Archive for Luulyo, 2019

DAAWO: CIIDAMADA ROOBOW OO MAANTA LA WAREEGEY DHOWR DEGMO OO KA TIRSAN GOBOLKA BAKOOL

Luulyo 31, 2019

WAAJIDPRESS – 31 July 2019:

 

War deg deg ah: Suldaanka Beesha Samaale oo caawa lagu toogtay Magaalada Kismaayo

Luulyo 31, 2019

WAAJIDPRESS – 31 July 2019:

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ayaa waxay sheegayan in fiidnimadii caawa magaaladaasi lagu toogtay mid ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee sida weyn looga garanayo Deegaanada Jubbooyinka.

Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa goor dhow xaafadda Dalaacadda waxay ku toogteen Suldaan CabdiRASHIID Suldaan Muuse Shire (Suldaan Dure), Suldaankii Beesha Samaale.

Suldaanka oo si xun u dhaawacmay ayaa waxaa goobtaasi ka qaaday dad is xilqaamay oo ula cararay goobaha caafimaadka. Sidoo kale waxaa lala dhaawacay laba nin oo kale oo la socday.

Raggii weerarka soo qaaday oo aan heybtooda la garanayn ayaa waxaa u suurtagashay in ay ka baxsadaan Isgoyska Caasha Deerow ee xaafadda Dalacaadda.

Ciidamada Nabad Suggida iyo Booliska Jubbaland oo ku baxay halka uu falkaasi ka dhacay ayaa waxay ka sameeyeen baaritaan, aanay jirin cid ay ku soo qab qabteen.

Suldaan C/rashiid Suldaan Muuse Shire ayaa waxaa uu maalmo ka hor uu warbaahinta ka weeraray Maamulka Axmed Madoobe iyo Guddiga Doorashooyinka Jubbaland, isagoona ku eedeeyay inay afduubteen doorashada.

Suldaanka ayaa la xusuustaa inuu si weyn kaga horyimid jadwalka ay soo saareen Guddiga Doorashada Jubbaland.

DAAWO: MAAMULKA JUBALAND OO DEKADA KISMAAYO KA NADIIFIYEY MARAAKIIB BURBURSAN

Luulyo 31, 2019

WAAJIDPRESS – 31 July 2019:

 

War culus: Gabdho Saxafiyiin ah oo lagu xiray Magaalada Muqdisho

Luulyo 30, 2019

WAAJIDPRESS – 30 July 2019:

Laba gabdho oo Saxafiyiin ahaa ayaa gelinkii dambe ee maanta waxaa lagu xiray Magaalada Muqdisho, ka dib markii ay Ciidamada Booliska ka kaxeysteen munaasabad loogu baroordiiqaayay C/fitaax Cumar Xalane, Agaasimihii Nadaafadda Gobolka Banaadir oo ku dhintay qaraxii Arbacadii ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose Xamar.

Munaasabadda oo ka socotay Beerta Nabadda ayaa waxaa gabdhahan u yimid, oo kaxeystay ciidan uu horkacayay Taliyaha Qaybta Booliiska Gobalka Banaadir, Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John).

Gabdhahan oo ka shaqeeya Telefishinka Muqdisho Cable ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Filsan Duceysan iyo Sacdiya, lamana oga ujeedada ka dambeysa xarigooda.

Wariye-yaal ku sugnaa munaasabadda oo damcay inay is hortaag ku sameeyan Ciidamada Booliska ayaa waxaa handaday Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir.

Saadaq John ayaan ka hadlin tallaabada uu ku kaxeystay gabdhaha Saxafiyiinta ah, ee ka tirsan Wariye-yaasha ka hawlgala Magaalada Muqdisho.

Tani waxay ku soo aadaysaa, xilli Wariye-yaasha Magaalada Muqdisho ay ka cabanayeen tallaabadii ay Ciidamada Booliska ugu diideen inay muuqaalo kaga qaadaan goobaha ay qaraxyadu ka dhacaan.

DAAWO: ODAYAASHA KA HADLEY HARGEYSA OO SHEEGEY IN AY HANTI UGA MAQANTAHAY GANACSADE OOMAAR

Luulyo 30, 2019

WAAJIDPRESS – 30 July 2019:

 

DAAWO: Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray Magaalada Garoowe

Luulyo 29, 2019

WAAJIDPRESS – 29 July 2019:

Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya, Maxamed Mursal Sheekh CabdiRAXMAAN ayaa maanta gaaray Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal.

Wafdiga Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxaa Garoonka Garoowe ku soo dhaweeyay masuuliyiin uu horkacaayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa waxa uu ka hadlay ujeedada ay u taggeen Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland.

Gudoomiyaha ayaa ujeedada safarkiisa waxaa uu ku sheegay sidii uu Magaalada Garoowe kaga qaybgali lahaa xuska 21 guurada ka soo wareegatay markii la aas aasay Puntland iyo sidoo kale xiritaanka Kalfadhiga 44-aad ee Golaha Wakiilada Puuntland.

