DAAWO: RAISUL WASAARE XAMZA OO FARIIN U DIREY DADKA DEGAN DHULALKA AY DOWLADA LEEDAHAY

Maajo 20, 2024

WAAJIDPRESS – 20 May 2024:

War deg deg ah: Dowlada Ethiopia ayaa safiir buuxa u Magacawdey SOMALILAND

Maajo 20, 2024

WAAJIDPRESS – 20 May 2024:

Wakiilkii dalka Itoobiya u fadhiyey Hargeysa ayaa loo dallacsiiyey derajada ‘ambassador’ oo ka dhigan in uu yahay safiir buuxa oo dalkaas u jooga Somaliland.

Madaxweynaha dalka Itoobiya Sahle-Work Zewde ayaa Arbacadii magacawday 24 safiir, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaasi.

Sidaas darteed, 24-ka safiir ee la magacaabay ayaa u kala qaybsanaa in 10 ka mid ah ay yihiin safiiro buuxa oo haysta awood dhammaystiran, halka 14-ka kalena loo magacaabay keliya safiir.

Mudanayaasha la siiyey safiirnimada buuxda waxaa ka mid ahaa safiir Delil Kedir Bushra, oo dalkaasi u fadhiya Somaliland.

“In safiir buuxa Itoobiya u dallacsiiso Konsularkii Guud waxay ka dhigan tahay in Itoobiya xidhiidhka diblumaasiyadeed ee ay Somaliland la lahayd u dalacsiisay xidhiidh gaadhsiisan laba dal oo siman diblumaasiyad ahaan,” ayuu qabaa Cabdinaasir Axmed oo ah falanqeeye Arrimaha Geeska ah.

Xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya

Waxay ahayd 1-dii bishii January markii heshiis is-afgarad oo khuseeya Badda Cas ay magaalada Addis Ababa ku gaadheen Itoobiya iyo Somaliland.

Heshiiska is-afgaradka ee labada dhinac ayaa ahaa mid Somaliland ay Itoobbiya uu oggolaanayso in ay deegaankeeda kaga kirayso dekad ganacsi.

Somaliland waxaa ay sida oo kale oo ay sheegtay in dhul dhan 20 Km oo xeebaha ah ay ka kireyn doonto ciidamada badda ee Itoobiya, arrintaas oo ay Addis Ababa xaqiijisay.

DAAWO: WAREYSI MAANTA LALA YEESHEY LA TALIYAHA MADAXWEYNAHA ARIMAHA SHARCIGA

Maajo 19, 2024

WAAJIDPRESS – 19 May 2024:

DAAWO: WARKA IDAACADA TV-ga QARANKA OO KU BAXAYA LUQADA MAAY MAAY-ga

Maajo 19, 2024

WAAJIDPRESS – 19 May 2024:

DAAWO: SOMALILAND OO MAANTA U DABAALDEGTEY 18-MAY IYO MADAXWEYNAHA SOMALILAND FARIIN KULUL U DIREY MADAXWEYNE XASSAN SHEEKH

Maajo 18, 2024

WAAJIDPRESS – 18 May 2024:

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyay xuska 18-ka May ee aas aaska Somaliland oo lagu qabtay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan amniga iyo dagaalka Shabaab.

DAAWO 5 VIDEO OO KALA AH KHUDBADAHA IYO DABAALDEGA CIIDAMADA SOMALILAND:

VIDEO – 1: DABAALDEGA CIIDAMADA:

VIDEO – 2: KHUDBADII UU MUUSE BIIXI MAANTA HADALO KULUL UGU DIREY MADAXWEYNE XASSAN IYO WUXUU SHEEGEY IN HESHIISKII BADDA EE ETHIOPIA UU DHAWAAN HIRGELAYO:

VIDEO – 3: DABAALDEGA CIIDAMADA SOMALILAND:

DAAWO: Madaxweyne Deni oo ka hadlay sida Puntland u aragto qodobadii kasoo baxay Shirka Golaha Wadatashiga

Maajo 18, 2024

WAAJIDPRESS – 18 May 2024:

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi ayaa maanta ka hadlay war-murtiyeedkii shalay kasoo baxay shirka golaha wadatashiga ee lagu soo gebogabeeyey Mlmagaalada Muqdisho.

Madaxweyne Deni oo hadal ka jeediyey shirka jiheynta xukuumadda Puntland 2024-2029 oo maanta furay ayaa sheegay wax kasta oo ka soo baxa shirka golaha wadatashiga in aysan quseyn Puntland.

“Golaha wadatashiga wax kasta oo ay soo-saaraan nama quseeyaan haddaan Puntland nahay, midnimona ma jirto ee waxa socda waa kala go’ laga shaqaynayo” ayuu yri madaxweyne Deni;- DAAWO:

DAAWO: WASIIRKA DIINTA IYO AWQAAFTA IYO WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA OO MAANTA MUQDISHO SI WADAJIR AH UGU SOO JEEDIYEY…….

Maajo 17, 2024

WAAJIDPRESS – 17 May 2024:

DAAWO: MADAXWEYNAHA SOMALILAND IYO SAFIIRKA INGIRIISKA OO KULAN YEESHEY

Maajo 16, 2024

WAAJIDPRESS – 16 May 2024:

DAAWO OO KA FAA’IDEYSO: 10 DARDAARAN OO ALLAH NOOGU SHEEGEY SURAH ANCAAM

Maajo 15, 2024

WAAJIDPRESS – 15 May 2024:

James Swan oo dib loogu soo magacaabay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

Maajo 15, 2024

WAAJIDPRESS – 15 May 2024:

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa Talaadadii James Swan u soo magacaabay in uu noqdo Sii Hayaha Ergayga Gaarka ah Qaramada Midoobey ee Somaliya.

James Swan ayaa sanado ka hor jagadani horey u soo qabtey.

James Swan ayaa sii maamuli doona Xafiiska Qaramada Midoobey (UNSOM) ee Somaliya, ka dib markii dhawaan ay shaqada ka fariisatay Catriona Laing.

Catriona Laing ayaa 4-tii bishan soo geba-gabeysay howlaheedii diblomaasiyadeed ee dalka, iyadoona kulankeedii ugu dambeeyay la qaadatay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Catriona Laing oo xilka loo soo magacaabay 3-dii bishii May ee sanadkii 2023 ayaa xafiiska la wareegtay horaantii bishii xigtay ee June.

Catriona Laing ayaa la wareegtay shaqada UNSOM, ka dib markii uu jegadaasi banneeyay James Swan.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa Catriona Laing oo u dhalatay dalka Ingiriiska uga mahadceliyay shaqadii ay ka soo qabatay Somaliya.

James Swan oo ah diblomaasi u dhashay dalka Mareykanka ayaan la aqoon muddada uu xafiiskaasi sii maamuli doono.

Dib u soo magacaabidda Swan ayaa imanaysa, xilli Dowladda Federaalka ay dalbatay in la xiro Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobey ee dalka.