War deg deg ah: Dab xoogan oo ka dhacay suuqa Bakaaraha iyo Askari lagu diley isla meeshaasi

WAAJIDPRESS – 10 January 2019:

Dab xoogan ayaa goor dhaw oo caawa ah waxa uu ka kacay gudaha Suuqa Bakaaraha gaar ahaan aagga Bacadlaha ee magaalada Muqdisho.

Sida ay sheegayaan wararka dabka ayaa xooggiisa waxaa uu ka socda halka lagu iibiyo dharka loo yaqaano huudheyda.

Waxaa jirta cabsi laga qabo inuu dabka fido, waxaa socda dadaalo la doonayo in lagu damiyo, waxaana goobta gaaray gawaarida dab damiska ah.

Wararka qaar agaa waxa ay sheegayaan in dabka uu ka bilaawday koronto kadibna uu sidaasi ku faafay,waxaana Magalada Muqdisho inta badan laga arkayaa holaca iyo qiica dabka.

Dhinaca kale isla Suuqa Bakaaraha, Askari ka tirsanaa ciidanka Booliska ee ka hawlgala Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa waxaa galabta lagu dilay Suuqaasi, xilli uu dhex maraayay.

Askariga oo magaciisa lagu soo koobay Ganeey ayaa waxaa dilay laba dhalinyaro ah oo Bistoolad ku hubeysnaa, waxayna ku dileen meel ku dhaw isgoyska Suuqa Bakaaraha, iyadoona dilka kadib ay ka baxsadeen halkaasi.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: