Dacwad Ku Socoto Wasiiru-Dowlaha Maaliyadda Dowladda Federalka Soomaaliya

WAAJIDPRESS – 10 October 2018:

 

Taariikh: 08/10/2018

Ku. Baarlamaanka Federalka Soomaaliya -Muqdishu

Ku: Xafiiska Madaxtoodya ee Dolwaladda Federalka Soomaaliya – Muqdishu

Ku: Xafiiska Raiisul Wasaraaha Soomaaliya – Muqdishu

Og: Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka – Muqdishu

Ka:  Goobta Horumarinta Afka Maayga ( Af-Maay Development Center)

Ujeedo: Dacwad Ku Socota Wasiirudowlaha Maaliyadda ee Dowladda Federalka Soomaaliya – Mr. Xild. Mohamud Xahir Ibrahim

Anagoo ku hadlaya magaca Xarunta  Horumarinta Afka Maayga (Af-Maay Development Center) waxaan halkaan ku codsnaeynaa in Wasiiru dowlaha maaliyadda ee dowladda federalka Soomaaliya Xild. Mohamud Xahir Ibrahim, in laga qaado talaabo sharci ah, oo ku saabsan dambi cad oo ka galay dadka ku hadla Afka- maayga.  Wasiiru dowlaha maaliyadda ee dolwaddda Federalka Soomaaliya, waxaaa uu galalay labo dami oo kala ah:

1. Mid waxa uu ka galay bulshada ku hadasha afka Maayga.

2. Mid dastuuri oo sharciga dowaldda federalka, kan anshaxa iyo waxa meesha kacadaaday  aqoondarada in uusan u qalmin masuuul dowladeed iyo mid deegaan.

Hadaba, waxaan ka codsanaynaa Baarlamaanka Federalak Soomaaliya, Xafiiska Madaxdooyada ee dowladda Federalka Soomaalia in arinaas ay ka qaadaan talaabada ku hahoon ee sharciga ah qadafka iyo dambiga uu galay wasiiru dowlaha maaliyadda ee dowladda Federalka Soomaaliya Xild. Mohamud Xahir Ibrahim.

Xarunta  Hurumarinta Afka Maayga waxa ay amaan  gaar  iyo  mahadcelin u soo jeedineysaa  Xildhibaan Maxamed Isak Osam (Fanaxa), oo sida geesinimada iyo asluubta ku dhidhisan uu fikirkiisa ugu soo horjeediyaya baarlmmaanka Federalka Soomaaliya iyo sida uu u difaaco mar kasto dhaqankiisa iyo luqadiisa hooyo (Af-Maay).

Mahadsanidiin.

Dr. Liban Ibrahim

LIBAN54@hotmail.com

Abdulkadir Abukar Sheikh
Email: afmaaydevelopmentcenter@gmail.com.

Faallo u dhaaf