Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiin C/risaaq Jurile oo casho la qaatay beesha Digil iyo Mirifle

Minnesota:-Jaaliyada Digil Mirifley ee Minnesota ayaa casho sharaf soo dhaweyn ah u sameeyey Wasiirka Boostada iyo Isgaar siinta ee DFKMG C/risaaq C/raxman Xassan oo loo yaqaano Jurile.
Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta iyo Siyaasiyiinta Digil iyo Mirifle.

Jaaliyada, Waxay warbixin kaga dhageysteen wasiirka Xaalada guud ee Soomali iyo arimo la xiriira soo dhaweynta madaxweynaha iyo wafdigiisa,shirkaas ayaa waxaa goobjooga ka ahaa soo saaraha SomaliMaitv Liibaan Hussein.
Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta C/risaaq C/raxman Xassan Jurile ayaa wada da daalo uu iskugu keenayo Soomalida Gobolka degan oo qaarkood ka dhawaaji yeen in ay dhigayaan Mudaharaadyo ay ku muujinayaan sida ay oga xun yihiin Hishiiskii Is faham dhinaca Badda ee DFKM la gashay Dowladda Kenya.
Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta C/risaaq C/raxman Xassan Jurile ayaa asagu ka waxaa uu ka mid ahaa wasiiro dhowr ah oo saxaafadu magacooda shaacisay in ay qayb ka ahaayeen hishiiskii is faham ee dhunaca Badda ee dhexmaray Dowlada Kenya iyo DFKM.
Dhanka kale Madaxweynaha DFKM ah Sh Shariif Sh Axmed ayaa la filayaa in
uu soo gaaro galabta oo ah Jamce 10/2/09 Gobolka Minnesota Magaalada Minneapolis ,Madaxweynaha DFKM Sh Shariif Sh axmed ayaa lagu wadaa in uu kulamo la qaato waaridiintii ilmahoodu ay ku laabteen Soomaliya kuna dhinteen oo Jah wareer iyo khilaaf badan ka dhex dhaliyey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Minnesota.
Dhinaca kale Suxufiyiin badan oo reer Minnesota ah ayaa is weydiinaya sababta waraaqda casumaada ee Flyerka in aysna ka muuqan in uu Madaxweynuhu DFKM Sh Shariif Sh Axmed fursadsiin doono Saxaafadda Soomaalida ee ka howl gasha Minnesota si ay su,aalo u weydiiyaan iyo in kale.
Warqada casumaada ayaa waxaa ku cad in Madaxweynaha DFKM Sh Shariif uu khudbad u jeedin doono lana hadli doono Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool
Minnesota, sidoo kale wali waxaan la ogayn cidda ka hadli doonta shirka walina ma cadda door Aqoonyahanada iyo dadka laga qaymeeyo Gobolka Minnesota gaar ahaan aqoon yahanada ,Siyaasiyiinta iyo Culumada Gobolka Minnesota Dowrka ay ku yeelan karaan soo dhaweynta Madaxweynaha DFKM Sh Shariif Sh Axmed ,soo dhaweynta Madaxweynaha DFK Sh Shariif ayaa shir ay qabteen rag is xilqaamay oo 3 ah waxaa ka dhashay buuq iyo khilaaf, Magaalada Minnesot ka socda shirar jahwareeriyey Soomaalida ku dhaqan Gobolka Minnesota.

Faallo u dhaaf