Archive for Diseembar, 2018

War deg deg ah: Ergeyga Qaramada Midoobey oo warqad kulul u qoray Wasiirka Amniga (Dhacdadii Baydhabo iyo Xariggii Roobow

Diseembar 31, 2018

WAAJIDPRESS – 31 December 2018:

Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Hayom ayaa warqad u qoray Wasiirka Amniga ee dawladda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow.

Warqaddaas ayuu kaga hadlay saamaynta ka iman karta wararka sheegaya in ciidamo Soomaali ah oo ay taageerto Qaramada Midoobay inay ku lug lahaayeen qabashada Mukhtaar Roobow 13-kii bishan December, iyo dhimashada 15 rayid ah iyo dhaawaca laba qof oo kale oo dhaawacmay, iyo weliba qabqabashada 300 kale oo ku lug lahaa bannaanbaxyo dhacay saddexdaasi maalmood ee kala ahaa 13, 14 iyo 15-ka, dadkaasi oo 254 ka mid ah la hayey wax ka badan 48 saacood inkastoo la sii daayay muddadii u dhaxaysay 18-22-ka Diismabar.

Nicholas Hyasom waxa uu warqadda ku sheegya in dadka la qabqabtay la sheegya inay u badnaanyeen carruur.

Waxa uu sheegay in qaraararada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay adkaynayaan in kaalmada Qaramada Midoobay ay ku xidhnaanto ilaalinta xeerarka xuquuqda aadanaha. Waxa uu sheegay in Qaramada Midobay ay haatan taageero siiso ciidamada boolisika federaalka iyo ciidamada booliiska Koonfur Galbeed.

Waxa uu Haysom warqaddaasi ku sheeegay inuu warqad ka helay Midowga Yurub, Jarmalka iyo Britain kuwaasi oo u sheegay inay hakinayaan kaalmadii ay siin jireen ciiddamada boolisika Koonfur Galbeed, iyaga oo sabab uga dhigaya hab dhaqanka ciidanka booliiska Koonfur Galbeed ee xilligii doorashada iyo hadallo uu jeeeidyey Taliyaha ciidamada Koonfur Galbeed.

Waxa uu ku sheegay warqaddaasi in warar lagu kalsoon yahya ay u sheegeen in qabashda Mukhtara Roobow ay ka dambeeyeen ciidamada Itoobiya qaybtooda fadhigoodu yahay magaalada Baydhaba.

Waxa uu sheegay in muddo kooban lagu hayey xarunta ciidamada 3aad ee AMISOM oo ah kuwa Itoobiya kadibna lagu wareejiyey ciidamada amniga Soomaaliya.

Waxa uu sheegay inuu helay warqaddii ay wasaaradda amniga ka qortay xariga Roobow balse ay cuskatay inuusan ka soo wada bixiin shuruudihii dhaqan celinta iyo inuu hub iyo ciidan soo galiyey magaalada Baydhaba si uu xasilloni darro u abuuro.

Haysom waxa uu sheegay in haddii eedahaas la xaqiijiyo ay yihiin kuwo culus,. Hase yeeshee waxa uu sheegay inaan weli Roobow la hor keenin maxkamad, isla markaana aan dambi lagu soo oogin.

Haysom waxa uu ka dalabaday wasiirka Amniga Soomaaliya Maxmamed Abuukar Islow inuu sharraxaad ka bixiyo sharciga loo cuskadaay qabashada Roobow, ciidanka Soomaaliyeed ee hawsha fuliyey, iyo haddii ay taageero ka codsadeen ciidamada Itoobiya.

Waxaa kale uu ugu baaqay inuu soo sheego tallaabooyinka la qaaday si loogu baahdo xaaladda ay ku dhinteen dadkii dhintay iyo kuwa dhaawacmay intii u dhaxaysay 13-15 kii Diisambar, ciidamada hawsha ku jiray makrii uu socdeen banaanbaxyasa Baydhaba iyo su’aalo kale.

Advertisements

XILDHIBAAN AXMED CABDULLE MAYOW OO MAANTA AAS QARAN MUQDISHO LOOGU SUUBIYEY

Diseembar 31, 2018

WAAJIDPRESS – 31 December 2018:

 

Masjid kuyaala xarunta Madaxtooyada Soomaaliya waxaa salaada Janaasada lagula dukaday Allaha u naxariistee Marxuun Xildhibaan Axmed Mayoow Cabdulle (Korneel Ruush) oo shalay galab ku geeriyooday Muqdisho.

Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Dr. Maxamed Mursal Sheekh CabdiRAXMAAN  ayaa saakay ka qeyb galay Salaada Janaasada ee Marxuum Xildhibaan Axmed Mayoow Cabdulle (Korneel Ruush) – (oo ka soo Jeedey BEELWEYNTA DIGIL iyo MIRIFLE) – ALLAHA U NAXARIISTO.

Salaada Janaasada oo marxuumka lagula dukaday Masjidul Shuhadaa ee ku yaalla gudaha madaxtooyada Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay Ra’isal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre, xildhibaanada labada golle ee Baarlamaanka, wasiiro, ehelka Marxuumka iyo masuuliyiin ka socday hay’addaha dowladda.

Masuuliyiinta ka qeyb gashay Janaasada ayaa Alle uga baryay Marxuumka inuu Janadii Firdowsa geeyo, eheladii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Mursal ayaa sheegay in Marxuumka uu ahaa Shaqsi afgaaban oo mar walbo cibaadada Alle ku dadaala, naxariis badan dadkana caawiya, ku weyn tahay Soomaalinimada, jeclaa hormarinta dowladnimada, midnimada iyo dib u heshiisiinta.

Alle ha h naxariistee Xildhibaan Korneel Ruush waxa uu ka mid ahaa baarlamaankan 10-aad ee hada shaqeeyo gaar ahaan golaha shacabka, waxaa laga soo doortay koofur galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu xubin ka ahaa guddiga dastuurka ee labada golle ee Baarlamaanka.

Shalay galab ayaa Xildhibaanka wadnaha istaagay, waxa uu ugu dambeyn ku geeriyooday Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho, iyadoo maanta lagu aasay isla Muqdisho.

War deg deg ah DAAWO: Faroole oo weerar afka oo culus ku qaadey Madaxweynaha PUNTLAND Gaas

Diseembar 30, 2018

WAAJIDPRESS – 30 December 2018:

 

War deg deg ah: Guddoomiye kuxigeen Degmo iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa oo weerar lagu dilay

Diseembar 30, 2018

WAAJIDPRESS – 30 December 2018:

Rag hubeysan ayaa weerar ku dilay Guddoomiye ku xigeenkii Degmada Matabaan iyo Saddex ka mid ah ilaaladiisa, sida ay inoo sheegeen saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka.

Allaha unaxariistee Guddoomiye kuxigeenka la dilay oo lagu magacaabi jiray Faarax Nuur Guure (Faarax Dheere) iyo ilaaladiisa ayaa la dilay, kadib markii loo galay wadada.

Faarax Dheere iyo xubnaha la socday ayaa ka yimid dhanka Degmada Maxaas, waxayna ku sii jeedeen magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Warar madax banaan ayaa sheegaya Dableyda weerarka geysatay inay horey u sii qaateen Hubka iyo Gaarigii uu watay Guddoomiye kuxigeenka.

Ciidamo ka tirsan xoogga dalka ayaa ku baxay goobta uu weerarka ka dhacay, waxayna ku raad joogaan gacan ku dhiigalayaasha.

Ilaa iyo haatan ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkaasi lagu dilay gudoomiye ku xigeenkii Degmada Matabaan iyo ilaaladiisa.

War deg deg ah: Gudoomiye Waaxeed ka tirsan Maamulka degmada Xamarweyne oo Maanta Muqdisho lagu diley

Diseembar 29, 2018

WAAJIDPRESS – 29 December 2018:

Kooxo hubeysan ayaa goor dhow dil u geystay guddoomiyihii Waaxda Horseed oo ka tirsan degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir kaasoo lagu magacaabi jiray Xaaji Iikar (ALLAHA U NAXARIISTO).

Dad goobjoogayaal ah ayaa Dalsan waxa ay u sheegeen in dilka uu ka dhacay Xaafadda  Koodka gaar ahaan meel u dhow Masjidka Aw-Cismaanka ee degmada Xamarweyne ee Muqdisho.

Dableyda ayaa sidoo kale dilay nin shacab ah oo la socday kaasoo wararka qaarkood ay sheegayaan inuu ka tirsanaa shaqaalaha shirkadda Dahabshiil Laanta Xamar-weyne kaasoo magaciisa lagu sheegay Maxamed Muxyadiin sida goob joogayaal ay ku warameen.

Xaalada degmada Xamar-weyne ayaa kacsan caawa waxaana lagu soo daadiyey ciidamo ka tirsan amaanka oo baadi goobaya kooxaha dilka geystay oo baxsaday.

Magaalada Muqdisho ayaa ku soo batey dilalka qorsheysan, kuwaasi  oo loo geysto Mas’uuliyiinta ka tirsan Dowlada iyo dadka shacabka ah,waxaana Mas’uuliyadooda sheegta Al-shabaab.

 

War deg deg ah DAAWO: MADAXWEYNAHA GALMUDUG XAAF OO EEDEYN KULUL U JEEDIYEY DOWLADA FARMAAJO

Diseembar 29, 2018

WAAJIDPRESS – 29 December 2018:

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo shir jaraa’id ku qabtay maanta magaalada Dhuusomareeb ayaa ku eedeeyay dowlada inay cunoqabatayn saartay oo ay ka joojisay lacagii dowlada dhexe iyo kuwii Caalamka uga iman jirey.

Shirka jaraa’id ayuu ku sheegay Madaxweyne Xaaf in dhaqaalihii ay ku dhisan lahaayeen ciidamo Boolis laga joojiyay ayna dowladu 19kii bilood ee ugu dambeysay ay cadaadis ku hayso dowlad goboleedka Galmudug.

“Runtii dowladda Federaalka dagaal ayay nagula jirtaa dhaqaalihii waa nagala jaray 19 bilood aan jirnay,maalin walba Guddi federal ayaa naloo soo diraa kuwaas oo Galmudug burburinaya ayuu yiri Madaxweyne Xaaf – DAAWO:

 

War deg deg ah Akhriso ka dib DAAWO: dowlad Goboleedka Puntland oo deeganadeeda ka mamnuucday masuuliyiinta Dowladda Federaalka

Diseembar 29, 2018

WAAJIDPRESS – 29 December 2018:

Puntland ayaa sheegtay in ay mamnuucday inta doorshadu socota shaqaalaha dowladda Federaalka Soomaaliya sida Wasiirada, Agaasimayaasha ,Saraakiisha ciidanka iyo hawlwadeenada Madaxtooyada ka tirsan dowlada Farmaajo iyo Kheyre.

War ka soo baxay Guddiga amniga doorashada uuna ku saxiixnaa Wasiirka amniga Puntland Axmed Cabdulaahi Yuusuf Dowlad ayaa lagu sheegay go’aankan iyo sidoo kale go’aano kale oo la xiriira doorashada la qorsheeyay 8-da Janaayo 2019.

Go’aanada ka soo baxay Puntland

1 – In cid aan ahayn askari shaqo ku jira aysan hub la dhexmari karin caasimada Puntland ee Garowe mudada doorashadu socoto.

2 – Inta doorashada Puntland ay dhacayso waxaa la mamnuucay inay soo galaan shaqaalaha dowladda Federaalka Soomaaliya, sida Wasiirada, Agaasimayaasha,Saraakiisha Ciidamada iyo howl wadeenada Madaxtoyada Soomaaliya.

3 – Inaan la soo galin karin lacago kaash ah dhammaan garoomada diyaaradaha iyo baraha kale ee kontoroolada laga soo gaol Puntland, lacag kasta oo sharci daro ku soo gashana waa lala wareegayaa

4 – In diyaaradaha imaanaya Puntland ay soo gudbiyaan liiska rakaabka ay wadaan ka hor inta aysan ka soo degin garoomada Puntland.

5 – Si loo sugo ammaanka xiliga doorashada in la baari doono cid kasta oo soo gasha xaduudaha Puntland

6 – Inaan wax agab ciidan oo sharci darro ah lala soo gali karin Puntland.

7 – Inaan lagu qaban karin Garowe shirar siyaasadeed oo maamulka gobolka Nugaal uusan ogeyn – DAAWO:

 

Guddoomiye Mursal iyo Farmaajo oo Hal Arrin isku mari la’ & Guriga cusub uu u Guurayo Guddoomiyaha

Diseembar 29, 2018

WAAJIDPRESS – 28 December 2018:

Warar hoose ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Golaha Shacabka Dr. Maxamed Mursal Sheekh Cabdi raxmaan uu ka diiday Madaxweyne Farmaajo inay dib ugu soo laabto Hoygii uu ka degenaa Madaxtooyada Soomaaliya.

Guddoomiyaha Mursal ayaa maalmaha soo socda lagu wadaa inuu usoo guuro Guri ku yaala Agagaarka Tiyaatarka Qaranka halkaas uu doonayo inuu howlihiis Golaha ka wado.

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa inoo sheegay in Madaxweynaha Dalka uu ergo u diray Guddoomiyaha Golaha Shacabka, isagoo doonayay inuu Halkii uu ka degenaa Madaxtooyada lagu soo celiyo laakiin Guddoomiyaha ayaa ka biyo diiday isagoo sheegay inuu ku shaqeynayo Hoyga cusub uu degayo.

Afhayeenka Golaha Shacabka ayaa la sheegay inuu wali ka careysan Falkii ay Madaxda Dalka Hoygii uu ka degenaa Madaxtooyada kaga jareen Raashinka, Biyaha iyo Korontada xilligii ay taagneyd Xiisada Khilaafkii ka dhashay Warbixintii ay soo saareen Guddiga Maaliyadda.

Tan iyo markaas Mudane Mursal wuxuu degan yahay Hotelka ku yaala Agagaarka Garoonka Diyaaraddaha Aadan cadde halkaas oo ay ku badan yihiin Xildhibaanada Mucaaradka.

War hadda soo dhacay: Nin Shabaab ka tirsanaa oo saakay lagu toogtay Magaalada Baydhabo

Diseembar 29, 2018

WAAJIDPRESS – 28 December 2018:

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saakay xukun dil ah ku fulisay nin ka tirsanaa Ururka Al Shabaab, kaasoo sanadkii hore Masaajid ku yaala Magaalada Baydhabo ku dhex dilay Sheekh Maxamed Deyr, oo ka mid ahaa culimada deegaanka.

Ninkan oo lagu magacaabo Maxamed Aadan Cali Barrow ayaa bartamihii bishii June ee sanadkii hore Masaajidkan oo ku yaala xaafadda Towfiiq si naxariis darro ah ugu dilay Sheekh Maxamed Deyr, oo si weyn looga garanaayay Magaalada Baydhabo.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa 21-kii bishii June ee sanadkii 2017 xukun dil ah ku riday Maxamed Aadan Cali Barrow, ka dib markii uu qirtay dilka wadaadka, halka laba nin oo kale oo dilkaasi ku wehlineysay lagu xukumay xabsi daa’in.

Saakay oo taariikhdu ku beegan tahay 29-ka December ayaa waxaa ninkan lagu fuliyay xukunkii dilka ahaa, ee ay ku riday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Saraakiisha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay nin kasta oo Shabaab ka tirsan oo dil gaysta in la toogan doono, isla-markaana aanay wax naxariis ah u samayn doonin.

General Mahad C/raxmaan Aadan, Taliyaha Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed ayaa kol hore sheegay in soo qabashada dembiilahan ay gacan ka gaysteen dadka reer Baydhabo.

Maaha markii ugu horeysay oo Magaalada Baydhabo lagu toogto xubin ka tirsan Ururka Al Shabaab, sanadkii hore ayay ahayd markii magaaladaasi lagu toogtay afar Shabaab ahaa, oo ka masuul ahaa qaraxyo ay dad badani ku dhinteen oo magaaladaasi ka dhacay.

Maamulka Puntland u digey dowlada Farmaajo iyo Al Shabaab oo Caawa Sadex askari ku dishay magaalada Boosaaso

Diseembar 28, 2018

WAAJIDPRESS – 28 December 2018:

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al Shabaab caawa fiidkii magaalada Boosaaso ku dileen sadex askari oo katirsan ciidamada Puntland.

Sida aan Wararka ku helnay kooxo biskoolado ku hubeesnaa ayaa goob mehrad ah waxa ay ku dhax dileen sadex askari oo katirsanaa ciidamada Daraawiishta Puntland gaar ahaan kuwa ka dagaalama aaga buuraha Galgala.

Goobjooge ayaa ku waramay in sadexda askari ee katirsanaa ciidamada Daraawiishta Puntland lagu dilay meel ku dhaw xarunta dhexe ee shirkada isgaarsiinta Golis ee kutaala magaalada Boosaaso.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada dilkan loo geestay ciidamada katirsan Daraawiishta Puntland, waxaana war kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidankan lagu weeraray goob isku imaatin ah .

Ciidamada maamulka Puntland ayaa howlgalo balaaran ka sameeyay aaga lagu dilay ciidamadan katirsan Daraawiishta Puntland, lamana oga in howlgalkaasi ciidamada Puntland kusoo qabteen kooxdii dilka geesatay.

Dhinaca kale, Maanta, Maamulka Puntland ayaa Ciidamo dheeraad ah geeyay Garoomadda Diyaaradaha ee maamulka Puntland si looga hortaggo in lacago lagu galo doorashadda laga soo dejiyo magaalooyinka Puntland.

Puntland ayaa  qabta cabsi weyn oo ku aadan in dhaqaallo lagu bixiyo doorashadda maamulka Puntland ee 8 Bisha soo socota ka dhaceysa Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland.

Ammaanka Garoomadda ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana hadda socda Baaritaano ku aadan shaqsiyaadka doonaya xilka Madaxtinimadda maamulka Puntland.

Ciidamada Ammanka ayaa lagu amray in ay hubiyaan dhaqdhaqaaqyadda Garoomadda iyo waliba dadka kasoo deganaya.

Ku dhawaad 30 Musharax ayaa ku sugan Magaalada Garowe, waxaana qaarkood la sheegay in ay taageero ka helayaan dowladda dhexe ee Soomaaliya.