Archive for Nofeembar, 2018

DAAWO: DOOD KU SAABSAN MUSHAARKA IYO MIISAANIYADA DOWLADA KHEYRE

Nofeembar 30, 2018

WAAJIDPRESS – 30 November 2018:

 

DAAWO: XILDHIBAANADA FEDERAALKA EE DIGIL IYO MIRIFLE OO MAANTA SHIR KU QABTEY BAYDHABA EEDNA U JEEDIYEY DOWLADA FARMAAJO IYO KHEYRE

Nofeembar 30, 2018

WAAJIDPRESS – 30 November 2018:

 

Laba dhalinyaro ahaa oo galabta lagu dilay magaalada Muqdisho

Nofeembar 30, 2018

WAAJIDPRESS  – 30 November 2018:

Rag hubeysan ayaa galabta xaafada Daaru Salaam ee Waqooyiga magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen laba wiil oo dhalinyaro ahaa.

Dadka deegaanka ayaa waxa ay inoo sheegeen xilliga la tooganayay raggan inay wateen gaari nuuca raaxada ah.

Dableyda dilka geysatay ayaa goobta ka baxsaday kahor inta aysan halkaasi gaarin ciidanka ammaanka oo fariisin ku leh meel ku dhaw aagga uu dilka ka dhacay.

Wiilasha la dilay ayaa mid ka mid ah waxaa lagu magacaabi jiray C/risaaq Cali Kayane, waxayna u shaqeynayeen shirkadaha ganacsi ee dalka.

Ma cadda ilaa hadda sababta loo beegsaday raggan, balse maalmahan dambe waxaa magaalada Muqdisho ku kordhay dilalka loo geysanayo dadka u shaqeeya shirkadaha gaarka loo leeyahay.

Ehelada wiilasha la dilay ayaa dowladda federaalka waxa ay ka dalbadeen inay cadaaladda hor keento ragga dilka geystay.

War deg deg ah: Qarax dhimasho & dhaawac geystay oo goor dhow ka dhacay Magaalada Boosaaso

Nofeembar 29, 2018

WAAJIDPRESS – 29 November 2018:

Qarax ayaa caawa fiidnimadii ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, iyadoo wararka soo baxayana ay sheegayaan inuu geystay khasaare nafeed.

Warka ayaa intaas ku daraya in qaraxa uu ka dhashay bam gacmeed lagu weeraray xarunta dowlada hoose ee magaalada Boosaaso, waxaana qaraxa ka dib la maqlay rasaas ay ridayeen ilaalada xaruntaas.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxaas ay ku dhinteen ugu yaraan 3 qof, halka tiro kale ay ku dhaawacmeen kuwaasoo loola cararay goobaha Caafimaadka, waxayna u badnaayeen ilaalada xarunta la weeraray.

Xaalada magaalada Boosaaso ayaa kacsan, waxaana ciidamada amaanku ay bilaabeen howlgalo xoogan, iyagoo xiray jidadka qaar, dadweynuhuna waxay bilaabeen iney xili horeba kala hoydaan.

Maamulka Puntland ee magaalada Boosaaso ayaan ka hadlin weerarkan oo si weyn loo aaminsan yahay iney ka dambeeyaan kooxaha Daacish ama Al-shabaab oo fariisimo ku leh meelo aan wax badan ka fogeyn magaalada Boosaaso – Dhageyso:

 

DAAWO: XILDHIBAAN SURCAD OO SHEEGEY IN GAAS KELIGIISA UUSAN MAGACAABI KARIN GUDIGA KHILAAFAADKA PUNTLAND

Nofeembar 29, 2018

WAAJIDPRESS – 29 November 2018:

 

La Taliyaha Gudoomiyaha Baarlamaanka oo sheegey kala dirida gudiga Baarlamaanka ma waafaqsana xeer hoosaadka”

Nofeembar 29, 2018

WAAJIDPRESS – 29 November 2018:

La Taliyaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka Dr. CABDULQAADIR  Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa su’aal ka keenay sharcinimada kala dirida Guddiga Maaliyadda, isagoo caddeeyay in aanay waafaqsaneyn Xeer hoosaadka.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku muujiyay in kala diridii Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka CabdiWELLI Muudey ku sameeyay Guddiga Maaliyadda uusan ku raacsaneyn Guddoomiye Maxamed Mursal oo dalka Turkiga ku maqan.

“Guddoomiyaha golaha shacabka BJF wuxuu waajib ka saaranyahay ilaalinta xeerhoosaadka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka, dooda ka dhalatey kala diridda Guddiga Maaliyadda ma waafaqsana Xeer Hoosaadka golaha, maadaama golaha xilka u dhiibtey isla golaha ayaa awood u leh kala diristiisa”ayuu yiri La Taliyaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka Dr. CABDULQAADIR  Maxamed Nuur.

Qoraalka La Taliyaha ayaa waxaa uu jawaab yahay qoraal goor sii horeysay barteeda Facebook ku qortay Wasiirka Dhalinyarada iyo isboortiga Khadiijo Maxamed Diiriye ay ku sheegtay in imaanshaha Guddoomiye Mursal aanay waxba ka bedeli doonin qoraalkii uu ku saxiixnaa Guddoomiye kuxigeenka 1aad CabdiWELLI Muudey uu ku kala diray Guddiga Maaliyadda.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal ayaa ka soo horjeeda kala dirida Guddiga Maaliyadda, isagoo laga soo xigtay in Guddoomiye kuxigeenka 1aad aanu kala tashan tallaabadaas.

DAAWO: SHACABKA UGU BADAN MUQDISHO OO AH BEESHA DIGIL IYO MIRIFLE OO FIKRADOODA KA DHIIBTEY DOORASHADA KA DHICI DOONTA MAAMULKA KOONFUR GALBEED

Nofeembar 28, 2018

WAAJIDPRESS – 28 November 2018:

 

DAAWO: DOWLADA FARMAAJO IYO KHEYRE OO KHILAAF KA DHEX BILAABEY BAARLAMAANKA DHEXDIISA

Nofeembar 28, 2018

WAAJIDPRESS – 28 November 2018:

 

DAAWO: SUXUFIYIINTA KOONFUR GALBEED OO MAANTA TABABAR KU SAABSAN SOO TEBINTA DOORASHADA KOONFUR GALBEED LOOGU QABTEY MAGAALADA BAYDHABA

Nofeembar 28, 2018

WAAJIDPRESS – 28 November 2018:

 

Xildhibaano Dacwad ka gudbiyay G/ku xigeenka labaad Golaha Shacabka

Nofeembar 28, 2018

WAAJIDPRESS – 28 November 2018:

Xildhibaano uu horkacaayay Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah Xilhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa waxa ay gudbiyeen dacwad ka dhan ah Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad.

Xildhibaanada ayaa ku doodaya in Mahad Cabdalla Cawad uu si qaldan u maamulay kulankii Sabtidii ee Golaha Shacabka, kaas oo looga doodayay Warbixintii Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka.

Qoraal uu qoray Xildhibaan Mahad Salaad ayuu kaga dalbaday Guddoonka Baarlamaanka Soomaliya in tallaabo sharci ah laga qaado Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, waxaana uu cuskaday qodobo ka mid ah Dastuurka KMG ah – Akhriso: