Archive for Agoosto, 2019

War deg deg ah DAAWO: BANAANBAX LOOGA SOO HORJEEDO FARMAAJO IYO KHAYRE OO MAANTA KISMAAYO KA DHACAY

Agoosto 31, 2019

WAAJIDPRESS – 31 August 2019:

 

Advertisements

War deg deg ah: Dowlada Farmaajo iyo Khayre ayaa maanta Muqdisho ku xirtey Wasiirkii Amniga ee Jubaland

Agoosto 31, 2019

WAAJIDPRESS – 31 August 2019:

Wasiirka Amniga Jubbaland, C/rashiid Xasan CabdiNUUR (Janan) ayaa waxaa maanta lagu xiray Magaalada Muqdisho, xilli uu ka yimid Magaalada Kismaayo, kuna sii jeeday Magaalada Addis Ababa.

Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa waxaa lagala degay diyaaraddii uu la socday oo transit ku ahayd Garoonka Aadan Cadde, ka dib markii ay diyaaradda kor u fuuleen Saraakiil Booliska Somaliya ka tirsan.

Saraakiisha oo Wasiirka u sheegay inay wareysi kooban la yeelanayan ayaa waxaa dhacday in soddon daqiiqo ka dib loo sheegay inaanu meelna u socon, shaqaalaha diyaaradana lagu wargelinayo inay safarkooda horey u sii wataan.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Wasiirka Amniga Jubbaland loo haysto dilka afar qof oo rayid ah afar sano ka hor loogu gaystay Degmada Doolow ee Gobolka Gedo, ka dib markii lagala baxay xabsigii ay ku xirnaayen. Dadkaasi ayaa loo soo xiray tuhun ku aadan inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab, inkastoo aan arrintaasi wax cadayn ahi loo hayn.

Xeer Ilaalinta ayaa eedeymo ku soo oogtay CabdiRASHIID Xasan CabdiNUUR Wasiirka Amniga Jubbaland, ka dib codsi kaga yimid Taliska Booliska Somaliya, oo ku aadanaa in ninkaasi ay soo eedeeyeen ehelada afartii ruux ee lagu dilay Degmada Doolow, kuwaa oo dilkoodu uu dhacay 31-kii bishii August ee sanadkii 2015.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa bishii April warqad ay soo saartay kaga bari yeeshay CabdiRASHIID  Janan in wax lug ahi uu ku leeyahay eedeymihii loo soo jeediyay.

Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya oo tagey xabsi ku yaala Garoonka Aadan Cadde oo Wasiirka lagu hayo ayaa Saraakiisha Booliska ka dalbaday inay xoriyadiisa dib u siiyaan, haddii kalena ay cadeeyan waxa ay ku haystaan.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Saraakiisha ay Xildhibaanada u sheegeen inaanay iyagu haysan Wasiirka Amniga Jubbaland, balse uu ku xiran yahay amar kaga yimid dhinaca Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia.

DAAWO: TV DOWLAD GOBOLEEDKA KOONFUR GALBEED OO WAREYSI XIISO BADAN LA YEESHEY SULDAAN WARSAM SULDAAN IBRAHIM CALIYOW IBROW

Agoosto 31, 2019

WAAJIDPRESS – 30 August 2019:

 

War deg deg ah DAAWO: CIIDAMO CUSUB OO DOWLADA KA TIRSAN OO KA DEGTEY DHUUSAMAREEB MAANTA IYO GO’AAN LAGU GAAREY IN CIIDAMO AMISOM LA GEEYO ISLA MAGAALADAASI

Agoosto 30, 2019

WAAJIDPRESS – 30 August 2019:

wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb waxa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan Booliiska gaarka ah ee Dowladda la geeyay Magaaladaas.

Ciidamada loo yaqaan (Haramcad) ee tababarka gaarka ah la siiyay oo laga qaaday Magaalada Muqdisho ayaa laga dajiyay Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb ee Ugaas Nuur.

