Archive for Maajo, 2019

DAAWO: DHALINYARADA AQOONYAHANADA DIGIL IYO MIRIFLE AYAA DOOD MAANTA KA YEESHEY QODOBO KU JIRA DASTUURKA KU MEEL GAARKA

Maajo 31, 2019

WAAJIDPRESS – 31 May 2019:

 

Advertisements

DAAWO: GANACSIYO BADAN OO BAYDHABA KU SOO KORDHEY IYO HORUMAR…

Maajo 31, 2019

WAAJIDPRESS – 31 May 2019:

 

War deg deg ah: Koox hubeysan ayaa magaalada Muqdisho gaar ahaan Xaafada Garasbaaley ku dishay nin goobtiisa Ganacsi ay kala baxeen

Maajo 30, 2019

WAAJIDPRESS – 30 May 2019:

Koox hubeysan ayaa xalay abaare 11:00 habeenimo Garasbaaley gaar ahaan aagga Tabeellaha Sheekh Ibraahim ka afduubtay nin Bakhaar Ganacsi ku lahaa halkaasi.

Ninkan oo magaciisa lagu soo koobay Xasan ayaa xalay rag hubeysan oo watay Gaari Kaarib ah ugu tagay goobtiisa Ganacsi, kadibna iyaga oo u xiray Garba Duub, islamarkaana Indhaha ka xiray ayay kala dhaqaaqeen halkaasi.

Dadka Deegaanka ayaa inoo sheegay in ninka la afduubtay la geeyay xaafad lagu magacaabo Baydhabo Yareey, halkaasi oo ugu dambeyn ay ku toogatay kooxdii afduubatay.

Ilo xog ogaal ah ayaa inoo sheegay in ninkan uu ka mid ahaa ragga sida hoose ula shaqeyn jiray Argagixisada Al Shabaab, islamarkaana maalmihii dambe si aad ah loola socday dhaq dhaqaaqiisa.

Qaar ka tirsan ehelada Marxuumka ayaa Shabakadda Dhacdo.com waxa ay u sheegeen in wiilkooda maalmihii dambe telefoonkiisa gacanta uu ku helayay fariimo hanjabaad ah, balse aysan garaneyn cida dilkiisa ka dambeysay.

“AUN Marxuum Xasan, magaraneyno cidii dishay, si arxan daran ayaa loo dilay, maalmihii dambe fariimo hanjabaad ah ayaa loo soo dirayay, wiilkeena qof shacab ah ayuu ahaa, magaraneyno sababta loo beegsaday”. ayuu yiri qof ka mid ah ehelka ninka la dilay.

Hay’adaha ammaanka ayaa bilaabay dabagalka raadka lagu ogaanayo raggii dilka ka dambeeyay oo ilaa hadda aanan la ogeyn halka ay ka tirsan yihiin.

Dadka Deegaanka gaar ahaan aagga uu falkan ka dhacay ayaa sheegay inay dareemayaan cabsi, waxayna tilmaameen in fiidka horeba ay iska xirayaan goobohooda Ganacsi.

DAAWO: KULAN LOOGA HADLAYEY DASTUURKA SOOMAALIYA OO MAANTA KA DHACAY MAGAALADA BAYDHABA

Maajo 30, 2019

WAAJIDPRESS – 30 May 2019:

 

War culus DAAWO: XILDHIBAAN XIDIG OO SHEEGEY IN MADAXTOOYADA JUBALAND LAGA SOO ABAABULEY QORSHE ISAGA LAGU KHAARIJIN LAHAA

Maajo 29, 2019

WAAJIDPRESS – 29 May 2019:

 

DAAWO: DOWLAD GOBOLEEDKA KOONFUR GALBEED OO MAGAALADA MARKA KA BILOWDEY BACAAD QAADID IYO NADIIFID

Maajo 28, 2019

WAAJIDPRESS – 28 May 2019:

 

DAAWO: TABABAR SADEX MAALIN KA SOCDEY BAYDHABA OO LA SOO GABAGABEEYEY

Maajo 28, 2019

WAAJIDPRESS – 28 May 2019:

 

War deg deg ah: Gabar dhalinyaro aheyd oo xalay lagu dilay Gaalkacayo

Maajo 28, 2019

WAAJIDPRESS – 28 May 2019:

Wararka aan ka helayno Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, ayaa waxa ay sheegayaan Koox manaxayaal ah xalay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ay ku dileen gabar dhalinyaro aheyd.

Gabadhaan ayaa waxaa ay ka soo baxday Tukashada Salaadii Taraawiixda ee xalay, waxaana ay u socotay gurigeeda, markii dableyda arxan laawayaasha ah dhuunta toorey ay ka galiyeen, iyadoo meel wado ah socota.

Allaha u naxariistee Nimco Cumar Shire (Xuuray) ayaa lagu dilay Xaafadda Garsoor ee Magaalada Gaalkacyo ,waxaana dilkaan si wayn uga argagaxay shacabka Magaalada Gaalkacyo oo xalay dhan falkaan la amakaagsanaa.

Qof ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in raggii ka dambeeyay dilka argagaxa laheyd ee gabadhaasi loo gaystay inay ka baxsadeen goobta, kadib markii tooreyda ay ku dhaawaceen gabadha, ugu dambeyna dhaawacaasi ay u geeriyootay.

Magaalada Gaalkacyo ayaa hooy u noqotay goob ay ka dhacaan falalka argagaxa leh ee lagu beegsado gabdhaha dhalinyarada, xilli la wada xusuusto falkii kufsiga & dilka isugu jiray ee loo gaystay ALLAHA U NAXARIISTO Caaisha Ilyaas Aadan oo aheyd gabar 12 sano jir aheyd.

War deg deg ah DAAWO: JUBALAND OO SI KULUL UGU JAWAABTEY QORAALKII HABRAACA DOORASHADA AY SOO SAARTEY DOWLADA FARMAAJO EE KU AADAN JUBALAND

Maajo 27, 2019

WAAJIDPRESS – 27 May 2019:

 

War deg deg ah: Gaari ku qarxay Wadada hor-marta Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho

Maajo 27, 2019

WAAJIDPRESS – 27 May 2019:

Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ku qarxay Wadada hor-marta Xeebta Liido abaarihii salaadi maqrib xilliga Afurka.

Qaraxan ayaa ka dhashay Gaari FIELDER ah  la soo hoos geliyay waxyaabaha qarxa, waxaana si weyn looga maqlay Degmooyinka Gobolka Banaadir ee dhaca Qeybta Bari.

Dadka shacabka ah ee ka Afurayay maqaaxiyaha ku yaalla Xeebta Liido ayaa dareemay cabsi ku aadan in Ururka Al Shabaab ay soo weerareen Liido.

Taliye Kuxigeenka Ciidanka booliska Soomaaliya ahna Afhayeenka laamaha amaanka ee dowladda Jeneraal Zakiya Xuseen Axmed, ayaa sheegtay ineysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay qaraxa, kaasoo loo adeegsaday gaari noociisa yahay Toyota filler.

Abbaaro 6.30pm ayaa baabuur noociisa yahay Toyota filler ku qarxay agagaarka aargada Liido. Nasiib wanaag dhimasho iyo dhaawac ma jiro” ayey tiri Zakiya.

Xiliga qaraxa Caawa uu dhacayay waxa ay eheyd waqti dadka ay ku mashquulsanaayeen Af-furka, taasoo yareysay khasaaraha maadaama dadka ay ku kala xaroodeen goobihii ay ku af-furayeen.

Tan iyo markii la galay bisha Ramadaan ayaa waxaa magaalada ka dhacay qaraxyo dhowr ah oo loo adeegsaday gawaari, kuwaasoo labo ka mid ah ay ahaayeen is qarxin.