DIGILMIRIFLE SHALEY IYO MAANTA QALINKII AHMED ABDI OMAR (BORILLE)

WAAJIDPRESS – 2 Mar 2013:

بسم الله الرحمن الرحيم السلام عليكم ورحمة الله وبركاته

Digilmirifle Shaley iyo Maanta

“لايلدغ المؤمن من جحر مرتين”
Mu’minka laba jeer god lagama qaniino

kaalinta digilmirifle ee dalka soomaaliya laga soo bilaabo 1943-2013
1. Qowmiyadda digilmirifle waxay safka hore kaga jirtey halgankii lagu doonayey xurnimada dalka soomaaliya laga soo bilaabo aasaaskii ururka
Somali Youth League SYL oo waxayna ahaayeen 13 dhalinyaro soomaali ah kaasi oo u xuubsiibtey Somali Youth Club SYC waxaana si weyn uga
dhex muuqdey Sheikh C/qaadir Sheikh Sakhaawediin Sheikh Aweys oo digilmirifle ah,

2. Digilmirifle wuxuu ahaa qowmiyadda ugu horeysey ee soo jeedisa in la qaato oo lagu dhaqmo nidaamka federaalka soo jeedintaasi waxay ahayd
xiliyadii halganka loogu jirey in dalka soomaaliya uu ka xuroobo gumeysiga,

3. Digilmirifle wuxuu mar isku dayey in uu dal gaar (jamhuuriyad gaar ah) oo madax banaan noqdo ka dib markii is faham daro ka dhex dhalatey
hawiye, daarood oo dhinac ah iyo digilmirifle oo dhinac ah laakiin taasi masii raagin oo midnimada ayaa ka muhiimsanaatey,

4. Digilmirifle wuxuu ka dhex muuqdey dowladdii rayidka ahayd ee 9-ka sano jirtey oo waxaaba guddoomiye baarlamaan ka ahaa allaah ha u
naxariistee Sheekh Mukhtaar Maxamed sidoo kale digilmirifle waxay ka soo qabteen dowladaasi xilil wasaaradeed sida: arimaha gudaha iyo
maaliyadda iyo wasaarado kale waxaana wasiirada iyo wasiir ku xigeenada ka mid ahaa C/qaadir Maxamed Aadan Zoppe, Maxamed Sheekh
Daahir,

5. Digilmirifle kaalinta uu ku lahaa dowladdii militeriga ahayd ee jirtey 21-ka sano ma ahayn kaalin u qalanta, walow dowladaasi ay ku jireen aqoon
yahanno digilmirifle ah sida C/salaam sheikh Xuseen, C/rashiid Sheek Axmed, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Maxamed Cali Xaamud,
Sayid Axmed Sheekh Daahir iyo kuwo kale,

6. Digilmirifle laga soo bilaabo 1991-da dagaaladii sokeeye markii ay dalka ka bilowdeen oo dhibaatada ugu badneyd ay ku dhacdey bulshada
digilmirifle ,

Digilmirifle wuxuu muujiyey isku duubni, wada tashi iyo dadaal badan oo uu ku doonayey in uu ka tashado masiirkiisa aayihiisa uuna sameysto
dowlad goboleed uu hogaanka u hayo waxaa dadaaladaasi ka mid ah:

Ø Shirweynihii MAAY NIING DANG EH oo dowladdii ka soo baxdey uu hogaaminayey AVV Xasan Sheekh Ibraahim ‘Xasey” hasa yeeshee lagama
faa’iideysan mirihii ka soo baxay dowladaasi ka dib markii ay meel dhexe wax ka xumaadeen.

Ø Dowladdii South west State of Somalia oo uu madaxweynaha ka noqdey Dr. Xasan Maxamed Nuur Shaati gaduud oo iyana meelmar noqon
weysey ka dib markii uu is qab qabsi dhex marey halgamayaasha RRA oo xiligaasi hogaan u ahaa siyaasadda digilmirifle.

Ø Hadaba gogosha nabadda ee xiligan ka fidsan baydhabo laga soo bilaabo 20/01/2013 ayaa waxay ahayd gogoshii loogu rajada badnaa in ay ka
soo baxdo dowlad wax ku ool ah oo ka turjumi karta dhamaan qabaa’ilka dega 6-da gobol ee koonfur galbeed dalka soomaaliya, hasa yeeshee
gogoshaasi baydhabo waxay xiligan u muuqataa mid indhaha isku sii laabaneysa haddii aan xal deg deg ah loo helin.

XALKA:

1. In gogosha dib boorka looga jafo daacadna laga noqdo ka miro dhalinteeda.

2. In la abaabulo shirweyne u gaar ah wax garadka digilmirifle oo lagu xalinayo loogana heshiiyo khalalkii iyo ismaan dhaafkii gogosha ku yimid.

3. In muhiimadda shirka ay ahaato dhisidda dowlad goboleed sal adag oo matasha dhamaan qabaa’ilka dega 6-da gobol ee koonfur galbeed
soomaaliya.

4. In odayaasha dhaqanka ay la wareegaan talada gogosha ilaa inta ay ka soo xulayaan gudi farsamo oo shirka socodsiiya.

5. In lala socdo dareenka lana dhegeysto talada ay soo gudbinayaan qeybaha kala duwan ee wax garadka digilmirifle.

Mahadsanidiin.

Ahmed Abdi Omar (Borille)
Mogadishu – Somalia

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: