DHAGEYSO: XILDHIBAANO UU KU JIRO XAABSADE UNA BADAN DIGIL IYO MIRIFLE AY SU’AALO MAANTA KU WEYDIIYEEN GOLAHA BAARLAMAANKA WASIIRKA GAASHAANDHIGA MR. FIQI

WAAJIDPRESS – 30 Jul 2013:

Wasiirka Difaaca Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa maanta hor tagay Xubnaha baarlamanka Federaalka Soomaaliya waxaana su’aalo laga waydiiyay arimaha Ciidamadda gaar ahaan dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee ka dhacay gobolka Shabelaha Hoose.

C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo Su’aalo laga waydiiyay dagaalkii dhawaan ka dhacay gobolkaasi oo lagu eedeeyay Ciidamadda dowladda gaar ahaan kuwa Milletariga inay qayb ka qaateen, wuxuuna gabi ahaanba beeniyay in Ciidamo ka tirsan  dowladda Soomaaliya ku lug lahaayeen dagaaladaasi.

Wasiirka ayaa sheegay in rag labisan direeska Ciidanka ay dhibaatooyin ka gaysteen gobolka Shabellaha Hoose isagoona xusay dadkaasi inaysan ka tirsanayn ciidanka dowladda, balse ay yihiin dad doonaya inay magaca ka xumeeyaan Ciidamadda Xogga dalka.

Sidoo kale Wasiirka ayaa eedayn kulul dusha uga tuuray Guddoomiyaha gobolka Shabellaha Hoose iyo kan degmada Marka, waxaana uu ku eedeeyay falal ammaan xumo ee gobolkaasi ka jira qayb inay ka yihiin, isagoona geesta kale sheegay isbaarroyin inay dhigteen gobolka.

Halkan Riix Si Aad U Dhagaysato

Faallo u dhaaf