Ganacsato ay ka mid yihiin C/qaadir Abukar Cumar Caddan, Maxamed Deylaaf iyo Eng Eenow oo xayiraad lagu soo rogi doono

Dowladda Mareykanka oo joojisay kaalmooyinkii ay siin jirtay Hay’adda WFP sababo Mareykanka ka shakisan yahay in kaalmadaas lagu quudiyo kooxaha Islaamiyiinta ayaa sida laga soo xigtay Saraakiil Mareykan ah iyo kuwa ka tirsan Qaramada Midoobay waxaa laga fikirayaa sidii xayiraad loogu soo rogi lahaa dhawr ganacsato soomaaliyed.

Warbixin todobaadyo ka hor ay soo saartay Gudiga Xayiraadka Hubka iyola socoda hubka gala Soomaaliya ayaa waxay ku shaacisay in saddex ganacsato oo la sheegay inay qandaraas ka qaateen WFP ay si dadban dhakhaale u siiyaan kooxaha ka soo horjeeda dowladda soomaaliya.

Liiska ganacsatadaas ayaa waxaa ku jira C/qaadir Abukar Cumar Caddan, Maxamed Daylaaf, C/qaadir Eenow iyo kuwa kale oo dhamaantood ah qadaraaslay ka tirsan reer Muqdisho.

C/qaadir Abukar Cumar Caddan, Xoghayihii hore ee Maaliyadda Midowgii Maxkamadaha Islaamiga waxaa uu ku eedeysan yahay inuu xiriir kala dhaxeeyo kooxaha Islaamiyiinta sida uu sheegay Sarkaal ka socda Qaramada Midoobay tuhunka ugu weyn waxaa laga qaba ninkan oo si buuxda u taageeri jiray kooxahaas.

Sidoo kale ninkan ayaa la sheegay inuusan wada shaqeyn fiican kala dhaxeyn Dowladda oo uu madaxweynaha ka yahay Shariif Sheekh Axmed oo horey u taageeri jiray markii uu ahaa Guddoomiyaha Golaha fulinta Maxkamadaha.

Sarkaal la socday Wafdi Qaramada Midoobay ka socday oo dhawaan booqday deegaanka dadka barakacay ku nool yihiin ayaa u sheegay guddiga baaritaanka wada in C/qaadir uu xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo kooxda Xisbul Islaam maadama uu ahaa ninkii suura geliyay in wafdigaas ceelasha biyaha booqdo.

Maxamed Daylaaf, Ganacsato ka soo jeeda Magaalada Muqdisho,waxaa uu ku xiran yahay Sheekh Xasan Dahir Aweys oo ay beel hoose yihiin, waxaa kaloo lagu tuhmayaa inuu taageero Kooxda Alshabaab, eedeynta loo jeediyayna waxaa weeye isagoo lacagaha uu ka qaato WFP qeyb ka mid ah uu siiyay kooxaha islaamiyiinta.

Deylaaf, waxaa uu sheegtaa inuu taageero kooxda Ahlu sunna Waljameeca ee ka dagaalanta Gobolada Dhexe ee Somaliya, dhawr sano ka hor buug uu qoray nin Itoobiyan ah ayaa lagu sheegay in Maxamed Deylaaf uu ku jiro Xubnaha Mareykanka uu ku daray waxa uu ugu yeero Argagixisada caalamiga, hase yeeshee marna ma soo bixin warkaas cadeymaha muujinaya.

Laakiin Ganacsadan ayaa lagu tuhunsan yahay inuu kaalin wanaagsan ku leeyahay Siyaasadda Somaliya, isagoo xiriir wanaagsan oo wada shaqeyn ah kala dhaxeyso Ganacsato Jabuuti u dhashay oo uu ka mid yahay C/raxmaan Boore.

Eng C/qaadir Eenow, ayaa ka mid ah raga eedeysan loona haysto tuhunka ah in ay si dadban u biilaan oo ay lacago u siiyaan kooxaha ka soo horjeeda dowladda soomaaliya.

War laga helay xafiiska Siyaasadda ee Qaramada Midoobay waxaa uu sheegayaa in la soo afjaray baaritaankii raggan ku socday, haatana la qorsheynayo in tallaabada koowaad ay noqoto in la xayiro socdaalkooda.

Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid ayaa wax laga weydiiyay eedeyntaas waxaa uuna sheegay in dowladdiisa tuhunkaas ay qabto, balse maalmo kadib ganacsatadaas ayaa waxay Xafiiska Qaramada Midoobay gaarsiiyeen qoraal Dowladda u soo qortay kaas oo lagu sheegay in ay been tahay eedeynta loo jeediyay ganacsatadaas ayna la shaqeeyan Dowladda sidii looga tala galayna kaalmooyinka u gaarsiiyan dadka dhibaataysan.

Laakiin Wasiirkii hore ee Gaadiidka Dekedaha Badda Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa warqad uu ka qoray ganacsatadan ku sheegay in ay maal geliyaan kooxaha shabaab, isagoo markaas ku tuhunsanaa in ay furan doonaan deked macmalka ah ee Ceel Macaan oo ku taal duleedka Waqooyi ee magaalada muqdisho.

Faallo u dhaaf