Archive for Abriil, 2019

DAAWO: XUKUN DIL AH OO MAANTA LAGU RIDEY DADKII BAANGADAHA MUQDISHO KU DILEY AXMED DOWLO OO KA SOO JEEDEY BEESHA JAREER

Abriil 30, 2019

WAAJIDPRESS – 30 April 2019:

 

Weerar lagu qaaday Guriga Taliye ka tirsan Ciidamada Jubbaland iyo Khasaare ka dhashay

Abriil 30, 2019

WAAJIDPRESS – 30 April 2019:

Weerar bambaano oo xalay lagu qaaday Guri uu degmada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose ka degenaa Taliye ka tirsan Ciidamada Jubbaland.

Weerarkan bambaano ayaa la sheegay inuu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana ku dhintay hal askari, halka lix kale oo uu ku jiro Taliyaha uu ku dhaawacmay.

Taliyaha ku dhaawacmay weerarka bambaano ayaa la sheegay inuu ahaa Taliyihii Ciidamada ee deegaanka Taabta oo u dhaxeysa Dhoobley iyo Afmadow.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqleen qarax xooggan iyo rasaas, waxaana la sheegay in kooxdii weerarka ka dambeysay ay baxsadeen.

Degmada Dhoobley oo ku dhow xuduuda Kenya ayaa ka mid ah deegaanada Jubadda Hoose ee amnigeeda wanaagsan yahay, iyadoo ay saldhig weyn ay ku leeyihiin Ciidamada kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

DAAWO: GUDOOMIYAHA BAARLAMAANKA OO FADHIGII MAANTA XILDHIBAANADA KU ADKEEYEY IN AY ILAALIYAAN…..

Abriil 30, 2019

WAAJIDPRESS – 29 April 2019:

 

DAAWO: MAAREEIYIHII TIYAATARKA OO XILKA LOOGA QAADEY KA DIB MARKII IDAACADIISA KA HADASHEY FARMAAJO

Abriil 29, 2019

WAAJIDPRESS – 29 April 2019:

 

DAAWO: WASAARADA CADAALADA IYO GARSOORKA KOONFUR GALBEED OO SOO SAARTEY AWAAMIR KU AADAN…..

Abriil 29, 2019

WAAJIDPRESS – 28 April 2019:

 

DAAWO: BEELAHA SHANTA CALEEMOOD OO MAANTA SHIR KU QABTEY MAGAALADA WANLAWEYN EEDEYNA U JEEDIYEY XILDHIBAAN JEESOW OO KEENEY CIIDAN ISBAARO DHIGTEY

Abriil 28, 2019

WAAJIDPRESS – 28 April 2019:

 

DAAWO: XILDHIBAAN IDIRIS OO CADEEYEY IN FARMAAJO IYO KHEYRE BAALMAREEN AWOOD QEYBSIGII BEELAHA

Abriil 28, 2019

WAAJIDPRESS – 28 April 2019:

 

War deg deg ah: Qarax khasaare gaystay oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Abriil 28, 2019

WAAJIDPRESS – 28 April 2019:

Wararka inaga soo gaaraya deegaanka Waydow ee duleedka Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in goor dhaweyd halkaasi uu ka dhacay Qarax miino oo gaystay Khasaare.

Qaraxan ayaa la dhigay wadada dhinaceeda, waxaana lala eegtay gaadiid Cabdi bile ah oo maraayay meesha, sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Todobo ruux ayaa ku dhaawacantay Qaraxaasi oo Afar ka mid ah yihiin Ciidamo Militari ah oo saarnaa Gaari Cabdibile ah oo laamiga maraayay, halka saddexda ruux ee kale yihiin shacab fadhiyay meel ku dhaw laamiga.

Qaraxan oo la dhigay wadada dhinaceeda meel good hoostiisa ah ayaa markii uu dhacay Ciidamada Militariga ee wadada maraayay, waxa ay fureen rasaas xoog leh, balse lama sheegin khasaare ka dhashay rasaastaasi.

Gaariga Ciidanka ayaa horay u sii cararay, waxaana ay sii qaateen dhaawacyada askarta soo gaaray.

Dadka shacabka ah ee dhaawaca soo gaaray laba ka mid ah dhaawacyadooda waa ay liitaan oo qaraxa wuxuu ka saameeyay dhanka madaxa sida Saraakiisha amniga ay inoo sheegeen.

Wadada isku xirta Muqdisho & Afgooye ayaa noqotay mid halis badan oo amnigeeda uu liito, maadaama joogto ay uga dhacaan qaraxyo & dilal qorsheysan.

DAAWO: Kulan ay maanta ku kulmeen madaxdii hore oo fartiin loogu diray Farmaajo

Abriil 27, 2019

WAAJIDPRESS – 27 April 2019:

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacdey xafladda daah-furka xisbiga Himilo Qaran, waxaana ka soo qeyb galay xisbiyada siyaasadda iyo mas’uuliyiin ka socotay beesha caalamka.

Xaflada lagu daah-furayay Xisbiga Himilo Qaran oo Ay ku wada kulmeen maanta madaxdii hore, Gudoomiye Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Gudoomiyihii hore Baarlaamaanka Sheekh Aadan Madoobe,  Madaxweynihii Hore Shiikh Sharif iyo Madaxweynihii Hore Xassan Shiikh ayaa waxa uu aha mid fartiin cad loogu diray Madaxweyne Farmaajo. Fartiinta ayaana ahayd mid loogu muujinayo in labo sano ka dib dalkii Soomaaliya uu faraha ka sii baxaya islamarkaan anaan laga aamusi karin xaalada jirta – DAAWO 5 video ee khudbadihii maanta:

Video – 1:

Video – 2:

 

Video – 3:

 

Video – 4:

Video 5:

Saddex Xildhibaan oo ka mid noqon doono Baarlamaanka Federraalka ayaa maanta lagu doortay Magaalada Baydhabo

Abriil 27, 2019

WAAJIDPRESS – 27 April 2019:

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta lagu qabtay doorashada Kuraas ka bannaan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Cali Sheekh CabduLLAAHI  (Cali Afgooye) ayaa ku guuleytay kursiga xildhibaanimo ee uu banneeyay agaasimihii Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Xuseen Cismaan Xuseen.

Cali Afgooye ayaa helay dhammaan codadkii Ergadu dhiibteen ee ahaa 51 Xubnood, musharraxii kale ee loo diiwaan geliyay inuu la tartamo ayaa goobta ka maqnaa.

Sidoo kale, Nuur Siidow Baaba Xasan ayaa ku guuleystay kursiga xildhibaanimo ee uu baneeyey Marxuum Axmed Mayow Cabdulle ( Korneyl Ruush).

Nuur Siidow ayaa helay 48-Cod oo ka mid ah codadka 50-ka Ergo ee codeysay, halka musharaxa kale ee Fiqi C/llaahi uu helay 1-cod, halka 1-cod kale uu halaabay.

Cali Cadow Maxamed ayaa ku guuleystaay Doorashada boos buuxinta kursiga uu banneeyaay Madaxweynaha Koonfuur galbeed ka dib markii uu helay 28-cod halka musharaxiintii la tartameysay ay kala heleen.

Cabdicasiis Cali Macallim uu helay 16-cod

Shamso Ibraahim Maxamuud waxay heshay 4-cod halka 3-cod kale ay halaabeen.