Af-Madow: Ciidamo taabacsan DF oo ka soo muuqday Hawdka Jubada Hoose

Ciidamo taabacsan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya oo ay hogaaminayaan, Saraakiil ka soo jeeda Digil & Mirifle ayaa ka soo muuqday xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya, ayadoo taasi ay walaac ku beertay Xarakada Al- Shabaab oo dhawaan qabsatay magaalada Kismaayo.

Ciidamadan ayaa la rumeysan yahay in ay weerar ku yihiin goobaha ay gacanta ku hayaan, kooxaha ka soo horjeeda dawladda faderaalka ee Soomaaliya, waxa ayna sheegayaan wararka soo baxayaa in ay ciidamadaasi hada utaagan yihiin qabsashada Labada gobal ee Jubooyinka, gaar ahaana magaalada Kismaayo oo ay xooga saari doonaan.

Hogaamiyaha ciidamadan oo ah Sarkaal sare oo mudo ka soo shaqeynayay gobalada Jubooyinka, isla markaasna ka soo qeyb-qaatay dagaaladii beelaysiga ee gobalada Jubooyinka, ayaa soo dhaafay xadka ay wadagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Dawladda Soomaaliya ayaa ka gaabsatay ka hadalka ciidamadan, balse wararka ayaa sheegaya in ay ciidamadan doonayaan in ay si deg deg ah ku qabsadaan magaalada xeebta kutaala ee Kismaayo, isla markaasna ay ka qabsan doonaan ciidamada Al- Shabaab oo magaaladaas ka saaray Caanoole iyo Raaskambooni.

Qorshahan ayaa ah mid ay mudo ka shaqeynaya dawladda Soomaaliya, Itoobiya iyo dawladda Kenya, waxaana hada ciidamadaasi gacan siinaya dawladda Kenya oo abaabul xoog leh ugu jira in ay qabsadaan ciidamada DF magaalada Kismaayo, ayadoo cabsi ka qabta in magaaladaasi ay sii heystaan Mucaaradyada dawladda Soomaaliya.

Faallo u dhaaf