War hadda soo dhacay: Dilal ka kala dhacay Maanta Muqdisho iyo Baledweyne

WAAJIDPRESS – 11 February 2019:

Koox hubeysan ayaa duhurnimadii maanta waxa ay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir gaar ahaan xaafada Kaawo Godey ee magaalada Muqdisho  ku dishay nin Ganacsade oo ka mid ahaa dadka Deegaanka.

Dilkan ayaa ka dambeeyay ka dib markii laba Dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolado ay goobtiisa ganacsi ay ku dileen Ganacsade Abshir Muuse oo caan ka ahaa  xaafadaasi.

Raggii dilka geystay oo aan la ogeyn halka ay ka tirsan yihiin ayaa goobta ka baxsaday kahor inta aysan halkaasi gaarin ciidanka ammaanka oo sameeyay baaritaan lagu soo qabtay dhowr qof oo dhalinyaro u badan.

Dadka ehelka la ah marxuumka la dilay ayaa sheegay in aysan garaneyn sababta loo beegsaday Abshir, waxayna dowladda ka dalbadeen inay cadaaladda horkeento raggii dilka ka dambeeyay.

Sidoo kale isla Maanta, Dabley hubeysan ayaa caawa waxa ay xaafada Hawlwadaag ee Magaalada Beledweyne ku dileen sarkaal ka tirsanaa qeybta Maaliyadda Gobolka Hiiraan.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in dilkan uu si gaar ah uga dhacay agagaarka Aargada Sheekh Xasan Barsame, islamarkaana lagu beegsaday nin si weyn looga yaqaanay Magaalada Beledweyne.

Gacan-kudhiiglayaasha ayaa goobta ka baxsaday marka ay toogteen Cusmaan Cali Maadey oo loo yaqaanay Cusmaan Ganeey.

Laamaha ammaanka ayaa dilka kadib bilaabay hawlgal lagu baadi goobayo Maleeshiyada dilka geysatay oo loo maleynayo inay ka tirsan tihiin Mintidiinta Al Shabaab.

Masuuliyiinta Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in aysan aqbaleyn in bartamaha magaalada dil uu ka dhaco, islamarkaana ay baxsadaan ragga dilka fuliyay.

 

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: