WAAJIDPRESS – 11 February 2019:

Wararka Radio Dalsan Caawa sheegtey ee  Magalada Boosaaso oo ah Xarunta Gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu dilay Nin la sheegay in uu ahaa Ganacsade.

Ganacsadaha la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Salaad Cabdi Cukaash,waxaana la sheegay in uu Xisaabiye Guud ka ahaa Shirkad Ganacsi oo lagu Magacaabo Horseed.

Wariyeyaal ku sugan boosaaso ayaa waxa ay sheegeen in xilliga la dilayay Ganacsadaha uu ku sugnaa Xaafada  Raf iyo Raaxo,isla markaana uu kasoo baxay Masjidka Cali Bin Abu-Daalib  ee uu Salaadii Cisha kusoo dukaday.

Dadkii ka dambeeyay dilkaas ayaa Goobta ka baxsaday,lamana oga sababta loo dilay iyo dadkii ka dambeeyay dilkaas,waxaana haatan howlgal boosaaso ka wada Ciidamada Booliska Puntland,kaas oo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dalbeeyay dilkaas.

Dilka ka dhacay Caawa Magalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa kusoo aadaya xilli isla Caawa Xaafada Howl-Wadaag ee Magalada Baladweyne lagu dilay Sarkaal ka mid ahaa Waaxda Maaliyadda ee Maamulka gobolka Hiiraan.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: