War deg deg ah: Bangiga Dhexe ee Somalia oo ruux Ajnabi ah Madax looga dhigayo iyo Digniin laga bixiyay

WAAJIDPRESS – 12 January 2019:

Iyadoo maanta uu baaqday kulan Xildhibaanada Golaha Shacabka Somaliya ay ku yeelan rabeen Magaalada Muqdisho, ayaa Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Golaha Shacabka, wuxuu sheegay Ajandaha Golaha Shacabka inuu ahaa Soo jeedin wax looga bedelaayo Sharciga Bankiga dhexe ee dalka.

Xukuumada Soomaaliya ayaa damacsan  in ruux ajnabi ah Madax uga dhigto Bangiga Dhaxe ee Soomaaliya, waxaana qorshahan hada kasii digaya Xildhibaano katirsan golaha shacabka.

Kulanka ugu horeeya ay yeelanayaan Xildhibaanada golaha shacabka maalinta Isniinta ayaa la filayaa in Baarlamaanka la horkeeno wax kabadalka sharciga Bangiga dhaxe si ruux ajnabi ah madax looga dhigo.

Sharciga Bangiga Dhaxe ee wax ka badalka lagu samaynayo ayaa xeerinaya in Guddoomiyaha, Guddoomiye Ku Xigeenka, iyo 5ta xubnood kale ee Golaha Agaasimayaasha (Board of Directors) ay ahaadaan muwaadiniin Soomaaliyeed.’

Dowladda Somaliya ayaa wada qorshe Bankiga Dhexe nin Ajanbi ah Agaasime looga dhigaayo, waana sababta loogu baahday in wax ka bedel loogu sameeyo Sharciga Bankiga dhexe.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa ka digay qorshaha wax ka badelka lagu sameenayo sharciga Bangiga Dhaxe si dad ajaaniib ah madax looga dhigo.

Qoraal uu soo dhigay Boggiisa xiriirka Bulshada, ayaa Xildhibaan Mahad Salaad wuxuu uga hadlay Qorshaha socda ee Ajnabiga loogu dhiibayo Bankiga dhexe.

Qoraalka Xildhibaan Mahad Salaad ayaa u qornaa sidan.

BEEC GEYNTA BANGIGA DHAXE waa mashruuc bilowgiisa aan aragno lkn dhamaadkiisa cidi aysan ogeyn!

Soo jeedin wax looga badalayo Sharciga Bangiga Dhexe ayaa la horkeenayaa Golaha Shacabka maalinta Isniinta ah si nin AJNABI ah loogu dhiibo Bangiga Dhaxe.

Sharciga Bangiga Dhaxe ee wax ka badalka lagu samaynayo ayaa xeerinaya in Guddoomiyaha, Guddoomiye Ku Xigeenka, iyo 5ta xubnood kale ee Golaha Agaasimayaasha (Board of Directors) ay ahaadaan muwaadiniin Soomaaliyeed.

Haddaba, waxaa isweydiin mudan:

  1. Maxaa xikmad ah oo kujira in xiligaan shuruucda dalka loo badalo nin AJNABI ah si loogu dhiibo Bankiga Dhaxe oo ah hay’adda ugu saraysa ee maamusha dhaqaalaha dalka?
  2. Maxaa looga cararayaa muwaadinka Soomaaliyeed ee aqoonyahanka wadaniga ah, laguna doortay nin AJNABI ah oo cilmi maaliyadeed aan baran. Shaqo maaliyadeedna aan soo qaban sida CV-giisa ka muuqata?
  3. Mise waxaa jira qorsheyaal kale oo naga qarsoon oo in aan ogaanana hada aysan muhiim ahayn?!

 

Advertisements

One Response to “War deg deg ah: Bangiga Dhexe ee Somalia oo ruux Ajnabi ah Madax looga dhigayo iyo Digniin laga bixiyay”

  1. Bangiga Dhexe ee Somalia oo ruux Ajnabi ah Madax looga dhigayo iyo Digniin laga bixiyay – Moment Messenger Says:

    […] War deg deg ah: Bangiga Dhexe ee Somalia oo ruux Ajnabi ah Madax looga dhigayo iyo Digniin laga bix… […]

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: