Archive for Oktoobar, 2019

DAAWO: WASAARADA GARGAARKA DOWLAD GOBOLEEDKA KOONFUR GALBEED OO MAANTA DEEQ GAARSIISEY DEEGAANADA KOONFUR GALBEED UU SAAMEEYEY FATAAHADA WEBIGA SHABEELE

Oktoobar 31, 2019

WAAJIDPRESS – 31 October 2019:

 

DAAWO: SHIRKA GOLAHA WASIIRADA DOWLAD GOBOLEEDKA KOONFUR GALBEED OO LOOGA HADLEY FATAHAADA WEBIGA SHABEELE

Oktoobar 31, 2019

WAAJIDPRESS – 31 October 2019:

 

DAAWO: XILDHIBAAN MAXAMUUD MACALIN YAXYE OO MAANTA XAFLAD JAALIYADA DIGIL IYO MIRIFLE UGU QABATEY MAGAALADA TORONTO EE DALKA CANADA

Oktoobar 31, 2019

WAAJIDPRESS – 30 October 2019:

 

DAAWO: XILDHIBAAN CABDULQAADIR COSOBLE OO SHEEGEY IN DOWLADA AY SANABYO KU BIXISO LACAGO BADAN WAA QALAD

Oktoobar 30, 2019

WAAJIDPRESS – 30 October 2019:

 

DAAWO: MAKI XAAJI BANAADIR OO MAANTA BAYDHABA KA DHIGEY SHOW CUSUB

Oktoobar 30, 2019

WAAJIDPRESS – 30 October 2019:

 

Madaxweynaha Koonfur galbeed oo la kulmay Wakiil ka socda Qaramada Midoobay

Oktoobar 29, 2019

WAAJIDPRESS – 29 October 2019:

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee xogyahaya guud ee Qaramada midoobay, u qaabishan Carruurta iyo khilaafaadka Hubeysan, Virginia Gamba de Potgieter.

Virginia Gamba oo booqasho ku timid dalka Soomaaliya ayaa kulankii ay la yeelatay Madaxweynaha Koofurgalbeed waxaa ay ugaga hadleen sidii loo joojin lahaa askaraynta carruurta.

Haweeneydan Virginia Gamba ayaa Madaxweynaha uga mahad celisay soo dhoweynta loo sameeyay waxayna bogaadisay dedaalada Dowlad Goboleedka Koofurgalbeed ee ku aaddan dib-u-habeynta ciidanka.

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta gareen , ayaa u sheegay wafdigii ay horkacaysay Virginia Gamba in maamulkiisu uusan raali ka ahayn in carruurta la askareeyo.

Virginia Gamba ayaa sheegtay in safarkooda Soomaaliya uu yahay sidii ay u ilaalin lahayeen Xuquuqda Caruurta iyo Haweenka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed oo dhankiisa la hadlay Warbaahinta ayaa sheegey in kulanka muhiimadiisa uu ahaa sidii looga hortagi lahaa Al shabaab oo uu sheegay in ay Askareeyaan Caruurta Soomaaliyeed.

DAAWO: GUDOOMIYAHA BAARLAMAANKA SOOMAALIYA OO KU HADLAYA LUQADA AF TURKEY OO MAANTA HAMBALYO U DIREY DALKA TURKEY

Oktoobar 29, 2019

WAAJIDPRESS – 29 October 2019:

Xarunta Safaaradda Walaalaha Turkiga ee Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho ayaa gelinkii dambe ee maanta waxaa lagu qabtay Xuska 29-ka October oo ah maalinta qaranka walaalaha Turkiga oo sanad walba marka la gaaro 29-ka October maanta oo kale ay xusaan.

GUDOOMIYAHA BAARLAMAANKA  Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Maxamed Mursal  ayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aaddan maalinta Jamhuuriyadda dalka Turkiga waxa uu u diray dhiggiisa dalkaas Mudane Rajab Dayib Ordogaan.

GUDOOMIYAHA oo maanta ka qeybgaley xaflada ayaa ku bogaadiyey Dowladda iyo Shacabka Turkiga ee aan walaalaha nahay horumarka ay ku tallaabsadeen tan iyo sannadkii 1923-dii markaas oo dhidibbada loo taagay Jamhuuriyadda Turkiya – DAAWO:

 

DAAWO: XILDHIBAANAD XANIIFA OO BAARLAMAANKA KA SHEEGTEY IN FATAHAADA BIYAHA AY XITAA SOO GAAREEN DEGMADA BARDAALE EE GOBOLKA BAY

Oktoobar 29, 2019

WAAJIDPRESS – 29 October 2019:

 

War culus: Xisbiga Mukhtaar Roobow uu hoggaamiyo oo qoraal kasoo saaray warbixintii QM

Oktoobar 28, 2019

WAAJIDPRESS – 28 October 2019:

Xisbiga uu hoggaamiyaha ka yahay Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ee Amni iyo Cadaalad ayaa qoraal kasoo saaray warbixintii Qaramada Midoobay ee ku saabsaneyd Doorashadii ka dhacday Magaalada Baydhabo.

Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in la musuq maasuqay doorashadii ka dhacday Baydhabo islamarkaasna laaluush la siiyey Xildhibaanada Maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxaa warbixinta lagu sheegay in la laayey dad Shacab ah oo ka banaan baxayey Xarigii loo geystay Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ilaa hadda u xiran Dowladda Soomaaliya.

Xisbiga Amni iyo Cadaalad  ayaa si weyn usoo dhaweeyey warbixinta Kooxda Kormeerka Caalamiga ah (International Monitoring Group) ay kasoo saartey Dhibkii ka dhacey Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Dhamaadkii sanadkii lasoo dhaafey 13 bishii December 2018 oo shacabka Soomaaliyeed ee Reer koonfur galbeed u eheed maalin murugo.

Xisbiga ayaa sheegay in si sharci daro ah loo afduubey murashaxii aqlabiyada badnaa ee koonfur Galbeed Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali isagoo xiligaasna ku guda Jirey Howlihiisa Ololaha Doorshada.

Sidoo kale xisbiga ayaa sheegay in la xasuuqey shacab aan waxba galabsan oo aragtidooda dastuuriga ah dhiibanayey dibad baxa nabadeedna ka dhigeyey magaalada Baydhabo iyadoo si sharci daro loo laayey shacab aan waxba galabsan loona isticmaaley awood dowladeed heer federal iyo heer maamulba.

Qarax lala beegsaday haween ka shaqeeya Nadaafada oo saaka Muqdisho ka dhacay

Oktoobar 28, 2019

WAAJIDPRESS – 28 October 2019:

Qaraxan oo jugtiisa laga maqlay Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa wuxuu ka dhacay meel ku dhaw jiirada Taleex ee Degmada Hodan.

Qarax ayaa saaka ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan halka ay iska gooyaan wadooyinka Taleex iyo Maka Al-Mukarama kaasoo khasaare uu ka soo gaaray haweenka ka shaqeeya nadaafada.

Qaraxa oo ahaay miinada nooca dhulka la galiyo ayaa waxaa lagu soo riday bac, waxaana la dhigay goob qashin uu yaalay.

Haweeney ka mid aheyd shaqaalaha dowladda Hoose ee Nadaafadda ka shaqeeya ayaa la sheegay iney ku dhimatay qaraxa, halka qaar kale ay ku dhaawacmeen, waxaana jira warar dhimashada gaarsiinaya labo qof inkastoo aan la xaqiijin.

Ciidamada Booliska oo gaaray goobta Qaraxa uu ka dhacay ayaa halkaasi waxa ay ka qaadeen maydka ruuxii dhintay, waxaa kale oo baaris ay ku sameeyeen in Miino kale meesha ay taallo.

Dhawr mar sidaan oo kale Degmada Hodan waxaa uga dhacay Qaraxyo Shabaab ay la eegteen masuuliyiin kala duwan, balse qaraxaan ayaanan jirin qof masuul ah oo lala eegtay.

Ammaanka Muqdisho ayaa wuxuu ahaay muddooyinkii dambe mid hagaagsan, kadib markii Ciidamada ammaanka ay kordhiyeen xirmaanshaha wadooyinka Caasimadda.