Archive for Janaayo, 2019

Rag hubaysan oo askari ku dilay Degmada Xamar weyne ee magaalada Muqdisho

Janaayo 31, 2019

WAAJIDPRESS – 31 January 2019:

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Degmada Xamar weyne rag hubaysan ayaa halkaasi ku dilay askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda.

Askarigaan oo dhex lugeynaayay Suuqa Degmada Xamar weyne ayaa waxaa toogasho ku  dilay laba nin oo bistoolado watay, kuwaasi oo ka baxdaday goobtii ay dilka ka gaysteen.

Ciidanka Saldhiga Booliska Xamar weyne oo tagay goobta dilka uu ka dhacay ayaa halkaasi waxa ay ka qaadeen maydka askariga falka dilka ah loo gaystay.

Ciidamada ayaa hawlgal ay sameeyeen ku guul dareystay soo qabashada raggii ka dambeeyay falka dilka ah ee loo gaystay askarigaasi.

Shabaab ayaa dilal qorshaysan waxa ay ka gaystaan Magaalada Muqdisho gudaheeda oo ay kula eegtaan askarta & dadka u shaqeeya dowladda.

War deg deg ah: Nabadoon wax kasoo doortay Xildhibaanada Golaha Shacabka oo caawa la dilay

Janaayo 30, 2019

WAAJIDPRESS – 30 January 2019:

Dabley hubeysan ayaa caawa Degmada Afgooye gaar ahaan xaafada Godey waxa ay ku dileen nin ka mid ahaa Ergadii Doorashada maamulka Koonfur Galbeed.

Raggan ayaa toogtay Nabadoonkan oo lagu magacaabi jirey  Xayeesi Mursal (ALLAHA U NAXARIISTO),  wuxuuna ka mid ahaa Ergadii wax ka soo dooratey Doorashada Xildhibaanada Koonfur Galbeed ee Baarlamaanka Federaalka.

Wararka ayaa sheegaya in dableydii dilkaasi gaysatay durba ay meesha ka baxsadeen, kadib markii ay toogasho ku dileen Xayeesi oo si wayn looga yaqaanay degmada Afgooye.

Ehelada Marxuumka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay kooxda dilka gaysatay inay ahaayeen laba ruux oo dhalinyaro ah, si nabad ahna meesha dilka ay ka gaysteen ay uga baxsadeen.

Dilalka qorsheysan ayaa maalmahaan dambe ku soo badanaya Degmada Afgooye, kuwaasi oo ay geysanayaan xubnaha hubeysan ee ka kala tirsan Ururka Al Shabaab iyo kooxda yar ee Daacish.

Ciidamada Millatariga Itoobiya oo la wareegay Magaalada Jigjiga

Janaayo 30, 2019

WAAJIDPRESS – 30 January 2019:

Xaaladda magaalada Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa degan kaddib markii ciidammada Militariga Itoobiya ay la wareegeen waddooyinka magaalada Jigjiga iyo guud ahaan goobaha muhiimka ah ee Jigjiga.

Qaar ka mid ah Shacabka ku nool magaalada Jigjiga ayaa warbaahinta u sheegay in Ciidamada Federaalka Itoobiya ay saakay xilli hore Ammaanka magaalada la wareegeen, waxaana sidoo kale Ciidamadaasi Ammaanka la sugaya Ciidamada Booliska.

Milatariga Itoobiya ayaa inta badan looga baran in ay soo dhexgalaan magaalooyinka, waxaana la sheegay in ay ka soo guureen xeradii ay ka deganaayeen duleedka Jigjiga.

Saraakiisha Dowlad Deegaanka waxay sheegeen in la dejiyay xaaladda islamarkaana magaalada ay hadda xasiloon tahay.

Rabshadihii shalay ka dhacay Jigjiga waxaa ku dhintay labo qof halka ugu yaraan Saddex qof ay ku dhaawacmeen.

War deg deg ah: Ethiopia oo qunsul cusub usoo magacowday Puntland lana kulmay Deni

Janaayo 30, 2019

WAAJIDPRESS – 29 January 2019:

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta madaxtooyada Puntland ku qaabiley Qunsulka Cusub ee Itoobiya u fadhiya Puntland, Gen. Mabratu Waldo Aragay.

kulanka uu la qaatay qunsulka cusub ee Dowladda Itoobiya u soo magacawday Dowladda Puntland Gen. Mabratu Waldo Aragay waxaa qayb ka ahaa saraakiil ka tirsan xafiiska qunsuliyada Itoobiya ee Puntland iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Qunsulka cusub ee Itoobiya u fadhiya Puntland ayaa ka mahad naqay sida maamuuska iyo meeqaamka sare leh ee Madxweynaha Puntland ugu qaabiley xafiiskiisa, waxaana uu qunsulku sheegay in uu dar-dargalinaayo wada shaqaynta Puntland iyo Eithopia,

Qunsulka cusub ee Itoobiya u fadhiya Puntland Gen. Mabratu Waldo Aragay ayaa badalay qunsulkii hore Itoobiya u fadhiyey Dowladda Puntland Mudane Asmalaash oo mudo 13 sano hayey xafiiska.

Deni ayaa qunsulka cusub uga mahadnaqay booqashada uu ugu yimid, sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in Itoobiya iyo Puntland ay yihiin deris, ayna wadaagaan soohdimo muhiima, isla mar’ahaantaana waxa uu  Madaxweynuhu hoosta ka xariiqay inay ka go’antahay dar-dargelinta wadashaqaynta ka dhaxaysa Itoobiya iyo Puntland,

Madaxweyne Deni ayaa ka guddoomey Qusulka hadiyad ka kooban hiddiyo dhaqanka Soomaalida.

War deg deg ah : Xoghayaha degmada Balcad oo la dhaawacay

Janaayo 29, 2019

WAAJIDPRESS – 29 January 2019:

Laba qof ayaa lagu dilay, afar qof oo kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray israsaaseyn maanta ka dhacday degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dadka dhaawaca ah ayaa wxaa ku jiray xoghayaha dowladda hoose ee Degmada Balcad oo israsaaseynta ay dhex martay ciidamadiisa iyo ciidamo taabacsan gudoomiyaha maamulka degmada Balcad.

Ugaas Maxamed Wali Ugaas Xuseen oo kala dhex galay labada dhinac ee dagaalamay, iska hor imaadka ayaa ka dhashay bar kontarol oo lacago lagaga qaado gaadiidka isaga kala goosha degmada Balcad iyo magaalada Muqdisho.

Xaalada Degmada Balcad ayaa xiligan caadi ku soo noqotay waxaana dib u billaabmay isu socodka gaadiidka iyo dadka.

Maamulka Koonfur Galbeed oo eedeymo culus u jeediyey Guddiga doorashooyinka Qaranka

Janaayo 29, 2019

WAAJIDPRESS  – 29 January 2019:

 

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa dhaliil xooggan u jeedisay Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Haliimo Yarey.

Qoraal ka soo baxay Wasaarada ayaa lagu sheegay in Guddiga uusan wax xiriir ah la sameyn Wasaaradda xilliyada uu Shaqooyinka ka qabanayo deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya, taasna ay tahay meel ka dhac.

Hoos ka akhriso eedeymahan iyo kuwo kale oo loo jeediyey guddiga doorashooyinka:

 

DAAWO: KURSIGA XILDHIBAANIMADA BEESHA EEMID OO SI CADAALAD DARO AH LOOGU DOORTEY BAYDHABA

Janaayo 29, 2019

WAAJIDPRESS – 29 January 2019:

 

War deg deg ah: Qarax gaari oo Maanta ka dhacay Muqdisho

Janaayo 29, 2019

WAAJIDPRESS – 29 January 2019:

Qarax aad u xoogan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay meel ku dhaw Taalada Daljirka Dahsoon gaar ahaan agagaarka xarunta Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta .

Qaraxan ayaa ka dhacay afaafka hore Kaalin Shidaal oo ku taalla agagaarka Xaruntii hore ee Baarlamaanka, gaar ahaan meel ku dhaw maqaayad lagu magacaabo Baar Italia oo xarun cusub halkaasi ka furatay.

Qaraxa goor dhaweyd ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasi oo ahaa gaari, ayaa qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho si wayn looga maqlay.

Gaariga qarxay ayaa yaalay goobta gaadiidka la dhigto ee maqaayada, waxaana qaraxa gaariga uu saameeyay goobta Kaalinta Shidaalka oo dab uu qabsaday.

Wariyeyaasheena oo goobta tegay ayaa waxa ay soo sheegayaan  in ay arkeen dhaawaca ilaa Saddex ruux oo goobta laga qaaday,kuwaas oo Haweeney ay ka mid aheyd.

DAAWO: DHIBAATOOYINKA AY LEEDAHAY XAASIDNIMADA

Janaayo 29, 2019

WAAJIDPRESS – 29 January 2019:

 

DAAWO OO KA FAAIDEYSO: DEMBIYADA AAD GASHO HADDII AADAN KA TOWBAD KEENIN WAXAY KEENTAA DHIBAATOOYIN INTII AAD ADUUNKA JOOGTID

Janaayo 29, 2019

WAAJIDPRESS – 29 January 2019:

 

DAAWO OO KA FAAIDEYSO: DEMBIYADA AAD GASHO HADDII AADAN KA TOWBAD KEENIN WAXAY KEENTAA DHIBAATOOYIN INTII AAD ADUUNKA JOOGTID: