Madaxweyne Xasan oo shirkii wadatashiga maanta Muqdisho ka furey

Janaayo 25, 2016

WAAJIDPRESS  – 25 JAN 2016:

147489c7-a68b-45dc-900b-63941e8f5eb9 065b14fb-3c61-439c-b2e8-7448598cadb8 9cb8da99-f8b3-441e-9ddb-76a0b624f922 1c7cb1cb-6a7e-42c5-ae5b-7aa6bc34416a-1

 

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ka furey shir gaar ah oo qeyb ka ah Madasha Wadatashiga Qaranka, kaas oo la doonayo in lagu go’aamiyo nooca doorasho ee dalka ku habboon sannadkan 2016-ka.

Shirkan oo ay albaabadu u xirnaayeen, ayaa waxaa ka soo qeybgaley Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Guddoomiye Ku Xigeenka 2-aad ee Baarlamanka Federaalka, Mudane Mahad Cabdalla Cawad, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka, Mudane Maxamed Cumar Carte, Madaxda Dowlad Goboleedyada, Koonfuur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan,Puntland, Cabdiweli Gaas,  Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam iyo Galmudug, Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Diblomaasiyiinta beesha caalamka oo uu horkacayo Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaalia, Michael Keating iyo xubno kale.

Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa la filayaa in laga soo saaro go’aanka ku saabsan nooca doorasho ee dalku yeelan doono iyo arrimo kale oo la xiriira Hiigsiga 2016-ka.

War deg deg ah:Cumar C/rashiid oo loo qabtay muddo lix maalmood inuu ku horyimaado Baarlamaanka Somaliya

Janaayo 25, 2016

WAAJIDPRESS  -25 JAN 2016:

Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa waxay billaabeen inay u yeeraan Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda,  Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, si ay wax kaga weydiiyaan duqaynta ay Kenya ka wado Gobolka Gedo.

Duqayntan, ayaa waxay waxyeelo wayn ka soo gaareysaa dadka iyo duunyadaba ee ku dhaqan Gobolkaasi Gedo, taasoo aanay jirin cid si buuxdo ugala xisaabtameysa Kenya, waxyeelada cad ay shacabka Somaliyeed u gaysaneyso.

Qoraal ay maanta soo saareen Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa waxaa Ra’iisal Wasaaraha looga dalbady in illaa 30-ka bishan laga doonaayo in uu ku yimaado Xarunta Golaha Shacabka.

Xildhibaan Maxamuud Cali Magan oo qoraalkaasi ka hor akhrinaayay Xildhibaanada, ayaa waxaa lagu sheegay in Ra’iisal Wasaaraha wax laga weydiin doono sababta, ay Madaxda Dowladda kaga aamuseen duqaynta ay Kenya ku hayso maatida.

Xildhibaan Maxamuud Cali Magan, ayaa cambaareeyay in Dowladda Somaliya ay u tacsiyadeyso dadka reer Kenya, marka ay dhibaato kaga timaado Al Shabaab, isla-markaana aanay kaba hadlinba, marka ay Kenya waxyeelayneyso shacbiga Somaliyeed.

Madaxda Dowladda Somaliya waxaa ceeb wayn ku ah inaanay ka hadli karin gumaadka guracan, ee diyaaradaha dagaalka Kenya ku hayaan bulshada Somaliyeed, ee ku nool deegaanada ka baxsan Degmada Ceelcadde.

DAAWO : BAARLAMAANKA MAAMULKA KOONFUR GALBEED OO MAANTA KULAN KU YEESHAY MAGAALADA BAYDHABO

Janaayo 25, 2016

WAAJIDPRESS  – 24 JAN 2016:

 

DAAWO : BAARLAMAANKA MAAMULKA KOONFUR GALBEED OO MAANTA KULAN KU YEESHAY MAGAALADA BAYDHABO:

 

DAAWO : SULDAANKA BEESHA BANAADIRIGA OO MAANTA MUQDISHO LAGU SOO DHAWEEYEY

Janaayo 25, 2016

WAAJIDPRESS – 24 JAN 2016:

 

DAAWO : SHARIIF XASSAN OO GAAREY XUDUR LAGUNA SOO DHAWEEYAY

Janaayo 24, 2016

WAAJIDPRESS  – 24 JAN 2016:

 

XOG: Wasiiro boorsooyinka ka qaadanaya VILLA SOMALIA (Maxaa Cusub?

Janaayo 24, 2016

WAAJIDPRESS  – 24 JAN 2016:

Warar hoose oo aan ka heleyno ilo wareedyo ka tirsan Villa Somalia, ayaa sheegaya in qaar kamid ah Wasiirada Xukuumada Somalia ay isaga barakacayaan Xarunta Madxatooyada.

Wasiiradaani ayaa walaac kasoo foodsaaray hadal kasoo yeeray maleeshiyada Al-shabaab, waxaana lasoo warinayaa in si KMG ah ay usii dagayaan Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.

Ilo wareedka ayaa xaqiijinaaya in madaxda ugu sareysa dalka ay soo foodsaartay cabsi, xili dalka Somalia ay kusoo qulqulayaan maleeshiyaadka Al-shabaab oo laba jibaaray duulaankii ay ku hayeen Xarunaha Dowlada.

Iridka danbe ee Villa Somalia kuna sii jeeda dhanka Forolanso ayaa waxaa lagu daadiyay ciidamo aad u badan kuwaasi oo koofi cas ah, waxaana la tilmaamayaa in ujeedka uu yahay ka hortag weerar ku wajahan Villa Somalia.

Fariimo ay qeybiyeen maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa waxaa lagu sheegay inay ku goodiyeen weerar culus oo ay ka fulin doonaan gudaha aqalka looga arrimiyo Somalia.

Al-shabaab ayaa sheegtay inay ka jawaabi doonaan haddal maalin un ka hor kasoo yeeray Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud kaasi oo ahaa in weeraradii Villa Somalia ay maleeshiyada Al-shabaab u weeciyeen goobaha ay ku shaahaan Bulshada.

Geesta kale, Madaxda ugu sareysa dalka ayaa dareen gaar ah ka muujinaaya cabsida iyo goodinta kaga imaaneysa dhanka maleeshiyada Al-shabaab.

WAR DEG DEG AH: DAAWO: SOMALILAND OO AMARTEY IN GOBOLKA SANAAG ISAGA BAXAAN GANACSATADA KA SOO JEEDA BEESHA DIGIL IYO MIRIFLE IYO QABIILADA KOONFURTA SOOMAALIYA OO DHAN

Janaayo 24, 2016

WAAJIDPRESS – 23 JAN 2016:

GANACSATADA BEESHA DIGIL IYO MIRIFLE IYO KUWA KOONFURTA SOOMAALIA  OO DIIDEY  AMARKII MAAMULKA SOMALILAND EE AHAA IN MUDO 7 CISHO AH AY ISAGA BAXAAN GOBOLKA SANAAG – DAAWO:

 

War cusub: DHAGEYSO: BEESHA GALJECEL OO KA BAXDEY SHIRKII JOWHAR ISLA MARKAANA KU DHAWAAQDEY IN AY MAAMUL SUUBSANEYSO

Janaayo 24, 2016

WAAJIDPRESS – 23 JAN 2016:

Beesha Gaaljecel oo kamid ah beelaha ka qeyb galayay shirkii Jowhar ayaa isaga baxay shirkaas iyagoo qaadacay qaabkii ay Wasaarada arimaha gudaha DF Soomaaliya usoo xushay xubnihii beelaha .

Odayaasha beeshaas ayaa sheegay iney sameyn doonaan maamul goboleed ugaar ah, kaas oo ka madax banaan maamulka DF ay ka dhiseyso Jowhar.

RIIX HALKAN: DHAGAYSO CODKA.

Odayaasha Beesha Gaaljecel ayaa sheegay iney deegaan ahaan degan yihiin gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe ayna xaqu uleeyihiin in la siiyo saamida ay ku leeyihiin maanulka la dhisayo.

“Hadii ay maamul kale dhistaan waxaan dhiseynaa mid ka fiican”ayuu yiri mid kamid ah odayaasha dhaqanka beeshaas.

XOG: BEESHA WACAYSLE- ABGAAL OO QAADACDEY SHIRKII JOWHAR EE SHABEELAHA DHEXE

Janaayo 24, 2016

WAAJIDPRESS – 23 JAN 2016:

Mid kamid ah beelaha dega gobolka Sh/dhexe ayaa ku dhowaaqday in ay qaadacday shirka maamul u sameynta labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan kadib markii si cadaalada darro ah loo qeybiyay oday dhaqameedyada ka qeybgalaysa shirka.

Kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Jowhar beesha Wacaysle ayaa waxa ay ugaga hadleen sida ay ka yeelayaan shirka maamul u sameynta labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan.

“Waxaa soo baxaya warar sheegaya in beesha Wacaysle laga siiyay hal xubin 15 xubnood oo soo gaartay beesha Abgaal,mana aha mid ay beeshu ka filaysay walaalaheeda mana ogolaanayso in ay beeshu qaadato cad quureed sidaa darted waan qaadacnay shirka maamul u sameynta labada gobol.”ayuu yiri Yuusuf Axmed Weheliye oo ka mid ah waxgaradka beesha Wacaysle ee degan magaalada Jowhar.

Sidoo kale Nabadoonka guud ee beesha Wacaysle Xaaji Cabdulahi Maxamud Gacal oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in aysan cadaalad ahayn in beesha oo aan la wicin isla markaana aan lagala tashan in hal xubin la siiyo.

“Waan qaadacnay shirka waxaana aan ku eedeyneynaa wasaarada arrimaha gudaha sida ay shirka ugu qeybisay beelaha.”ayuu yiri nabadoon Cabdullahi Maxamuud Gacal.

Shirka maamul u sameynta labada gobol ee sh/dhexe iyo Hiiraan ayaa hakad ugu jira iyadoo inta badan beelaha ay diideen qaabka loogu qeybiyay xubnaha oday dhaqameedyada ee la doonayo in ay soo xulaan ergada ka qeybgalaysa shirka.

DAAWO VIDEO: MADAXWEYNE XASSAN OO MAANTA U DHOOFEY DALKA JORDAN

Janaayo 24, 2016

WAAJIDPRESS – 23 JAN 2016:

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo WAfdi uu hogaaaminayo ayaa galabta ka dhoofay magaalada Muqdisho isagoo ku sii jeeda dalka Jordan oo la sheegay inuu uga qeyb geli doono shir goboleed looga hadlayo arrimaha Amniga.

Shirkan oo ah kii labaad ayaa ka dhacaya magaalada Aqaba ee dalka Jordan, wuxuuna hore madaxweynuhu uga qeyb galay sanadkii hore, waxaana shirka ka qeyb galaya dalal Afrikaan ah iyo kuwa ka tirsan Bariga dhexe.

Afhayeenka madaxweynaha Daa’uud Aweys oo ka mid wafdiga Madaxweynaha ayaa sheegay in shirkan ay Soomaaliya ku soo bandhigi doonto qaabka loola dagaalami karo argagixisada iyo sidii looga taageeri lahaa dagaalka ay kula jirto kooxaha argagixisada – DAAWO VIDEO: