War deg deg ah: Diyaarado Maanta Duqeeyey Deegaanada Maamulka SOMALILAND

Juunyo 21, 2017

WAAJIDPRESS – 21 JUN 2017:

Dayuurado aan la aqoonsan dalka laga leeyahay oo ah kuwa dagaalka ayaa xalay duqeeyey  degaanno ka tirsan Maamulka Somaliland.

Diyaaradahan ayaa rasaas ku riday dad ku dhaqan miyiga deegaannada ku dhaw magaalo-xeebbeedda Saylac.

Guddoomiyaha gobolka Salal Axmed Maxamed Xaashi ayaa sheegay in Dayuurad dagaal ay rasaas ku riday dad ku dhaqan miyiga degaannada ku dhaw magaalo-xeebeedka Saylac.

Waxaa uu sheegay inaaney jirin dad wax ku noqday rasaastan haddana waxa uu xusay Gudoomiyuhu inay sababeen dhimashada xoolo nool iyo argagax-gelinta dadka deegaanka.

“Meeshu ama aheyn meel argagaxiso, burcad badeed ama cadow kale uu joogay, sidaa awgeed waanu garan la’nahay sababta ay rasaasta ugu furtay dayuuradan” ayuu yiri Axmed Maxamed Xaashi.

 

War deg deg ah Akhriso then DAAWO: Qarax xoogan oo gaari laga soo buuxiyey oo hadda Ka dhacay MUQDISHO

Juunyo 20, 2017

WAAJIDPRESS – 20 JUN 2017:

Qarax ismidaamin ah oo gaariga loo adeegsaday ee ka dhacay Degmada Wadajir, iyadoo khasaare kala duwan uu ka dhashay qaraxaasi.

Qaraxa ayaa la sheegay in lagu dhuftay Iridda hore ee Xarunta Degmada Wadajir, halkaasi oo ay ku sugnaayeen masuuliyiinta Maamulka Degmada Wadajir iyo dad shacab ah oo Banaanka xarunta ku sugnaa.

Inta la xaqiijiyay ku dhawaad 20 qof ayaa ku dhintay , Tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen Qaraxii Ismiidaamin ee maanta ka dhacay degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Khasaaraha ugu badan ayaa soo gaaray Dad Rayid ah oo ka dukaameysanayay Suuqa weyn ee degmada Wadajir.

Dhaawacyo badan ayaa haatan loo dabulayaa xarumaha Caafimaadka Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa wararka qaar sheegayaan in loo adeegsaday Gaari siday Moos oo nuuciisu yahay Caasi ama Homey.

Bur bur xoogan ayaa soo gaaray dhismaha xarunta Degmada Wadajir, iyadoo halkaasi iminka ay ku sugan yihiin Saraakiisha ciidamada dowladda oo wadada xiray.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa ku jira Gudoomiyaha Degmada Wadajir,  Xoghayaha iyo Gudoomiyaha Haweenka Degmadaasi,  Sidoo kale waxaa halkaasi ku dhaawacmay dad kale oo ay ku jiraan Ciidamada ilaalada Degmada

Al-shabaab ayaa la sheegay iney xeelad cusub oo la yaab leh u adeegsatay sidii gaarigan qaraxa waday loo geyn lahaa gudaha xarunta degmada Wadajir.

Saraakiil ka tirsan maamulka degmada Wadajir ayaa sheegay gaariga qarxay oo moos fara badan ku rarnaa uu soo joogsaday Suuqa degmada Wadajir, uuna halkaas ku qabtay askari ka tirsan kuwa dowlada hoose oo weydiiyey inuu bixiyo canshuurta mooska ku raran.

Hase ahaatee darawalka gaariga waday ayaa la sheegay inuu si ku talo gal ah u diiday inuu bixiyo canshuurta la weydiiyey si isaga iyo gaarigiisa loo geeyo xarunta degmada uuna howshiisa halkaas uga fushado.

Askariga canshuurta loo diiday oo aan ka war heyn qaraxa ku dhex jira mooska gaariga saaran iyo ujeedada uu darawalku ka leeyahay diidmada canshuurta ayaa gaariga ka soo raacay shirka isagoo amray darawalka inuu degmada u raaco.