Askarta waxa ay ku biireen ciidamo kale oo katirsan Booliiska sida gaar ah u tababaran oo 25-kii iyo 27-kii bishaan la geeyay Magaalada Dhuusamareeb.

Dhinaca kale,  Dowlada Federaalka iyo Taliska ciidanka AMISOM ayaa maanta oo Jimce ah waxay isku raaceen in ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika la geeyo Magaalada Dhuusamareeb.

Go’aankan ayaa ka dambeeyey ka dib kulan maanta Magaalada Dhuusamareeb ku yeesheen Taliyaha Guud ee Ciidamada AMISOM Jen. Ticabu Yilma oo maanta gaaray halkaas & Xubno uu ka mid yahay Wasiirka Amniga Soomaaliya.

Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ee la geynayo Dhuusamareeb ay noqon doonaan kuwo lagu xoojinayo Ammaanka Magalada Dhuusamareeb si loo suurta geliyo doorasho xor ah.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in saacadaha soo socda Magalada Dhuusamareb ay tegi doonaan Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo kala ah itoobiyaan iyo Jabuutiyaan,kuwaas oo ka ambabaxay deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.

“Ciidamada AMISOM waxay kaalin weyn ka qaadan doonaan horu-socodka Galmudug si loo dhiso Galmudug oo mideysan iyo sidoo kale qabsoomida shirka dib u heshiisiinta beelaha dega Galmudug ee dhowaan la qabanayo” ayuu yiri Wasiir Ducaale;- DAAWO:

 

War deg deg ah DAAWO: ODAYAASHA DHAQANKA EE KA SOO JEEDA JUBALAND AYAA MAANTA MUQDISHO KU SOO BANDHIGEY DAD AY SHEEGEEN IN LAGU LAAYEY KISMAAYO IYO…..

Agoosto 30, 2019

WAAJIDPRESS – 29 August 2019:

 

War deg deg ah akhriso ka dib Daawo: Golaha Wasiirada oo maanta ku dhawaaqey in aysan aqoonsaneyn doorashadii Axmed Madoobe ee Kismaayo

Agoosto 29, 2019

WAAJIDPRESS – 29 August 2019:

Golaha Wasiirraada Xukuumadda Federaalka ayaa taageeray go’aankii Wasaaradda arrimaha Gudaha ee 22kii bishan Agoosto ay ku caddeysay inaysan oqoonsaneyn natiijooyinkii kasoo baxay doorashooyinkii aan loo marin habraaca saxda ah ee ka dhacay Kismaayo.

Golaha ayaa sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Gudaha faray inay Golaha hor keento habraac faahfaahsan oo lagu xallinayo xaaladda Jubbaland, si loo badbaadiyo hay’adaha dowliga ah ee Jubaland.

Kulankan oo uu shir guddoominayay ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda mudane Xasan Cali Khayre ayaa goluhu waxay uga hadleen xaaladda deegaannada Jubaland, iyaga oo isla qaatay muhiimmadda ay leedahay in la dhiso maamul dimuqaraadi ah oo ka jawaabi kara rabitaanka dadka reer Jubbaland.

Jubbaland ayaa waxaa ka dhacday doorasho ay si wayn u diidaneyd dowladda Federalka Somaliya, iyadoo Maamulka Jubbaland ay ka dhaga furaysteen diidmada dowladda Federalka Somaliya.

Dhinaca kale, Faysal Cali Waraabe Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID ee Somaliland oo ku sugan shirka golaha dhexe ee xisbigaasi ee Burco, ayaa shegay in uu ka qeyb-galayo caleema-saarka Jubbaland, haddii nabadgelyadu wanaagsanaato.

Waxaa uu sheegay in uu taageersan yahay shaqadda uu waddo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo khilaaf xooggan uu kala dhaxeeyo dowladda dhexe ee Soomaaliya; – DAAWO dowlada Dhexe go’aankeeda Maanta:

 

DAAWO: WASAARADA BOOSTADA DOWLAD GOBOLEEDKA KOONFUR GALBEED AYAA KULANKA TEKNOOLAJIYADA BAYDHABA KA FURTEY

Agoosto 29, 2019

WAAJIDPRESS – 29 August 2019:

 

Qarax khasaare gaystay oo ka dhacay Muqdisho

Agoosto 29, 2019

WAAJIDPRESS – 29 August 2019:

Sida ay sheegayaan Idaacadaha, Xaafadda Al Baraka ee Degmada Hodan Qarax Khasaare gaystay ayaa wuxuu ka dhacay halkaasi.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso, ayaa waxaa lala eegtay gaari qooqan ah oo ay saarnaayeen askar, kuwaasi oo ka soo baxay dhanka Wasaaradda Gaashaandhigga.

Saddex Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Federalka Somaliya ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi, ma jirin dhimasho qaraxa ka dhalatay.

Ciidamadii qaraxa lala eegtay ayaa qabtay laba nin oo meesha ka agdhawaa kuwaasi oo ay saarteen gaariga sida ay xaqiijiyeen dadkii meesha ka ag dhawaa.

Wadada qaraxa uu ka dhacay ayaa waxa ay u dhaxeysaa Isgoyska Al Baraka & Wasaaradda Gaashaandhigga, waana wado laami ah oo bur bursan.

Al shabaab ayaa wadooyinka bur bursan waxa ay galiyaan Miinooyin ay ku qarxiyaan gaadiidka dowladda.

DAAWO: AQOONYAHANAD REER KOONFUR GALBEED OO BAYDHABA KU SOO BANDHIGTEY BUUG CUSUB OO KU QORAN LUQADA MAAY MAAY-ga

Agoosto 28, 2019

WAAJIDPRESS – 28 August 2019:

 

War deg deg ah: Banaanbaxyo iska soo horjeeda oo Dhuusamareeb ka dhacay iyo Xaaf oo gaarey Magaalada Hobyo

Agoosto 28, 2019

WAAJIDPRESS – 28 August 2019:

Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud maanta waxaa ka dhacay laba Banaanbax oo iska soo horjeeda.

Banaanbaxyada ayaa waxaa dhigaayay dad kala taageersan dowladda Federalka Somaliya & Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolka Galgaduud.

Qaar ka mid ah dadka Banaanbaxa dhigaayay ayaa waxa ay wateen Boorar ay ku qoran yihiin erayo ka dhan ahaay Ahlu Sunna, waxaana ka mid ahaay Eraydaasi “ Dowlad diid dooni mayno”.

Sidoo kale dadkii taageersanaa Ahlu Sunna ayaa dhankooda ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah dowladda Federalka Somaliya.

Intii Banaanbaxyada ay socdeen ayaa Ciidamada Booliska ee Magaalada Dhuusamareeb waxa ay kala eryeen dadkii Banaanbaxyada dhigaayay.

Xaaladda Dhuusamareeb ayaa waxa ay tahay mid degan waxaana socda Shirar kala duwan oo Magaalada gudaheeda ah.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo xubno la socda ayaa Maanta socdaal aan horay loo sii shaacin waxaa ay ku tageen Magalada Hobyo ee Gobolka Mudug,iyaga oo ka mababaxay Magalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Hobyo kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha Degmada Hobyo Agaasimaha Guud ee wasaarada Arimaha Gudaha Galmudug iyo masuuliyiin ay ka mid yihiin kuwa ka qeyb galayay shirka ka socda Magalada Hobyo.

Madaxweynaha ayaa bulshada ku dhaqan Degmada Hobyo waxa uu kaga mahadceliyay sida diiran ee loogu soo dhaweeyay Hobyo waxa uuna inta uu joogo Magaalada la kulmi doona qeybaha kala duwan bulshada.

Axmed Ducaale Geelle xaaf ayaa halkaasi sida la sheegay waxaa uu u tegay ka qeyb-galka shirka ay Magalada Hobyo ku leeyiiin mid ka mid ah Beelaha dega deegaannada Galmudug shirkaas oo la filayo in dhawaan la soo geba-gabeeyo.