Wafdiga Gudoomiyaha Golaha Shacabka waxaa ka mid ah Habdhowraha Golaha Shacabka, Xildhibaan Sharmarke Garaad Suleymaan iyo Xildhibaan Samiira Xasan Cabdulle oo ah marwada Guddoomiyaha Golaha Shacabka – DAAWO:

 

DAAWO: QARAMADA MIDOOBEY OO SHEEGTEY IN QAXOOTIGA SOOMAALIDA EE JOOGA KENYA AY DHIBAATEYSAN YIHIIN

Luulyo 28, 2019

WAAJIDPRESS – 28 July 2019:

 

Dowladda Somaliya oo ka hadashay xaaladda caafimaad ee Gudoomiye Yariisow

Luulyo 28, 2019

WAAJIDPRESS – 28 July 2019:

Dowladda Somaliya ayaa waxa ay ka hadashay xaaladda caafimaad ee Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cabdi raxmaan Yariisow oo Arbacadii ku dhaawacmay Qarax ka dhacay Xarunta dowladda hoose, iyadoo xaaladda caafimaad Duqa Muqdisho lagu daaweynaayo dalka Qatar.

Cabdirisaaq Faarax Cali Taano Danjiraha Dowladda Federalka Somaliya u fadhiya Dalka Qatar ayaa sheegay xaaladda Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo dadka kale ee dhaawacyada la socda in xaaladooda caafimaad ay tahay mid wanaagsan.

Waxa uu sheegay guud ahaan dhaawacyada la geeyay Magaalada Doha ee dalka Qatar inay gaarayaan illaa 12 ruux, balse bukaan ka mid ah dadkii waxyeelada ay soo gaartay uu halkaasi ku dhintay.

Safiir Taano ayaa sheegay in qof ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarkii KM5 islamarkaana gubtay uu ku geeriyooday Isbitaalka Magaalada Dooxa.

Waxa uu magaca Ninkaas ku sheegay Maxamed Cismaan Cali kaas oo goob Basiin agtaagnaa markii uu qaraxa dhacayay sidaasna ku gubtay ugu dambeyna ku geeriyooday dalka Qatar.

12 Qof oo ku dhaawacmay labada weerar ahaana kuwii ugu halista badnaa ayaa loo qaaday Dalka Qadar, waxaa halkaas ku dhintay mid ka mid ahaa dhaawacyadaas waxaana hadda isbitaalka ku jira 11 Qof sida uu sheegay Danjire Taano.

Shalay waxaa isna Magaalada Muqdisho gaar ahaanna Isbitaalka Digfeer ku dhintay mid ka mid ahaa agaasimayaashii ku dhaawacmay weerarkii xarunta Gobolka Banaadir.

DAAWO: DOWLAD GOBOLEEDKA KOONFUR GALBEED OO CIIDAN KU DIYAARINAYSO MAGAALADA MUQDISHO

Luulyo 27, 2019

WAAJIDPRESS – 28 July 2019:

DOWLAD GOBOLEEDKA KOONFUR GALBEED AYAA MAANTA TABABAR UGU SOO XIRTEY DUGSIGA SARE EE GENERAL KAAHIYE EE MAGAALADA MUQDISHO CIIDAMO U DHASHEY BEESHA DIGIL IYO MIRIFLE – DAAWO:

 

Mid ka mid ah Masuuliyiintii ku dhaawacmay qaraxii G/Banaadir oo geeriyooday

Luulyo 27, 2019

WAAJIDPRESS – 28 July 2019:

Waxaa goor dhow  ku geeriyooday Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho Agaasimihii Xafiiska Xoghaya guud ee Gobolka Banaadir  Maxamed Cabdalla Caaqil oo ka mid ahaa Masuuliyiintii ku dhaawacmay qaraxii maalmo ka hor ka dhacay aqalka dowlada hoose ee Muqdisho.

Xaaladda Caaqilka ayaa aad u liidatay, Ogsijiin ayaa ku xirnaa taasoo sababtay in laga reebo dayuuradii dhaawacyada u qaaday magaalada Doha ka dib markii ay saamixi weysay in laga furo maadaama uu neefta halkaas ka qaadanayay sida ay sheegeen dhaqaatiirta isbitaalka.

Marxuum Max’ed Cabdalla Caaqil ayaa ka mid noqonaya Gudoomiyeyaal degmo, agaasimayaal iyo howlwadeeno ka tirsan maamulka gobolka Banaadir oo ku naf waayey qaraxii maalmo ka hor ka dhacay xarunta maamulka gobolka Benaadir.

Guddoomiyihii gobolka Benaadir iyo xubno kale oo ku dhaawacmay qaraxaas ayaa loo qaaday magaalada Doha Qatar, halkaasoo lagu daweynayo haatan iyadoo wararka halkaas naga soo gaaraya ay sheegayaan in xaaladooda caafimaad ay soo hagaageyso.