Darawalka oo siduu doonayey ay wax walba u socdaan ayaa gaariga dhaqaajiyey, waxaana la sheegay in afaafka hore ee xarunta degmada Wadajir ay ku joojiyeen askar halkaas ilaalo ka aheyd oo bar kontrolna ay u taallo, hase ahaatee askariga soo qabtay gaariga oo shirka saarnaa ayaa askartii kale ka codsaday in gaarigan dacwad loo heysto ayna ka qaadaan birta, gaarigan ayaana si lama filaan ah u qarxay markii uu gudaha u galay xarunta degmada.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxa ismiidaaminta ee ka dhacay xarunta degmada Wadajir – DAAWO:

 

War deg deg ah: Dilalka oo Muqdisho ku soo batey iyo hadda oo nin Ganacsade ah lagu diley MUQDISHO

Juunyo 20, 2017

WAAJIDPRESS – 20 JUN 2017:

Nin ganacsade ahaa ayaa xalay lagu toogtay duleedka Magaalada Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Tabeelaha Sheekh oo ah meesha ay dagan yihiin dadka ugu badan ee Barakacayaasha ah ee soo gaaray duleedka Magaalada Muqdisho.

ALLAHA U NAXARIISTO Ganacsadaha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray C/kariin C/qaadir Maxamed, waxaana la sheegay dilkiisa inuu ka dambeeyay askari ka tirsan ciidamada dowladda.

Askariga iyo ninka ganacsadaha ah ayaa waxaa dhexmaray muran, waxaana taasi ay keentay in askariga uu rasaas la dhaco, ninka ganacsadaha ahaa oo durba meesha ku nafbaxay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay askariga falkaasi dilka ah gaystay inuu durba meesha ka baxsaday oo aysan jirin cid soo qabatay.

Ninka ganacsadaha ah ee la dilay, ayaa goob ganacsi wuxuu ku lahaa deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahin, waxaana lagu wadaa saaka in lagu aaso qabuuraha deegaanka Tareedisho.

Ciidamada dowladda ayaa xilliyada ay wada murmaan dadka shacabka ah waxa ay u adeegsadaan awooda qoriga oo ay ku dilaan qofka shacabka ah ama ay ku dhaawacaan.

Dowladda Somaliya ayaa horay u balan qaaday askari kasta oo ka tirsan ciidamada dowladda ee dil bareer ah gaysta in la marsiin doono sharciga.

DAAWO: ABAARO XOOG LEH OO KA JIRA SOMALILAND

Juunyo 19, 2017

WAAJIDPRESS – 19 JUN 2017:

 

DAAWO: AQOONYAHAN KA HADLAYA DHAMAAN SHIDAALKA SOOMAALIYA IYO………………

Juunyo 19, 2017

WAAJIDPRESS – 19 JUN 2017:

 

 

War deg deg ah: Nin Ganacsade ah oo hadda lagu diley Boosaaso ee deegaanada Puntland

Juunyo 19, 2017

WAAJIDPRESS – 19 JUN 2017:

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa ku soo warramaya in Dabley hubeysan ay Nin Ganacsade ahaa ku dileen Bartamaha Magaaladaasi.

Dilka ayaa la sheegay in ay geysteen  2 Nin oo Bastoolado ku hubeysnaa kuwaas oo dilka kadib meesha wax ka dhaceen isaga baxsaday.

Dilkani oo ka dhacay suuqa Caanaha ee magaalada Boosaaso ayaa waxaa ka dambeeyey rag baastoolada ku hubaysan oo goobta ka cararay.

Weli lama cadeynin Marxuumka Magaciisa (ALLAHA U NAXARIISTO), Ma cadda sababta ka dambeysay dilka Ganacsadahaasi iyo cidda geysatay waxaana meesha wax ka dhaceen tagay Ciidamo kuwa Ammaanka Maamulka Puntland ka tirsan.

Dhinaca kale, Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya ayaa sheegaya in halkaasi galabta iyo salaadii maqrib kadib laga maqlayay madaafiic xoogan oo ka dhacay dhinaca galbeed ee Gaalkacyo, halkaas oo kamid ahayd meelihii lagu dagaalamay sanadkii hore.

War hadda soo dhacay: Maxkamada CDS oo Go’aan Culus ka Gaartay Ninkii Dilay Wasiir Cabaas

Juunyo 19, 2017

WAAJIDPRESS – 19 JUN 2017:

Maxkamada ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliya ayaa Xukun Dil ah Ku riday Shakhsigii la sheegay inuu ka dambeeyey Dilka Wasiirkii Howlaha guud & guryeynta Soomaaliya Cabaas C/llaahi Siraaji oo bishii hore lagu dilay Muqdisho.

Taariikhdu markay Ahayd 14/06/2017, Maxkamadda Darajada 1’aad Ciidamada Qalabka Sida waxay mar sedaxaad u fariisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo haystay Eedaysane D/le X Axmad C/laahi Cabdi (Caydiid) 29 jir ah ina Nadiifo Faarax Cabdi ku dhashay Galgaduud ka tirsan Ciidanka Bada XDS, Kaas oo Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ku soo eedeeyey dambiga ah dil bareer ah kadib markii uu 2(labo) xabadood ku riday gaari uu waday Marxuum Cabaas C/laahi Sh. Siraaji oo ahaa wasiirkii howlaha guud iyo dib u-dhiska Xukuumada Federaalka hal xabad oo ka mid ahna ay wejiga kaga dhacday marxuumka sidaasna uu ku geeriyooday. 03/05/2017 abaaro 19:00 habeenimo ,sidoo kale waxaa lagu eedeeyay in Tr 28/04/2017 abaaro 15:00 galabnimo uu sameeyay isku day dil kadib markii asagoo saaran gaari qooqan ah uu ku qabtay qorigii uu watay taliyaha saldhiga X/jajab iyo askartii la socotay oo shaqo ka haayay isgoyska ceel-gaab sidaasna looga qaaday Eedaysanaha qorigii uu watay.

DOOD DHEER KADIB:

Maxkamaddu

Markay Aragtay:- Eedii uu soo gudbiyey Xeer ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida oo ku Xusnayd Aayadda 178aad Suuratul AL- Baqara iyo Qod. 434 XCS.

Markay Aragtay:- qoraalka eedaysane D/le X Axmad C/laahi Cabdi (Caydiid) uu ka hor qoray garsoorka ciidanka hortiisa kuna cadeeyay in uu 2 xabad ku riday gaariga uu waday wasiir siraaji, sidoo kale wuxuu qoraalka ku sheegay in 28/06/2017 laga qaaday qoraygii uu ku qornaa kadib markii ay murmeen ciidankii ilaalinaayay Ceel-gaab.

Markay Dhagaysatay: – Markhaatiyaashii la hor keenay Maxkamadda mid midna ay u waydiisay marag furkooda, waxay ka hor cadeeyeen garsoorka hortiisa in ay arkayeen eedaysane D/le X Axmad C/laahi Cabdi (Caydiid) oo xabad ridaaya marki la joojiyay gaariga uu saarnaana uu isku dayay in uu baxsado sidaasna ay si qasab ah ugu xireen.

Markay Aragtay:- Cadaymaha la horkeenay maxkamada horteeda oo ay ka mid yihiin Cadaymaha laga qoray markhaatiyaasha, sawirada laga qaaday baabuurta la isticmaalayay, cabirada laga sameeyay goobta uu dilku ka dhacay, qoraygii loo adeegsaday dilka, warqada cadaynta dhimashada marxuumka, iyo warbixinta ay soo gudbiyeen waaxda baarista cilmiyaysan.

Markay Dhagaysatay: – Doodii u dhaxaysay dhinacyada xeer-ilaalinta CQS iyo qareenada difaacayay eedaysanaha.

Sidaas darteed, Maxkamadda waxaa u caddaatay in D/le X Axmad C/laahi Cabdi (Caydiid), uu yahay dembiile galay dembiyada lagu soo oogay waxayna ku xukuntay Dil Toogasho ah, oo ah qisaasta marxuum Cabaas C/laahi Sh. Siraaji.

Sidoo kale maxkamadu waxay Amraysaa in xabsiga laga siidaayo S/A/le Cusmaan Salaad Barre oo ka tirsan Ciidanka Asluubta soomaaliyeed, hadii aan loo haysan dambi kale.

Ciddii aan ku qanacsanayn xukunka Maxkamadda waxaa u furan Racfaan.

War deg deg ah: 137-Xildhibaan Oo Saxiixay Mooshin Ka Dhan Ah Ra’iisul Wasaare Kheyre Iyo Farmaajo Oo

Juunyo 19, 2017

WAAJIDPRESS – 20 JUN 2017:

Muqdisho – Waxaa hadda bilaabatay ololo lagu doonayo in mooshin looga gudbiyo Xukuumadda Xasan Cali Kheyre, waxaana arrintaas wado xildhibaano badan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaas oo siyaasad ahaan aan ku qanacsaneyn xukuumadda iyo qeybsiga Awooda Wasiirada.

137 xildhibaan oo isugu jira aqalka sare iyo Aqalka Hoose Ee Barlamanka Soomaaliya ayaa hadda sixiixey Moshin lagu ridaayo Dowlada Xassan cali Kheyre, waxa ayna habeen hore kulan looga soo horjeedo Xukuumada Soomaaliya Ku yeesheen Hote SYL Ee Magaalada Muqdisho maadaama uu baarlamaanka Fasax ku jiro,  waxaa kale oo la sheegey in 50 xildhibaan kalena ay u riyaaqsan yihiin balse aysan weli sixiixin Moshinka.

Xildhibaanadaan oo u badnaa Golaha Shacabka ayaa dhaliilsan Sida ay u shaqeyso xukuumada waxayna diyaarinayaan Mooshin ka dhan ah Xukuumada kheyrre.

Waxyaabaha ay dhibsadeen xildhibaanadaan ka tirsan Barlamanka ayaa waxaa ka mid xeeladaha Amniga Ee Dowlada, qaabka loo wajahay xiisada khaliijka iyo ra’iisal wasaaraha oo laguha Kula jira shaqooyinkii Wasiirada.

Wat deg deg ah: Nin u shaqeeya NGO oo hadda lagu diley BALEDWEYNE ee gobolka HIIRAAN

Juunyo 19, 2017

WAAJIDPRESS – 19 JUN 2017:

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Baledweyne, ayaa sheegaya in caawa magaaladaasi lagu dilay nin ka shaqaynayay NGO lagu magacaabo Goobaale.

Marxuumka ALLAHA U NAXARIISTO oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Cismaan Muumin (Fanax), ayaa waxaa lagu dilay xaafadda Hawlwadaag, ka dib markii ay weerareen rag bistoolado ku hubeysnaa.

“Salaadda Cishe kadib ayay kooxo hubeysan toogteen marxuumka” ayuu yiri qof kamid ah dadka deegaanka magaaladda Beledweyne.

Raggan oo aan la garanayn cidda dhabta ahi ee ay ka tirsan yihiin, ayaa dilka ka dib ka baxsaday halkaasi, oo ay soo gaareen ciidamada ammaanka.

Dadka deegaanka, ayaa waxay xaqiijiyeen in ciidamada ammaanka ay xilligan hawlgal ka wadaan xaafadaasi, iyagoona ku raadjooggan dembiile-yaasha.

Gudoomiyaha Degmada Beledweyne, Aadan Axmed Xeefow oo xaqiijiyay dilka Ibraahim Cismaan Muumin, ayaa dhanka kale sheegay in ay carareen raggii dilay, balse ay ciidamadu ku daba jooggan.

Gudoomiyaha oo la hadlay Idaacadda Mustaqbal ee Magaalada Muqdisho, ayaan kala cadayn cidda ay ka tirsan yihiin kuwa dilka gaystay, hase ahaatee la kala ogaan doono baaritaanada ka dib.

Fanax, ayaa wuxuu ka tirsanaa ganacsato qandaraas ku soo qaadatay suuqyo la sheegay in laga dhisay xaafadaha Hawlwadaag, Buundoweyn iyo Xaawo Taako.

Horaantii sanadkan, ayay ahayd markii xaafadda Xaawo Taako ee Magaalada Baledweyne lagu dilay nin kale, oo ka tirsanaa ganacsatada soo qaadatay qandaraaska lagu dhisayo suuqyadan.

DAAWO : MAANTA GUDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR OO SHEEGEY WQR KA FARXIYEY UMADDA OO AH IN CID GAAR AH AYSAN LAHEYN MUQDISHO BALSE QOF WALBA LEEYAHAY

Juunyo 18, 2017

WAAJIDPRESS – 18 JUN 2017:

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaaladda Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in magaaladda uu masuulka ka yahay ay u furan tahay cid walba.

Isagoo la hadlayay ergadii maamulada ee ka qeyb galay shirkii dib uheshiisiinta Muqdisho ayuu Taabid Maxamed Cabdi sheegay in magaaladda Muqdisho loo siman yahay – DAAWO: