Sheekh Shariif sheekh Axmed oo loo doortay Madaxwaynaha Soomaaliya.(

Sheikh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay waxaa uu ku guulaystay xilka madaxtinimada Soomaaliya kadib markii uu cod aqlabiyad leh ka helay  barlamanka isku dhafka ah ee Soomaaliya ee ku shiray dalka Jabuuti.

 

Musharixiinta uu la tartamay  Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa ay gaarayeen ilaa 11-musharax iyadoo wareegii ugu horeeyay ee codeynta ay soo baxeen ilaa 6-musharax oo kala ah Cali Qaliif Galeyr oo helay cod gaaraya 31,Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo isna helay cod gaaraya 215-cod,Nuur Cadde,oo ku guulaystay 59-cod,Maslax Max’ed Siyaad Barre 60-,Max’ed Cusmaan Aadan 25,iyo C/raxmaan Guulwade oo isagana ku guuleystay 10-cod.

 

 Wareegii labaad ee doorashada ayaa waxaa isugu soo horay 6-daasi musharax iyadoo ay hareen 5-tii Kale,waxaana markii uu wareega labaada bilowday ku dhaawaqay in uu doorashada isaga haray Cali Qaliif oo goobta cod bixinta ka sheegay in uu ka tanaasulay doorashada madaxweynaha Soomaaliya sidoo kale waxaa halkaasi ku dhawaaqay in u isga haray tartanka Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo sidoo kale Max’ed Cusmaan Adan oo isna ka haray tartanka iyadoo uusan  goobta tartanka wareegii labaad soo xaadirin C/raxmaan Guulwade taasoo keentay in gudoonka baarlkammaanku ay sheegeen  in uu ka haray tartanka.

 
Gudoomiyaha barlammaanka Sheekh Adan Madoobe ayaa ku dhawaaqay in

wareegii labaad loo badalayo  kan sedaxaad maadaama ay isugu soo hareen Sheekh Shariif iyo Maslax Max’ed Siyaad Barre isla markaana cod dheeri lagu guulaysanayo.

 
Kadib markii ay in mudo ah socotay codeynta ayaa waxaa ay labada musharax kala heleen codad kala gaaraya Maslax Max’ed Siyaad oo helay 126-cod iyo sheikh Shariif Sheekh Axmed oo isna ku guulaystay  293-cod taasi oo sababtay in ay soo afjaranto doorashadii madaxtinimada Soomaaliya.

 

Gudoomiyaha Barlamanka Sheekh Aadan Max’ed Nuur oo hagayay doorashadii xalay ayaa sheegay in uu madaxweynaha Soomaaliya ku guulaystay Sheekh Shariif Sheekh Axmed kadib markii uu ka cod badiyay Maslax Max’ed Siyaad Barre oo isagu kaalinta labaad ka galay doorashadii xalay ka dhacday Jabuuti.

 

Maslax Max’ed Siyaad Barre oo goobat ka hadlayay ayaa sheegay in uu ku qanacsanyahay sida ay doorashdu u dhacday isagoo carabka ku dhuftay in uu la shaqeyn doono madaxweynaha cusub ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

 

 

Sheikh Shariif Sheekh Axmed oo markii lagu dhawaaqay doorashadiisa halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay nabadda raadin doonaan islamarkaana ay wadamada dariska ah ay soomaaliya nabad kula noolaandoonto,isagoo tilmaamay in Soomaaliya aysan aheeyn meel caalamka looga duulo laakiin ay tahay meel ay ku noolyihiin dad masaakiin ah oo u baahan in la taageero.

 

Kadib markii lagu dhawaaqay doorasahada madaxtinimada Soomaaliya in uu ku guulaystay ayaa gudaha magaalada Muqdisho waxaa laga maqlay  rasaas xoogan oo mar qura is qabsatay taasi oo loogu dabaaldagayay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

 

 Xafladda dhaarinta madaxwaynaha ayaa la filayaa in ay maanta 9,00 nsubaxnimo ka dhacdo hotelka Kampisi iyadoo dhaarta kadibna laga sugayo madaxwaynaha Somalia in uu ka qayb galo kulanka 12aad ee dalalka Africa oo ka dhacaya magaalada Addis Ababa ee xarunta midawga Africa.

Faallo u dhaaf