War culus: DOWLADAHA YURUB IYO DOWLADA FARMAAJO OO XIRIIRKOODA XUMAADEY

WAAJIDPRESS – 11 January 2019:

Wixii ka dambeeyay markii dowladda Somalia ay dalkeeda ka ceyrisay Wakiilkii Q/Midoobay Noicholas Haysom, waxaa sii xumaaday xiriirka dalalka Midowga Yurub iyo dowladda Somalia.

Waxaa tallaabadan si cad uga hor yimid dalalka UK, Germany iyo Faransiiska oo Golaha ammaanka ka dhex caddeeyay mowqifkooda, waxayna dalalkasi garwadeen u ah Ingiriiska oo bilaabay inuu dowladda Somalia ku ciqaabo go’aankaasi.

Sida uu qoray wargeyska The Independent Wasiirka Difaaca UK Gavin Willamson ayaa baajiyey kulamo uu la yeelan lahaa madaxda dowladda Soomaaliya, wuxuuna taas bedelkeed tegay Magaalada Hargeysa ee maamulka la baxay Somaliland, iyadoo meesha laga saaray qorshihii uu ku booqdan lahaa Muqdisho.

Tallaabada UK ayaa lagu muujiyey sida ay uga horjeedo ceyrintii Nicholas Haysom. Wargeysku wuxu sheegay in Rooboow uu yahay qofka ugu sarreeya ee beddela aragtidiisa kana baxay Al-shabab, iyadoo dowladda Ingiriiska ay qeyb ka ahayd howlgal ay iska kaashadeen Mareykanka oo Rooboow looga soo badbaadiyay degaannada ay heystaan Al-shabab.

Dalalka UK iyo Germany ayaa hore ugu dhawaaqay inay joojiyeen taageeradii ay siin jireen booliska Koonfur Galbeed oo lagu eedeeyay falalkii ka dhacay magaalada Baydhaba.

Dowladda Soomaaliya ayaan wax war ah kasoo saarin tallaabada wasiirka Difaaca UK.

Advertisements

One Response to “War culus: DOWLADAHA YURUB IYO DOWLADA FARMAAJO OO XIRIIRKOODA XUMAADEY”

  1. libaax hurdaa lagama kacsho Says:

    Taasi waxey kadhigan tahy wakiilka q m hadii La eryay somali howlihii nooga fuli jiray inoogama fulaayaan aragtideyda gaarka ah waxan leeyahy madaxda somaliyed iney talada eeba saartaan ooy kagudbaan musuqaan iyo dhibkaan faragalinta dowladaha urup iyo faransiiska wuxuu caadil noo qoray nagama celin karaan ee rabi ha inoo curiyo nabad iyo midnimo ku saleysan diinta islaamka

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: