyahay, waxaana bilow taagan howlihii aasaasiga u ahaa 2020-ka sida: Federaaleynta, Dhameystirka dastuurka, sharciyada iyo qaabka doorashooyinka, dhismaha ciidamada xoogga dalka, xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada iyo tallaabooyinkii looga baahnaa dowladnimada.

Xildhibaano xalay ku kulmay Magaalada Muqdisho oo laga soo doorto deegaanada iyo Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ku eedeeyay inuu si toos ah faraha ugula jiro Doorashada Koofur Galbeed, iyadoo Villa Somalia lacago malaayiin Dollar ah ay ku bixisay diyaar ololaha doorashada sida ay sheegeen Xildhibaanada.

Villa Somalia ayaa ku howlan daminta Mooshinkan si banaanka uusan u imaan oo Baarlamaanka aan loo horgeyn, waxaana Hotelada ugu waa weyn Magaalada Muqdisho ka socda Kulamo kala duwan.

Qaar ka mid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa beeniyay inay ku jiraan liiska xubnaha saxiixay Mooshinka iyagoo sheegay in magacyadooda in laga been abuurtay.

Golaha Iskaashiga oo ka hor yimid baaqii ka soo yeeray Madaxweyne Farmaajo

Oktoobar 29, 2018

WAAJIDPRESS – 29 October 2018:

Dowlad Goboledyada dalka ka jira ayaa mar kale ku gacan seeray baaqii ka soo yeeray Madaxweynaha Somaliya Maxamed C.laahi Farmaajo, kaasi oo ahaa inay wada hadal isugu yimaadaan.

CabduLLAAHI Sheekh Xasan Wasiirka Dastuurka Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed ahna Afhayeenka dowlad Golaha Iskaashiga dowlad Goboledyada oo dhan oo la hadlay Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in warqadda casuumaada Madaxweynaha ay ka arkeen kaliya baraha Bulshada.

Wuxuu sheegay inay ka war sugayaan dhexdhexaadinta ay wadaan xubnaha Aqalka Sare ee dalka, islamarkaana casuumadda Madaxweynaha aysan soo gaarin xafiisyadooda.

“Warqadaasi annaga ma aanu arkin, balse baraha bulshada ayay dhex yaaceysaa, mar waxaa la leeyahay madaxweynaha ayaa qoray, marna wasiirka arrimaha gudaha ayaa qoray, annaga xafiiskeena weli ma soo gaarin warqadda, hadii ay soo gaarto ayaan ka hadli karnaa”. ayuu yiri CabduLLAAHI Sheekh Xasan.

Shalay ayeey aheyd markii Madaxweynaha Somaliya Maxamed CabduLLAAHI Farmaajo uu soo saaray baaq mar kale uu ugu gacan haatinaayo Madaxda Maamul Goboledyada dalka ka jira si ay isugu yimaadaan wada hadal.

DAAWO OO KA FAAIDEYSO: MUXAADARO KU SAABSAN SIDII AAD KU HELI LAHEYD QALBI DEGAN IYO HANTI

Oktoobar 29, 2018

WAAJIDPRESS – 28 October 2018:

 

DAAWO: SHACABKA KU DHAQAN XAAFADA GENERAL DAA’UUD OO KA CABANAYA BARAKAC AY DOWLADA FARMAAJO KU HEYSO

Oktoobar 29, 2018

WAAJIDPRESS – 28 October 2018:

 

DAAWO: SHIR JARAAID OO AY MAANTA KU YEESHEEN XILDHIBAANADA LABADA AQAL EE LAGA SOO DOORTEY DEEGAANADA KOONFUR GALBEED AYAA BEESHA CAALAMKA IYO SHACABKA SOOMAALIYEED U BANDHIGEY FAROGELINTA AY DOWLADA FARMAAJO KU HEYSO DOORASHADA KOONFUR GALBEED

Oktoobar 28, 2018

WAAJIDPRESS – 28 October 2018:

DAAWO: SHIR JARAAID OO AY MAANTA KU YEESHEEN XILDHIBAANADA LABADA AQAL EE LAGA SOO DOORTEY DEEGAANADA KOONFUR GALBEED AYAA BEESHA CAALAMKA IYO SHACABKA SOOMAALIYEED U BANDHIGEY DHIBAATADA IYO FAROGELINTA AY DOWLADA FARMAAJO KU HEYSO DEEGAANADA IYO DOORASHADA KOONFUR GALBEED:

 

DAAWO: KULAN LOOGA SOO HORJEEDO DOWLADA FARMAAJO OO KU SAABSAN FAROGELINTA AY KU HEYSO DOORASHADA KOONFUR GALBEED OO MAANTA BAYDHABA KA DHACAY

Oktoobar 28, 2018

WAAJIDPRESS – 28 October 2018:

DAAWO: URURADA BULSHADA MAGAALADA BAYDHABA OO MAANTA DIGNIIN U DIREY MADAXWEYNE FARMAAJO OO KU SAABSAN  FAROGELINTA UU  KU HAYO DOORASHADA MADAXWEYNENIMO EE DOWLAD GOBOLEEDKA KOONFUR GALBEED: