War deg deg ah: GUDI IS XILQAAMEY OO SOO SAAREY WARBIXINO KU SAABSAN XASUUQII KA DHACAY BAYDHABA MARKII AY DOWLADA FARMAAJO AFDUUBTEY MUSHARAX ROOBOW

WAAJIDPRESS – 10 January 2019:

Guddi is xilqaamay oo u ololeeya cadaalad u helista dibadbaxaayaashii ku geriyooday dibad baxyadii Baydhaba, kana kooban Siyaasiyiin, Suxufiyiin, Waxgarad, Ganacsato, iyo  Bulshada Rayidka ayaa waxa ay warqad cabasho ah u direen Wakiilada wadamada reer Galbeedka ee Soomaaliya u joogo, Xafiiska UNSOM, iyo Madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya.

Waxaana warqadooda ay u qorneyd sidatan:

“Anaga oo ah guddi is xilqaamay oo caadalad u raadinaya dibadbaxayaashii ku geeriyooday Baydhabo, waxaan warqadaan idiinkugu soo qornay in aan idiin muujino sida aan kaga xunahay warqada kasoo baxday Xafiiska maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya taariikhda markay aheyd 5’ta Bishaan Janaayo taasi oo lagu magacaabay guddi xaqiiqa raadin ah oo baara geerida dibaxbayaashii ku geeriyooday Baydhaba, kuwaasi oo ku geeriyooday gacanta Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Booliska Koonfur Galbeed, waa lagama maarmaan in cadaalada lasoo taago kuwii dilay dibadbaxaayaashii Baydhabo intii u dhaxeysay 13 ilaa 15 bishii December ee sanadkii tagay, waxaa sidoo la dhaawacay dad badan oo banaanbaxayaashaasi kamid ahaa iyadoo sidoo kale la xiray dad kale oo aanan waxba galabsan”.

Waxa kale oo ay warkooda kusii dareyn “Gudigaasi loo magacaabay xaqiiqa raadinta waxaa hubaal ah in ay yihiin kuwii ka dambeeyay ama wax ka ogaa dhacdadaasi foosha xumeyd ee lagu xasuuqay dibadbaxayaashi lagu dilay Baydhaba,”.

“Wadamada Deeqda siiya Soomaaliya waxaan u sheegaynaa in deeqdooda loo adeegsado dilka iyo dhaawicida dad aanan waxba galabsan”

Waxa ayna ugu dambeyan deeq bixiyaayasha Soomaaliya taageera ka codsadeyn in ” Dowladda dhexe ee Soomaaliya ay wax ka weydiiyaan sida ay ku dhacday dhacdadaasi foosha xun”.

Advertisements

One Response to “War deg deg ah: GUDI IS XILQAAMEY OO SOO SAAREY WARBIXINO KU SAABSAN XASUUQII KA DHACAY BAYDHABA MARKII AY DOWLADA FARMAAJO AFDUUBTEY MUSHARAX ROOBOW”

  1. libaax hurdaa lagama kacsho Says:

    Hadafka xaqiiqa raadinta isxilqaamayaasha soomaaliyeed hanoqdo mid udoodayo dibadbaxayaashi kugeeriyooday taana rabi haku garab qabto iney cadaalad iyo garsoor helaan inta geeriyotay rabi ha u naxaristo tan labaad cabashada UNsom iyo madaxdeeda waa ay kuqaldan yihin maxaa yeelay falku mageysan nacabka naduljooga ma ahan iney ujeediyan arimaha soomaaliyeed iyo wixi na dhexmaray hadi dhibka halkaa nagaso garay ad uqaadatan iney xalin karan maxalin karaan waayo shasheeye hadu dhibkena xalinayo 28sano dhibka ciidena iyo dadkena kadhacayo ayey xalin lahayen soomaalay waxad ogaataan nacabku inuu ku dhaadanaayo dhaawaceen iyo jabken xalkeena rabibaa hayee rabi an talo saarano soomaaliyey

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: