DAAWO: WASIIRU DOWLAHA MAALIYADA OO MAANTA BAARLAMAANKA HORTIISA RAALIGELIN KA BIXIYEY KA DIB MARKII MAALMO KA HOR UU U GAFEY LUQADA MAAY MAAY-ga

WAAJIDPRESS – 10 October 2018:

Wasiiru dowlaha Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa raalli gelin ka bixiyay hadal uu maalintii isniinti ka sheegay Baarlamaanka oo ku saabsanaa su’aal lagu weydiiyay afka Maayga, iyadoo jawaabta uu ka bixiyay ay ka careysiiyay dadka ku hadla lahjada Maayga.

Wasiir Xayir ayaa su’aal lagu weydiiyay afka Maayga ku jawaabay in aanu afka Maayga fahmin, isla markaana uu ku yiri Xildhibaanka inuu “waqtiga iska khasaariyay, oo qolo kale la hadlayay”

Guddoomiyaha Golaha Shacaboa Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa kulankii maanta kaga dalbaday Wasiir Xayir inuu raalli gelin ka bixiyo hadalkiisa, maadaama shacabka ku hadla luqadda Maayga ay ka mid yihiin shacabka uu Wasiirka u yahay.

Wasiiru dowlaha Maaliyadda Maxamuud Xayir ayaa yiri “Hadalkii aan dhahay hadii si kale loo dhahay raalli gelin ayaan bixinayaa, Xildhibaan Fanax iyo saaxiibbadii kale ee sida kale ii fahmay” – DAAWO:

 

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: