Dhagayso:- Dr Ducaale ” Kismaayo ma Puntland baa mise wa Jubbaland Maxaa ina Cabdirashiid dhex galiyay shaqada Jubbooyinka”

WAAJIDPRESS – 5 APR 2013:

Dr Axmed Faarax Ducaale Madaxwaynaha Dibadda Jooga ah ee Maamulka Jubbaland State oo Waraysi gaar ah siiyay Saadaal Media ayaa ka hadlay Marxadaha iminka uu marayo Maamulka Jubbaland iyo sidoo kale Waxyaabihii u qabsoomay mudadii uu ku guda jiray Maamulka Jubbaland.

Isagoo ku sugan Qaaramada Yurub ayuu u sheegay Saadaal Media meel wanaagsan inay marayaan howlihii Mamulka Jubbaland State isla markaana ay guul ku dhow yihiin.

Dhanka kale wuxuu sheegay shirarka ka socda Magaalada Kismaayo inay yihiin kuwa baadil ah isla markaana aan u cuntami karin deegaanada Jubbooyinka.

Ducaale ayaa sheegay Magaalada Kismaayo in la iskugu geeyay dad aan asal ahaan kasoo jedin Jubbooyinka isla mar ahaantaana dano gaara ah kaleh deeganadaasi.

Madaxwayne Axmed Faarax Ducaale ayaa Sheegay Magaalada Kismaayo inay ka talinayaan Siyaasiyiin aan asal ahaan kasoo jeedin isla Markaana ka yimid Puntland iyo deegaano kale.

Hoos ka dhagayso.

RIIX HALKAN SI AAD U DHAGAYSATO

Ama ku dhagayso Mobile

Faallo u dhaaf