Archive for Seteembar, 2019

War deg deg ah: Talyaaniga oo ka hadlay weerarkii saaka ciidamadiisa ku qabsaday Muqdisho

Seteembar 30, 2019

WAAJIDPRESS – 30 September 2019:

Weerar barqanimadii maanta lagu qaaday kolonyo ay la socdeen Ciidamada Militariga Talyaaniga, xilli ay marayeen Wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho.

Wasaaradda Gaashaandhigga Talyaaniga ayaa xaqiijisay in qarax weyn lala eegtay ciidamo ka tirsan Talyaaniga oo marayey jidka Warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Weerarkan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga buuxiyay ayaa lagu dhuftay mid ka mid ah kolonyadaasi, iyadoo uu qaraxaasi burbur soo gaarsiiyay gaarigii lala beegsaday.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxaasi uu sababay dhimashada laba qof oo rayid ah iyo dhaawaca laba kale, sidoo kalena uu jiro burbur uu soo gaarsiiyay goobo ganacsi oo halkaasi ku yaala.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa ku dhow suuq xoolaha lagu iibiyo, markii uu qaraxu dhacaayay mashquul ayaa halkaasi ka jiray, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadkii halkaasi ku sugnaa.

Wasaaradda Difaaca Talyaaniga ayaa xaqiijisay in la weeraray kolonyo ay leeyihiin Militariga Talyaaniga ee ku sugan Magaalada Muqdisho, waxayna sheegtay inaanu jirin wax khasaaro ah oo weerarkaasi ka soo gaaray ciidamadooda.

Weerarkan ayaa waxaa masuuliyadiisa sheegtay maleeshiyada Ururka Al Shabaab, oo dagaal kula jira Dowladda Federaalka Somaliya iyo dhinacyada kale ee dagaalka ku taageeraya.

DAAWO OO KA FAAIDEYSO: FAHAMKA ISTIGFAARTA

Seteembar 30, 2019

WAAJIDPRESS – 30 September 2019:

 

DAAWO: BEESHA JAREERWEYNE EE DEGA DOWLAD DEEGAANKA ETHIOPIA OO SHEEGEY IN SAAMIGA AY DOWLADA KU LAHAAYEEN LAGA XAQIREY

Seteembar 30, 2019

WAAJIDPRESS – 29 September 2019:

 

Ciidamada Amisom oo Qarax lagula eegtay Muqdisho

Seteembar 29, 2019

WAAJIDPRESS – 29 September 2019:

Kolonyo ka tirsan Ciidamada Midowga Afrika Amisom ayaa waxaa qarax miino lagula eegtay Magaalada Muqdisho, iyadoo Qaraxaasi uu ka dhashay khasaare.

Amisom ayaa qaraxaan waxaa lagula eegtay inta u dhaxeysa Isgoyska Soos & Ex Control Balcad halkaasi oo Qaraxa lagu aasay.

Qaraxa oo ahaay miino ayaa wuxuu qabsaday gaari ka mid ah gaadiidka qafulan ee ay isticmaalaan Ciidamada Amisom oo waxyeelo ay soo gaartay.

Inta la xaqiijiyay laba ruux oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay rasaastaasi, kuwaasi oo loo qaaday goobaha caafimaadka.

Lama oga in Ciidamada Amisom uu soo gaaray khasaare nafeed, balse gaariga Qaraxa uu qabsaday ayaa waxaa la sheegay inuu bur buray.

Akhriso ka dib daawo: Dahabshiil oo dhismo casri ah ka dhisatay Magaalada Baydhabo

Seteembar 28, 2019

WAAJIDPRESS – 28 September 2019:

Shirkadda Dahabshiil Group ayaa dhismo casri ah ka dhisatay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, waxaana lagu wadaa in Axada xariga laga jaro.

Berrito ayaa waxaa Magaalada Baydhabo lagu qaban doonnaa munaasabad ballaaran oo xariga looga jarayo dhismaha cusub, ee Dahabshiil Group ka hirgelisay magaaladaasi.

Munaasabadan ayaa waxaa ka qaybgali doono madax ka socoto Dahabshiil Group, Shirkadda Isgaarsiinta Somtel, Masuuliyiin Maamulka Koonfur Galbeed ka tirsan iyo qaybaha bulshada ee reer Baydhabo.

Qandaraaska lagu dhisay xarunta ugu weyn ee Dahabshiil ku yeelan doonto Koonfur Galbeed ayaa waxaa qaadatay Shirkadda Dhismaha Arlaadi. Arlaadi waa shirkadda ugu weyn ee dhismeed ee ka hawlgasha Koonfur Galbeed.

Dhismahan qaabka casriga ahi loo dhisay ayaa soo jiitay indhaha bulshada ku dhaqan Magaalada Baydhabo, iyadoo qof kasta oo Baydhabo taggo uu jecleysanayo muuqaalka qurxoon ee Dahabshiil ka dhisatay Xarunta Gobolka Baay.

Xarunta Dahabshiil Bank International (DBI) ayaa kaabiga ku haya Baanka Dhexe ee Magaalada Baydhabo – Daawo:

 

War deg deg ah: Kooxo hubeysan oo toogasho ku dilay Haweeney caan ka aheyd Suuqa Bakaaraha

Seteembar 28, 2019

WAAJIDPRESS – 28 September 2019:

Kooxo Bistoolado ku hubeysan ayaa saaka magaalada Muqdisho ku dishay Haweeney ku ganacsaneysay Suuqa Bakaaraha, iyadoo isla goobta ugu geeriyootay rasaasta ka haleeshay qeybaha sare ee jirkeeda.

Sida wararku sheegayaan Haweeneyda la toogtay oo lagu magacaabi jiray Xadiyo waxa ay Shaah ku iibineysay laamiga labaad ee Suuqa Bakaaraha, iyadoo xilli ay iska shaqeysaneysay saaka ay goobteeda ugu tageen Saddex dhalinyaro ah, kuwaasoo rasaas ku bilaabay.

Dadkii Maqaaxida xilligaasi fadhiyay ayaa goobta ku kala cararay, iyagoo ka argagaxay toogashada loo geystay Haweeneydan oo caan ka eheyd Suuqa, taasoo heysatay Caruur fara badan oo ay u shaqeyneysay.

Ciidamada Booliska gobolka Banaadir ayaa durba gaaray halka dilka uu ka dhacay, iyagoo sameeyay howlgallo aanan suura gelin in la soo qabto kooxihii dilka ka dmabeeyay, kuwaasoo goobta ka baxsaday.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa toogashada Haweeneydan, waxaana meydkeeda la geeyay xarunta baarista danbiyada ee C.I.D.

Madaxweynaha Ethiopia oo shaacisay halista gobolka ka heysato koox kusugan gudaha Soomaali

Seteembar 27, 2019

WAAJIDPRESS – 27 September 2019:

Madaxweynaha dalka Ethiopia Sahle-Work Zewde oo ka hor hadleysay shirka Golaha loo dhanyahay Qaramada Midoobay ee Magaalada New York ayaa sheegtay in Soomaaliya ay dhawaanahaan sameyneysay horumarro la taaban karo.

Waxa ay sheegtay in Soomaaliya guulo lataaban karo ka gaartay dagaalka ay kula jirto,dhismaha hay’adaha Dowliga ah,dhaqaalaha iyo arimaha Doorashoyinka.

“Soomaaliya waxa ay samaynaysay hormar sanadii ugu dambeeyay, waxaana sii adkaanayay hay’adaha Dowliga ah iyada oo la qorshaynayo in doorasho dhacdo sanadka 2020” ayay tiri Sahle-Work Zewde oo ah Madaxweynaha Itoobiya.

Waxa ay sheegtay in ay wali jirto Khatar xoog leh oo ka imaanaysa Al shabaab Al shabaab waxa ay wali Khatar ku yihiin Gobolka oo dhan,taas badalkeedna waxaa jira hormaro badan oo lagu gaaray nafhornimada ee ay samaynayaan Ciidanka Midowga afrika ee AMISOM iyo Ciidan qaranka Soomaaliyeed”.

DAAWO: TALIYAHA CUSUB EE CIIDANKA ASLUUBTA SOOMAALIYA OO MAANTA MUQDISHO KA SHEEGEY IN ASKARIGII SHAQADIISA KA SOO BIXI WAAYA UU CARUURTIISA CAANAHA LA CABI DOONO

Seteembar 27, 2019

WAAJIDPRESS – 26 September 2019:

DAAWO: TALIYAHA CUSUB EE CIIDANKA ASLUUBTA SOOMAALIYA OO KA SOO JEEDA BEESHA DIGIL IYO MIRIFLE OO MAANTA HADALO KULUL MUQDISHO KA SHEEGEY IN ASKARIGII SHAQADIISA KA SOO BIXI WAAYA UU CARUURTIISA CAANAHA LA CABI DOONO:

 

DAAWO: BANAANBAX LOOGA XARIGA AY WASIIRKA JUBALAND U GEYSTEEN FARMAAJO IYO KHAYRE OO MAANTA KA DHACAY DEGMADA BALEDXAAWO

Seteembar 27, 2019

WAAJIDPRESS – 26 September 2019:

 

DAAWO: SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED OO MAANTA LOOGA HADLEY…..

Seteembar 26, 2019

WAAJIDPRESS – 26 September 2019: