Archive for Diseembar, 2019

DAAWO: WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA EE DOWLAD GOBOLEEDKA KOONFUR GALBEED IYO WAFDI UU HOGAAMINAYO OO MAANTA GAAREY MAGAALADA DIINSOOR

Diseembar 31, 2019

WAAJIDPRESS – 31 December 2019:

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka & Madaxweynayaashii hore oo kulmay

Diseembar 31, 2019

WAAJIDPRESS – 30 December 2019:

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa xalay gurigiisa ku qaabilay Madaxweynayaashii hore ee Somaliya Shariif Sheekh Axmed & Xasan Sheekh Maxamuud oo ku socday magaca Madasha Xisbiyada Qaran.

Kulanka ayaa labada dhinac waxa ay isaga wareysteen xaaladda dalka & Siyaasadaha xilligaan taagan, waxaana la isla gartay in laga shaqeeyo horumarinta dowladnimada Somaliya.

Madaxweynihii hore ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo qoraal soo dhigay Boggiisa xiriiirka Bulshada, ayaa wuxuu ku faah faahiyay waxyaabaha diirada ay ku saareen kulanka labada dhinac.

“Wafdi ka socda Madasha xisbiyada qaran ayaa ku booqday Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlammaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamad Mursal Sh. Cabduraxmaan guriga uu deggan yahay Guddoomiye Mursal ayaa casho sharaf u sameeyay madaxda Madasha oo uu hoggaaminaayay gudoomiyaha Mudane Shariif Sh. Axmad. So dhaweyn iyo casho sharaf ka dib ayaa la wada hadlay iyadoo si qoto dheer la isaga warbixiyay xaaladda dalka uu ku jiro iyo sida loo wajahayo ee ugu habboon ka guul gaariddeeda. Waxaa la isla qaatay in la wada shaqeeyo si dowladnimada Soomaaliya loo ilaaliyo loona sii qurxiyo ugu dambeyntii guddoomiya golaha Shacabka iyo madaxda Madasha Xisbiyada Qaran waxay isla garteen in danta Soomaaliya ay ku jiro “Gacma wadajir bey wax ku gooyaan.”Ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Inkastoo ay jiraan xaalado kala duwan oo Siyaasadeed, ayaa haddana kulankii Guddoomiyaha Baarlamaanka & Madaxweynayaashii hore ee Somaliya wuxuu dareen gaar ah ku abuuray Villa Somaliya oo sheeda kala socotay kulankaasi – DAAWO:

 

DAAWO OO KA FAAIDEYSO: ALLAHA WUXUU KU FAREY HADDII AADAN SUUBININ WAXAA ARKEYSAA DADKII OO KU NACAY

Diseembar 31, 2019

WAAJIDPRESS – 31 December 2019:

 

DAAWO: KULAN DHALINYARADA KOONFUR GALBEED SHAQO LOOGU ABUURAYO AYAA BAYDHABA LAGU QABTEY

Diseembar 31, 2019

WAAJIDPRESS – 30 December 2019:

 

Akhriso ka dib DAAWO: Maxaabiis ka baxsatay Xabsiga Dhexe ee Xamar

Diseembar 30, 2019

WAAJIDPRESS – 30 December 2019:

Saddex maxbuus oo ku xirnaa xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in maanta baxsadeen, sida ay sheegayaan warar laga helay Xabsiga dhexe ee Magaalada muqdisho.

Wararka ayaa intaas ku darayaan in mid ka mid ahaa maxaabiista dib loo soo qabtay, xilli uu ku sugnaa agagaarka Kawaanka degmada Xamarweyne balse weli ay maqan yihiin labada kale.

Xubnaha baxsaday ayaa sidoo kale wararka ay sheegayaan inay ka tirsan yihiin a Al-Shabaab, islamarkaana horey loogu riday xukunno.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Xubnaha baxsaday mid kamdi ah uu ku xukunaa Xabsi daa’in halka midka kale uu ku xukunaa 15 Sano oo Xabsi ah.

Xabsiga Dhexe ee Xamar oo ku yaalla degmada Xamar Jajab ee Gobolkan Banaadir ayaa waxaa uu yahay mid amnigiisa siweyn loo ilaaliyo,waxaana cadeyn sababta keentay in Maxaaabiis xukunaa ay baxsadaan – DAAWO:

 

DAAWO: DOWLAD GOBOLEEDKA KOONFUR GALBEED OO KA TACSIIYEY QARIXII KA DHACAY EX CONTROL AFGOOYE

Diseembar 29, 2019

WAAJIDPRESS – 28 December 2019:

 

DAAWO: URURADA SHAQAALAHA SOOMAALIYA OO MAANTA AQOON ISWEYDAARSI BAYDHABA LOOGU FUREY

Diseembar 29, 2019

WAAJIDPRESS – 28 December 2019:

 

Taliye ku xigeenka booliska Puntland oo ku dhaawacmay dagaal ka dhacay Sanaag

Diseembar 29, 2019

WAAJIDPRESS – 29 December 2019:

deegaano ka tirsan gobolka Sanaag ayaa waxaa maanta ka dhacay in iska hor imaad uu halkaasi ku dhex-marey dad Shacab ah oo careysan iyo ilaalada guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Abwaan CabdiRashiid Yuusuf Jibriil.

Iska hor imaadka ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Midigale ee gobalka Sanaag, kadib markii dad ka careysan imaatinka Gobolka Sanaag ay banaanbax kala hor yimaadeen Guddoomiyaha Baarlamaanka, hayeeshee ay ilaalada rasaas ku fureen.

Cabdirashiid Yuusuf Jibriil  iyo Wafdigiisa ayaa waxaa ay booqasho ku joogaan Gobolka Sanaag iyada oo dadka Gobolkaasina aad uga careysanyihiin xilka qaadistii lagu sameeyay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland.

Dad ku sugan deegaanka Midigale ee gobalka Sanaag ayaa u sheegay Warbaahinta in rasaastaas ay ku dhaawacmeen ilaa 7 Ruux oo ay kamid yihiin qaar kamid ah ilaalada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

Taliye ku xigeenka Booliska Maamul Goboleedka Puntland Caydiid Axmed Nuur  iyo askar la socotay ayaa kamid ah dadka ku dhaawacmay degaanka Midigale ee Gobolka Sanaag.

Dadka dhaawacmay ayaa guud ahaan tiradooda lagu sheegay 7 qof oo ay afar ka midyihiin Ciidanka iyo saddex Ardey oo ka qeyb qaadanayay banaanbaxa ka dhanka ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Puntland.

Banaanbaxayaasha qaarkood ayaa la sheegayaa in ay adeegsadeen rasaas taas oo sababta in ay Ciidamada ka jawaabaan rasaastaas sababtayna in dhaawac uu halkaas ka dhasho.

Sidoo kale wararka lahelayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Magaalada Badhan uu ka dhacay banaanbax looga soo horjeedo imaatinka deegaano ka tirsan gobolka Sanaag uu ku tegay guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Abwaan Cabdi Rashiid Yuusuf Jibriil.

DAAWO: GUDOOMIYAHA BAARLAMAANKA OO CAAWA ISBITAALKA KU BOOQDEY SHACABKII KU DHAAWACMEY QARAXII MAANTA MUQDISHO KA DHACAY

Diseembar 28, 2019

WAAJIDPRESS – 28 December 2019:

 

DAAWO: XILDHIBAANADA BAARLAMAANKA OO ANSIXIYEY MAANTA SHARCIGA DOORASHADA

Diseembar 28, 2019

WAAJIDPRESS – 28 December 2019: